26th July 2024  admin  Category :

Maxay tahay sababta uu Sheekhan u diiday inuu isku mehriyo lammaane is guursanayay?

Axaddii lasoo dhaafay waxaa magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ka dhacday arrin hadal-heyn badan dhalisay, kaddib markii sheekh magaalada caan ka ah uu diiday inuu isu mehriyo lammaane is guursanayay.

Xafladda ayaa la qabanqaabiyay, cunnadii ayaa la diyaariyay, waxaana keliya la sugayay imaatinka sheekha iyo inuu meherka dhaco, hase yeeshee dib u dhac badan oo aan la fileyn ayaa ku yimid qabsoomidda meherka.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Sheekh Ibraahim oo ah sheekha diiday inuu lammaanaha mehriyo oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in meherka ay gabadhu dalbatay uu ahaa mid qaali ah, sidaas darteedna uu u diiday codsiga ay qoysku soo gudbiyeen.

“Gabadha aabbaheed ayaa isoo wacay iina sheegay igana codsaday inaan gabadhiisa mehriyo, balse markii uu igu yiri meherkeeda waa 100g oo dahab ah ogow, ayaan diiday,” ayuu yiri.

Markii cadadkaas dahabka ah lagu qiimeeyay lacagta shilinka Kenya waxay noqotay ku dhowaad hal milyan.

Sheekha ayaa sheegay in diidmadiisa ay daaran tahay meherka qaaliga ah oo dahabka ah aysan ahayn mid ku fiican dhaqanka.

“Haddii la qiimeeyo ilaa 20 neef oo geel ah waaye, waxaas guur ma aha wax fiicanna ma aha,” ayuu yiri.

“Walaasheed ayuu ku mehriyay 100g oo dahab ah”

dahab

Walaasheed ka weyn ayuu dhowaan sheekhu ku mehriyay isla xaddiga dahabka uu aabbaha sheegay.

“Waxaa jirtay dhacdo tan ka horreysay, gabadha iyada ka weyn ayaan mehriyay. Ma dooneyn inaan boqol garaan oo dahab ah ku mehriyo, laakiin si kale oo aan sameeyo ma jirin,”

Sheekha ayaa sheegay in gabadha iyo wiilka la isku diidayay muddo shan sano ah, sidaas darteedna ay ku adkaatay inuu diido inuu isku mehriyo.

“Markii gaari laygu qaaday oo aan xafladda tagay oo aan nikaaxi rabo, aabbaheed ayaa yeeriyay meherka waana 100 garaam oo dahab ah. Dadkii dhan ayaa yaabay, aabbaheedna wuu ku adkeystay,”

“Anoo is leh maka istaagtaa mise waad mehrisaa, wiilka ayaa iga codsaday in maaddaama gabadha shan sano loo diiddanaa aan ku mehriyo,”

“Sheekhow meel laga noqdo lama joogo ee igu mehri, ayuu igu yiri,” ayuu sheekhu sheegay.

Wuxuu sheegay in maaddaama uusan tii hore ka baaraandegin uu diiday inuu gabadha yar isla cadadkaas ku mehriyo.

Qoyska gabadha ayaa kaddib baadigoobay sheekh kale oo gabadhooda mehriyo, balse magaalada dhan kama aysan helin wax codsigooda yeela, sida uu sheegay.

Markii dambe ayay u tageen qaadiga maxkamadda magaalada Wajeer, halkaas oo uu me herku ka dhacay.Ma aha markii ugu horreysay ee ay culimadu ka hadlaan meherka qaaliga ah, gaar ahaanna gobolka Waqooyi-bari, Kenya.

Maxaa ka dhalan kara meherka qaaliga ah?

doollar

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in meherka qaaliga ah aysan ammaanin diinta Islaamka, isla markaana lagu talinayo in la fududeeyo.

“Guurka oo la qaaliyeeyo waxaa ka dhalaneysa fisqi badan, in dhalinyaro badan ay guursan waayaan oo guurka laga tago, arrintaas ma aha wax sax ah”

Wuxuu sheegay iny dhici karto in meherka la badiyo, balse ay jirto wax ay dadku sameystaan oo aan diinta ma hor imaaneynin sida geel iyo lo’ in la isku mehriyo.

“Annaga dahab iyo doollar iyo waxaas ma aqaan, waxaan rabnaa dhaqankeenna aan naqaanno oo aan diinta ka hor imaaneynin, si gabdho badan ay sey u helaan rag badan ay xaasas badan u helaan,”

“Weligey qaalin geel ka badan qof kuma mehrin”

geela

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in meherkii ugu qaalisanaa ee gudaha dalka Kenya ka dhaca ee uu isagu mehriyo uu ahaa qaalin geel.

“Wax qaalin geel ka badan qof kuma mehrin iyo siddeed neef oo ari ah,” ayuu yiri.

Waxaa jira dad kale oo dibadda ku nool oo meherkoodu intaas ka badnaa oo uu sheekhu mehriyay.

Wuxuu kula taliyay lammaanaha is guursanaya inay qafiifiyaan meherka, oo aan culeys la saarin ragga.

Muxuu aabbaha gabadha ka yiri arrintan?

dahab

Aabbaha gabadha oo lagu magacaabo Ibraahim Cumar oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in gabdhihiisa uu aad u jecel yahay uuna wax wanaagsan la rabo, isla markaana meherka ay gabadha xaq u leedahay ee aysan cid kale quseyn.

“Gabadha hadii aan waalid ahay in gabdhaha loo dadaalo ayaan aad u jeclahay gabar inay qiimo badan tahay ayaan minsanahy,” ayuu yiri.

Ibraahim ayaa sheegay in maaddaama sheekhu uu gabadhiisii hore uu isagu mehriyay, uu sidaas ugu xilanayay in mar kale uu gabahdiisa labaad mehriyo.

“Sheekha qaraabo ayaan nahay gabadheyda horena asagaa mehriyay sidaas ayana ugu xilanayay”

Wuxuu kaloo sheegay inuusan ka war heyn wax lagu heshiiyay oo dhanka qiimaha meherka ah.

“Wax lagu heshiiyay qiimo ahaan Wajeer kama war haayo, meherkana gabadhaa leh, wax qeylo ka keeni karana malaha”

Ibraahim ayaa sheegay in wiilka uu raalli ka ahaa, meherka.

“Wiilka iyo gabadhaa heshiiyay. Haddii uusan raalli ka ahayn ma guursan lahayn,”

“Qaadiga magaalada oo dowladda Kenya u qaabilsan dhanka shareecada Islaamkaa mehriyay,” ayuu intaa raaciyay.

Ibraahim wuxuu dhalay lix gabdhood, oo labo ka mid ah la guursaday, inta hartay ayuu sheegay inuu sidaas oo kale la doonayo.

“Hala ogaado afarta hartay 100g oo dahab ah ka badan maahee ka yar laguma mehrinayo,”

“Gabar walba qiimaheeda ayay joogtaa, gabadhan waa mutacallimmad, sadedx jirkeedii anaa dahab u xiray, maaddaama xilkeeda uu iga wareegaayo saan u haayay oo usoo koriyay ayaan rabaa in ninka guursanaya uu u dhaqo.” Ayuu yiri Ibraahim.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*