Maamulka Isaaqland oo dilay Abwaankii weynaa ee Jaamac Kediye

Maamulka Isaaqland oo dilay Abwaankii weynaa ee Jaamac Kediye

Allaha u naxariistee abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Laascaanood, iyadoo la sheegay in uu ku geeriyooday madaafiic lagu gaaracay magaaladaasi.

Geerida abwaanka ayaa waxa noo xaqiijiyay ehelkiisa oo aan kula xiriirnay qadka taleefanka.

Abwaanka ayaa waxa uu taariikh mug weyn ku dhex leeyahay Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo kamida ay gayiga Soomaaliyeed ka caan bexeen.

Haddaba waa kuma abwaan Jaamac Kadiye?

Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Laascaanood oo maanta uu ku geeriyooday, abwaanka waxa uu ku jiray da’aadda 70-meeyada, abwaanka ayaa ka gabyi jiray idaacdihii Soomaaliyeed ee radio Muqisho iyo radio Hargeysa 1972-dii xilligaasi oo dadku ay si aad ah u barteen.

Abwaan Kadiye ayaa waxa uu gudbin jiray suugaan diini iyo dhaqanba leh oo isugu jirta Gabay guurow maanyo geeraar iyo kuwa kalaba, waxa uuna ku hadli jiray luuqadaha Soomaaliga Carabiga iyo Ingiriiska.

Abwaan Jaamac kadiye ayaa dagaalkii Soomaaliya Itoobiya ee 1977-dii waxa uu ka tiriyay gabayo badan oo uu Soomaalida ku wacyi gelinayo midnimo isagoo ku dhiirri gelinayay in ay isku duubnaadaan isla markaana muujiyaan wadaniyaddooda.

Allaha u naxariistee abwaan Jaamac Kadiye ayaa u baxay safarro badan oo xagga dibadda ah kuwaasi oo uu kaga qayb galay bandhig dhaqameedyo uu kusoo bandhigay suugaan badan oo ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed.

Abwaan Cismaan Cabdinuur Xaashi

Abwaan Cismaan Cabdinuur Xaashi oo ay saaxiib dhow ahaayeen Abwaan Jaamac Kadiye tan iyo 1971-dii isla markaana aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa ka hadlay waxyaabaha lagu xuususan doono abwaanka.

Abwaan Xaashi ayaa yiri “ Abwaan kadiye waxa uu ahaa saaxibkey in kabadan 50 sano waxaa lagu xusuustaa wadani-nimo iyo dal jacayl, waxa uu necbaa in uu dalka ka tago, waxa uu dadka ku dhiirri gelin jiray midnimada iyo dal jacaylka”.

Abwaan xaashi ayaa sidoo kale yiri “ abwaanka waxaa lagu xusuusan doonaa suugaan ay dhageysato Soomaalida oo idil meel kasta oo ay joogaan, yar iyo weynba, waxa uu dadka ku wacyi gelin jiray ku dhagganaashaha diinta iyadoo uu caan ku ahaa gabayada wacdiga ah”.

Abwaan Cismaan Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “maalmihii ugu dambeeyay abwaan Jaamac kadiye waxa uu ka shaqeynayay midnimada iyo isku duubnida ummadda Soomaaliyeed, waxa uu aad u necbaa qabyalladda waligiisna waxa uu ku hanweynaa Soomaali mideysan”. Ayuu sii raaciyay

Abwaan Kadiye

Abwaan Jaamac Kadiye ayaa lagu xusuustaa mid kamida gabaydiisii aadka u caan baxay ee uu kaga hadlayo in qofkasta oo dunida awood ku leh mar uun uu ka tegi doono, waxa uuna gabaygaasi ku muujiyay wacyi gelin ku aadan sahayda aakhiro. Waxaa gayabgaasi kamid ahaa.

Allaa weyn Rabbi baa waaxidaad wada taqaaniine

Isagaa waduud ah aan tashiga la la wadaagayne

Isagaa wuxuu doonaya ba cidi la waastayne

Wax ba kama 

qarsoonoo qalbigu waxan hadduu yeesho

Wixii wali ba waa u waadaxiyo waasac maalin ahe

Alwakiilu magaciisu waa waaris aan dhimane.

Haddaad se xoolo waafiya dhaqdiyo aqallo waaweyn ba

Ama aad warshado leedihiyo waadiyiyo beero

Ama wiilal badan leedahayoo wax isku moodayso

Ama reer waliid sheegatiyo wadar xigaalkaaya

Wax ba adoon ka sidan maalkiyoo waayey noloshaadi

Oo maro ku waydaaran baa lagu walaandaynee

Wartii iyo xabaashaadii baa weec laguu dhigiye!

Walaal iyo adeer iyo hadduu wehel ku sii raacay

Warasadaad jeclayd dhoobaday kugu wafiifaane

Wadiiqadii lagaa keenay bay dib uga weecdaane

Adigoo welwelayaad indhaha walac ka siisaaye

Wadnahaa cabsiyi kaa gashaa aad wajacantaaye

Warran bay ku odhan malagyadii labada waaxoode!

Allaha u naxariistee geerida Jaamac Kadiye ayaa laga hadal hayaa guud ahaan gayiga Soomaalida, iyadoo ay ka tacsiiyeyeen mas’uuliyiin dhow ah.

Weli lama xaqiijiin halka lagu aasi doono abwaanka iyo goorta uu dhacayo aaskiisa.

Maxay tahay sababta uu Sheekhan u diiday inuu isku mehriyo lammaane is guursanayay?

Maxay tahay sababta uu Sheekhan u diiday inuu isku mehriyo lammaane is guursanayay?

Axaddii lasoo dhaafay waxaa magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ka dhacday arrin hadal-heyn badan dhalisay, kaddib markii sheekh magaalada caan ka ah uu diiday inuu isu mehriyo lammaane is guursanayay.

Xafladda ayaa la qabanqaabiyay, cunnadii ayaa la diyaariyay, waxaana keliya la sugayay imaatinka sheekha iyo inuu meherka dhaco, hase yeeshee dib u dhac badan oo aan la fileyn ayaa ku yimid qabsoomidda meherka.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Sheekh Ibraahim oo ah sheekha diiday inuu lammaanaha mehriyo oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in meherka ay gabadhu dalbatay uu ahaa mid qaali ah, sidaas darteedna uu u diiday codsiga ay qoysku soo gudbiyeen.

“Gabadha aabbaheed ayaa isoo wacay iina sheegay igana codsaday inaan gabadhiisa mehriyo, balse markii uu igu yiri meherkeeda waa 100g oo dahab ah ogow, ayaan diiday,” ayuu yiri.

Markii cadadkaas dahabka ah lagu qiimeeyay lacagta shilinka Kenya waxay noqotay ku dhowaad hal milyan.

Sheekha ayaa sheegay in diidmadiisa ay daaran tahay meherka qaaliga ah oo dahabka ah aysan ahayn mid ku fiican dhaqanka.

“Haddii la qiimeeyo ilaa 20 neef oo geel ah waaye, waxaas guur ma aha wax fiicanna ma aha,” ayuu yiri.

“Walaasheed ayuu ku mehriyay 100g oo dahab ah”

dahab

Walaasheed ka weyn ayuu dhowaan sheekhu ku mehriyay isla xaddiga dahabka uu aabbaha sheegay.

“Waxaa jirtay dhacdo tan ka horreysay, gabadha iyada ka weyn ayaan mehriyay. Ma dooneyn inaan boqol garaan oo dahab ah ku mehriyo, laakiin si kale oo aan sameeyo ma jirin,”

Sheekha ayaa sheegay in gabadha iyo wiilka la isku diidayay muddo shan sano ah, sidaas darteedna ay ku adkaatay inuu diido inuu isku mehriyo.

“Markii gaari laygu qaaday oo aan xafladda tagay oo aan nikaaxi rabo, aabbaheed ayaa yeeriyay meherka waana 100 garaam oo dahab ah. Dadkii dhan ayaa yaabay, aabbaheedna wuu ku adkeystay,”

“Anoo is leh maka istaagtaa mise waad mehrisaa, wiilka ayaa iga codsaday in maaddaama gabadha shan sano loo diiddanaa aan ku mehriyo,”

“Sheekhow meel laga noqdo lama joogo ee igu mehri, ayuu igu yiri,” ayuu sheekhu sheegay.

Wuxuu sheegay in maaddaama uusan tii hore ka baaraandegin uu diiday inuu gabadha yar isla cadadkaas ku mehriyo.

Qoyska gabadha ayaa kaddib baadigoobay sheekh kale oo gabadhooda mehriyo, balse magaalada dhan kama aysan helin wax codsigooda yeela, sida uu sheegay.

Markii dambe ayay u tageen qaadiga maxkamadda magaalada Wajeer, halkaas oo uu me herku ka dhacay.Ma aha markii ugu horreysay ee ay culimadu ka hadlaan meherka qaaliga ah, gaar ahaanna gobolka Waqooyi-bari, Kenya.

Maxaa ka dhalan kara meherka qaaliga ah?

doollar

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in meherka qaaliga ah aysan ammaanin diinta Islaamka, isla markaana lagu talinayo in la fududeeyo.

“Guurka oo la qaaliyeeyo waxaa ka dhalaneysa fisqi badan, in dhalinyaro badan ay guursan waayaan oo guurka laga tago, arrintaas ma aha wax sax ah”

Wuxuu sheegay iny dhici karto in meherka la badiyo, balse ay jirto wax ay dadku sameystaan oo aan diinta ma hor imaaneynin sida geel iyo lo’ in la isku mehriyo.

“Annaga dahab iyo doollar iyo waxaas ma aqaan, waxaan rabnaa dhaqankeenna aan naqaanno oo aan diinta ka hor imaaneynin, si gabdho badan ay sey u helaan rag badan ay xaasas badan u helaan,”

“Weligey qaalin geel ka badan qof kuma mehrin”

geela

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in meherkii ugu qaalisanaa ee gudaha dalka Kenya ka dhaca ee uu isagu mehriyo uu ahaa qaalin geel.

“Wax qaalin geel ka badan qof kuma mehrin iyo siddeed neef oo ari ah,” ayuu yiri.

Waxaa jira dad kale oo dibadda ku nool oo meherkoodu intaas ka badnaa oo uu sheekhu mehriyay.

Wuxuu kula taliyay lammaanaha is guursanaya inay qafiifiyaan meherka, oo aan culeys la saarin ragga.

Muxuu aabbaha gabadha ka yiri arrintan?

dahab

Aabbaha gabadha oo lagu magacaabo Ibraahim Cumar oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in gabdhihiisa uu aad u jecel yahay uuna wax wanaagsan la rabo, isla markaana meherka ay gabadha xaq u leedahay ee aysan cid kale quseyn.

“Gabadha hadii aan waalid ahay in gabdhaha loo dadaalo ayaan aad u jeclahay gabar inay qiimo badan tahay ayaan minsanahy,” ayuu yiri.

Ibraahim ayaa sheegay in maaddaama sheekhu uu gabadhiisii hore uu isagu mehriyay, uu sidaas ugu xilanayay in mar kale uu gabahdiisa labaad mehriyo.

“Sheekha qaraabo ayaan nahay gabadheyda horena asagaa mehriyay sidaas ayana ugu xilanayay”

Wuxuu kaloo sheegay inuusan ka war heyn wax lagu heshiiyay oo dhanka qiimaha meherka ah.

“Wax lagu heshiiyay qiimo ahaan Wajeer kama war haayo, meherkana gabadhaa leh, wax qeylo ka keeni karana malaha”

Ibraahim ayaa sheegay in wiilka uu raalli ka ahaa, meherka.

“Wiilka iyo gabadhaa heshiiyay. Haddii uusan raalli ka ahayn ma guursan lahayn,”

“Qaadiga magaalada oo dowladda Kenya u qaabilsan dhanka shareecada Islaamkaa mehriyay,” ayuu intaa raaciyay.

Ibraahim wuxuu dhalay lix gabdhood, oo labo ka mid ah la guursaday, inta hartay ayuu sheegay inuu sidaas oo kale la doonayo.

“Hala ogaado afarta hartay 100g oo dahab ah ka badan maahee ka yar laguma mehrinayo,”

“Gabar walba qiimaheeda ayay joogtaa, gabadhan waa mutacallimmad, sadedx jirkeedii anaa dahab u xiray, maaddaama xilkeeda uu iga wareegaayo saan u haayay oo usoo koriyay ayaan rabaa in ninka guursanaya uu u dhaqo.” Ayuu yiri Ibraahim.

Tuuga ugu caansan Soomaaliya oo xil loo magcaabay

Ha’yad Cusub oo la sameeyey ayaa madax looga dhigay Tuug hore iyo Argagixiso hore

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday xarun cusub oo qaabilsan cilmi-baarista iyo ka hortagga fikirka xagjirnimada oo Soomaaliya muhiim u ah, maadaama ay ka dagaalamayaan kooxo argagixiso ah.

Hay’adan cusub ee ee Xarunta Qaran ee Tubsan ayaa Agaasime looga dhigay Tuuga ugu caansan Soomaaliya  Cabdullaahi Maxamed Nuur. oo da’ yar kaga xaday Soomaalida lacag gaaraysa 30 milyan

Halka ku xigeenkiisa laga dhigay  Ibraahim Aadan Ibraahim Nadaara oo ahaa ninkii alshabaabka u qaabilsanaa dhanka waxbarashda ee gobolada Bay iyo Bakool  

REER AADAN DAAHIR

Musuqmaasaq Soomaaliya oo maraya halkii ugu saraysay

Deeqaha Caalamku ugu deeqo Soomaaliya oo aan horay u soo dhaafi jirin Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya, ayaa hadda waxa ku darsamay arin khatarteeda leh oo ah in hubkii loogu deeqay Soomaaliya ee loogu tala galay in lagula dagaalamo alshabaabka meel kasta oo ay Soomaaliya ka joogaan ayaa in inta ranji lagu buufiyey waxa beelo u qaybsaday beesha Hawiye

Sidoo kale wasaaraddii dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa beel ahaan loo maamulaa oo laga dhigtay meel laga helo Fiiso lagu helo si dalka looga tahriibo.

Labada Muuqaal ee hoose ayaa ku tusaysa musuqmasaqa Dawladda Xasan Culusoow halka ay marayso

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyay shir looga hadlayay mudnaanta dowladda marxaladda deyn-cafinta kadib

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyay shir looga hadlayay mudnaanta dowladda marxaladda deyn-cafinta kadib

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyay kulan muhiim oo looga hadlayay jiheynta dhaqaalaha dalka marxaladda deyn-cafiska kadib.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay talo-bixin ay sameeyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka, oo ka kooban lix qodob oo taabanaya qorsheyaasha horumarineed, sare u qaadidda maamulka maaliyadda oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda dakhliga, xakameynta kharashaadka iyo isu  dheellitirka miisaaniyadda, maareynta deymaha, hufnaanta iyo isla xisaabtanka, nidaaminta shuruucda iyo siyaasadaha ganacsiga dalka iyo xoojinta siyaasadda lacagta ee kaalinta Bangiga Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyay marxaladda uu marayo hannaanka deyn-cafiska Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxa uu faray Wasaarradaha iyo Hey’adaha ku lugta leh inay dardargeliyaan waajibaadka ka saaran dhameystirka qorsheyaasha marxaladda deyn-cafinta kadib.

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee basbaaska ay sameyso dunida laga hadal hayo?

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee basbaaska ay sameyso dunida laga hadal hayo?

Ubax Xasan, oo asalkeeda Soomaaliya ka soo jeedda ayaa waxay soo jiidatay warbaahinta dunida, kaddib markii basbaas ay sameyso aad looga hadlay.

Ubax oo dharka xayeysiisa, waa milkiilaha shirkadda UBAHHOT, oo soo saarta basbaas diyaarsan, waxaana basbaaskeeda looga hadlay majaladaha caanka ah ee Oprah Daily, Forbes, Vogue, iyo qaar kaloo badan.

Waxaa gabadhan aad loogu yaqaannaa musalsalka The Real Housewives of New York City, kaasoo ay ka mid tahay jilaayaashiisa.

Waxay Ubax sheegtay in sababta ku dhalisay ganacsiga basbaaska ay tahay inay ku adkaatay cunista kalluun iyo khudaar la huuriyay keligood, waxayna tuman jirtay basbaas iyadoo weel ku shuban jirtay kaddibna miiska cashada usoo qaadan jirtay.

Arrintan ayay sheegtay inay ka keentay xusuusaha yaraanteedii, oo sida lagu yaqaanno inta badan guryaha Somaalida, basbaas iyo toon inta la isku tumo lagu daro liin iyo cusbo.

Gurigeeda ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayay Ubax ku sameysaa basbaaska.

Si la mid ah dadka dharka xayeysiiya, waxay cuntaa cunno caafimaad leh.

“Ma aanan dooneyn inaan cuno kalluun iyo khudrad la huuriyay keligood,” ayay tiri Ubax.

basbaaska
Qoraalka sawirka,Ubax Xasan

Waxay isku shiiddaa barbarooniga jaallaha ah, xoogaa yaanyo ama tamaandho xabuub ah iyo basbaas, taasoo cunnada u socodsiisay. Basbaasku waa nooc ka mid ah cunnooyinka ay qoyskeedu mar walba isticmaalaan. “Soomaalidu way jecel yihiin basbaaska,” ayay tiri.

Durba basbaaska ay sameyso Ubax ayaa waxaa jeclaaday saaxiibbadeed. “Waxaan sameyn jiray basbaaskan waxaana geyn jiray kmiiska cashada,” ayay tiri. “Dadkuna way qaadan jireen, iyagoo dhadhaminaya, niyaddana iska leh: ‘Waa maxay kan? Waa maxay kan?’” Markii ay aqbalaad ka heshay dukaan weyn oo caan ah oo basbaaska lagu iibiyo kuna yaalla xaafadda Brooklyn, Ubax waxay ogaatay inay sameysatay ganacsi.

Inkastoo markii hore ay xoogaa ka baqeysay inay daah-furto shirkadda Ubah Hot, haddana marka kama aysan shakin hadafkeeda. “Waxaan imid New York anigoo sita $150,” ayay tiri, iyadoo ka sheekeyneysay sida ay guul uga gaartay suuqa tartanka badan loogu jiro ee dhar xayeysiinta.

Waxay is tusisay in go’aankeedu uu ahaa mid fudud: “Waa inaan tan sameeyaa.” Iyadoo weli wadda dhar xayeysiinta, ayay kusoo biirtay suuqa cunnada, gaar ahaan basbaaska

Shalay iyo Maanta waa Isku Mid

Soomaaliya horay umma socoto, siyaasadda waa mid meesheeda taagan, sidoo kale, dagaalka argaggixisadda waa mid shalay iyo maanta ay isku mid yihiin. Hadaba, magaalada Ruun Nirgood, oo ku taal gobolka Shabeelada Dhexe ayaa shalay dib gacanta loogu dhigay. Hase ahaatee, isla magaaladaas ayaa gacanta lagu dhigay 7 sanno ka hor, iyada oo ay iska kaashanayaan ciidnka dawladda iyo kuwa Amisom. Mar kale ayaa dib loola wareegay muddo haatan laga joogo 7 billood, hadana shalay ayaa dib loola wareegay. Haddii aanu joogno tobbon sanno oo danbe dabcan waxaan arki doonnaa Ruun Nirgood oo dib looga qabsaday Argaggixisadda.

MUUQAALADDA HOOSE WAA 7 SANNO KA HOR IYO RUUN NIRGOOD

MUUQAALKAN KALE WAA 7 BILLOOD KA DIB IYO RUUN NIRGOOD