26th July 2024  admin  Category :

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee basbaaska ay sameyso dunida laga hadal hayo?

Ubax Xasan, oo asalkeeda Soomaaliya ka soo jeedda ayaa waxay soo jiidatay warbaahinta dunida, kaddib markii basbaas ay sameyso aad looga hadlay.

Ubax oo dharka xayeysiisa, waa milkiilaha shirkadda UBAHHOT, oo soo saarta basbaas diyaarsan, waxaana basbaaskeeda looga hadlay majaladaha caanka ah ee Oprah Daily, Forbes, Vogue, iyo qaar kaloo badan.

Waxaa gabadhan aad loogu yaqaannaa musalsalka The Real Housewives of New York City, kaasoo ay ka mid tahay jilaayaashiisa.

Waxay Ubax sheegtay in sababta ku dhalisay ganacsiga basbaaska ay tahay inay ku adkaatay cunista kalluun iyo khudaar la huuriyay keligood, waxayna tuman jirtay basbaas iyadoo weel ku shuban jirtay kaddibna miiska cashada usoo qaadan jirtay.

Arrintan ayay sheegtay inay ka keentay xusuusaha yaraanteedii, oo sida lagu yaqaanno inta badan guryaha Somaalida, basbaas iyo toon inta la isku tumo lagu daro liin iyo cusbo.

Gurigeeda ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayay Ubax ku sameysaa basbaaska.

Si la mid ah dadka dharka xayeysiiya, waxay cuntaa cunno caafimaad leh.

“Ma aanan dooneyn inaan cuno kalluun iyo khudrad la huuriyay keligood,” ayay tiri Ubax.

basbaaska
Qoraalka sawirka,Ubax Xasan

Waxay isku shiiddaa barbarooniga jaallaha ah, xoogaa yaanyo ama tamaandho xabuub ah iyo basbaas, taasoo cunnada u socodsiisay. Basbaasku waa nooc ka mid ah cunnooyinka ay qoyskeedu mar walba isticmaalaan. “Soomaalidu way jecel yihiin basbaaska,” ayay tiri.

Durba basbaaska ay sameyso Ubax ayaa waxaa jeclaaday saaxiibbadeed. “Waxaan sameyn jiray basbaaskan waxaana geyn jiray kmiiska cashada,” ayay tiri. “Dadkuna way qaadan jireen, iyagoo dhadhaminaya, niyaddana iska leh: ‘Waa maxay kan? Waa maxay kan?’” Markii ay aqbalaad ka heshay dukaan weyn oo caan ah oo basbaaska lagu iibiyo kuna yaalla xaafadda Brooklyn, Ubax waxay ogaatay inay sameysatay ganacsi.

Inkastoo markii hore ay xoogaa ka baqeysay inay daah-furto shirkadda Ubah Hot, haddana marka kama aysan shakin hadafkeeda. “Waxaan imid New York anigoo sita $150,” ayay tiri, iyadoo ka sheekeyneysay sida ay guul uga gaartay suuqa tartanka badan loogu jiro ee dhar xayeysiinta.

Waxay is tusisay in go’aankeedu uu ahaa mid fudud: “Waa inaan tan sameeyaa.” Iyadoo weli wadda dhar xayeysiinta, ayay kusoo biirtay suuqa cunnada, gaar ahaan basbaaska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*