Culusoow iyo New York

Haddii uu madaxweyne Culusoow ku fashilmay Dhuusamareeb, New york Guul ma ka keeni karaa?

Madaxweynaha Xasan Culusoow, oo sanad dhowaad ku sugnaa magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, oo aan la kulmin cid aan ka soo jeedin beesha Hawiye intii uu halkaas joogay, isaga oo Soomaalida inteeda kale ku lahaa waxaan halkaas u jooga xoraynta alshabaabka ku sugan inta u dhaxaysa Baraxleey iyo Kaantaroolka Afgooye.

Madaxweynuhu intuu Dhuusa mareeb joogay oo xafiiskii madaxweynaha halkaas u soo rararay ayeey waxay ku soo dhamaatay in wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu dhawaan bilaaban doona, kii hore aan guul laga garin .

Mar labaad ayaa siyaasiyiintii Hawiye ee la socdy madaxweynaha Muqdisho Diyarado u wada qaateen ilaa ma jiro degaan xor oo ay Gawaaei ku mari karaan

Madaxweynaha Xasan Culusoow oo ay la socdaan intii Dhuusamareeb la joogtay ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Hadaba Waxa is waydiin mudan Madaxweye Xasan Culusoow oo ku fashilmay inuu beeshiisa Hawiye ka dhaadhciyo siddii ay amniga uga wada shaqaybn lahaayeen ama sidii Soomaaliya loogu dhisi lahaa ciidan Qaran oo ay Soomaali ka wada muuqato inuu Shirkan ay Soomaaliya soo qaban qaabisay oo ay ka qayb galeen 26 dal,Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika inuu guul ka keenayo,

Baarlamanka Puntland oo ku gacan sayray go’aanka Maxkamadda Sare

Baarlamanka Puntland oo ku gacan sayray go’aanka Maxkamadda Sare

Baarlamanka Puntland ayaa ka hor ymid go’aanka kasoo baxay maxkamadda dastuuriga ee Puntalnd, kaasi oo ay ku diidday muddo kororsi ay sameysteen xildhibaannada golaha wakiillada.

Arrintan ayaa uga sii daraysa xiisadda siyaasadeed ee salka ku doorashooyinka ee ka taagan Puntalnd.

Shukumaan kaamirooyin qarsoon lagu dhex qariyay oo suuqa lagu iibinayo

Shukumaan kaamirooyin qarsoon lagu dhex qariyay oo suuqa lagu iibinayo

Kaamirooyin lagu dhax qariyay dharka sida shukumanka qubeeyska oo kale ayaa lagu iibaya suuqada Amazon,in kasta oo shirkadda arrintan horey lagu dacweeyay.

BBC-da ayaa argtay shukumaan lagu dhajiyay kaamiro, waana arrin ay si weyn walaac uga muujiyeen dadweynaha.

Garsoore Maraykan ah ayaa dhawaan go’aamiyay in shirkadda Amazon ay wajihi doonto kiis ay keentay haweeney ku eedaysay in laga duubay muqaal iyada oo musqusha ku jirta iyada oo la adeegsanayo kaamiro ku xiran dhar laga soo iibsaday Amazon.

Shirkadda Amazon ayaa diidday inay ka hadasho arrinta lagu soo eedeeyay.

Dacwaddaan waxaa shirkadda ku soo oogay haweeney atariisho ah sidoo kalena dhigta mid ka mid ah jaamacadaha dalka Mareykanka.

Waxay ku eedaysay shirkadda in iyada oo ku sugan guri ku yaal galbeedka gobolka Virginia si qarsoodi ah looga duubay muqaal iyada oo la adeegsanayo kaamirada loo soo ekeysiiyay shukumaanka, taas oo ay sheegtay in ay kasoo iibsatay shirkadda Amazon.

Nin lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa falkan ayaa hadda maxkamad Wajahaya.

Haweenayda oo aan magaceeda la shaacin ayaa doonaysa in shirkadda Amazon laga siiyo magdhow ciqaab ah maaddaama ay xadgudub ay ku sameeysay sharfteeda.

Amazon waxay dhawaan isku dayday in kiiska maxkamadda laga joojiyo iyadoo ku doodeysa in aysan mas’uul ka ahayn sida kaamirada loo isticmaalay.

Baaritaanka BBC-da ee kaamirooyinka qarsoon ee Amazon iibiso

Amazon
Qoraalka sawirka,Amazon

BBC-da ayaa baartay in kaamirooyin noocaan oo kale ah oo dharka iyo alaabaha kale lagu qariyay ay shirkaddu iibiso, waxaana ay ogaatay in ay jiraan liiska alaabaha kaamirooyin lagu qariyay.

Waxaa kale oo ay argtay kaamirooyin kale oo Amazon ay sameysay oo loogu talagalay in lagu xiro musqulaha iyo sariirta qolka jiifka dhiniciisa.

Kaamirooyinka oo dhan ayaa ah kuwo aysan macaamiisha shirkadda ku bararugsan, sidoo kale waxaa jira kuwa kale oo shirkaddu iibiso oo lagu dhax qariyay saacadaha, jaajarrada talefoonnada ama USB-ga.

Waxaa jira kuwa kale oo ku dhax qorsoon talefoonnada kuwaas shirkaddu ku sheegtay in ay dadka isticmaala u sheegayaan in “lammaanaha aan daacadda ahayn” iyo in kale.

Jaya Handa, oo ah khabiir xoggta oo ka tirsan ha’yadda sharciga ee Pinsent Masons, ayaa u sheegtay BBC-da in Amazon ay ku xadgubayso xogta gaarka ah ee dadka taas oo ay ka dhalan karto ciqaab sharci haddii lagu dacweeyo hay’adda garsoorka ee awoodda u leh in tallaabo laga qaado.

Gina Martin oo ah qof u dooda xaquudda haweenka iyo gabdhaha ayaa sheegtay in sharcigaan dadka ugu badan ee dhibbanah u ah ay yihiin dumarka loona baahan yahay in meel fog laga istaago.

Kaamirooyinka qarsoon ayaa ah kuwa sharci in la iibiyo, waxaana laga iibsan dukaamada iyo online-ka intaba.

Amni Xummadda Hargaysa

Maamulka Goboleedka Hargaysa siyaasiyiintooda intii ay ka fakirayeen Laascaanood ayaa amni xummo baahsan waxeey ka socotaa magaalada Hargaysa. Cabashadii ugu danbaysay waxeey ka timid wadayaasha gawaarida tagaasida, iyaga oo sheegay in inta la kiraysto markaa laga dhaco gaariga ama waxa uu jeebadaha ku sito.

Maxaa dhex maray wasiir Turki ah iyo weriye su’aal ka weydiiyay wiilka madaxweynaha Soomaaliya?

Maxaa dhex maray wasiir Turki ah iyo weriye su’aal ka weydiiyay wiilka madaxweynaha Soomaaliya?

Wasiirka Caddaaladda Turkiga Yılmaz Tunç ayaa ayaa ka gaabsaday su’aal laga weydiiyay wiilka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku lug lahaa shil u uku dhintay bajaajle dalkaas u dhashay oo lagu magacaabo Yunus Emre Göçer.

Wasiir Tunç ayaa yiri, “waxaan doonayaa inaan idiin xusuusiyo mar kale inaan raaci doonno baaritaanka muhiimka ah ee ka dhanka ah kuwa ku lugta leh si aan u ilaalinno xuquuqda iyo shuruucda walaalkeen bajaajlaha ahaa ee dhintay.”

Tunç kama uusan jawaabin su’aasha uu weydiiyay weriyaha Fox TV ee ku saabsaneyd wiilka madaxweynaha Soomnaaliya, isagoo yiri, “Ajanduhu waa Falastiin, saaxiib.”

Isagoo weriyaha ka dhex galaya hadalkiisa oo u uku bilaabay, “Wiilka madaxweynaha Soomaaliya…” Tunç wuxuu yiri, “Ajanduhu waa Falastiin… Eeg, ajanduhu waa Falastiin… Okay?” Ayuu yiri, weriyaha ayaana sii watay su’aashiisa, wuxuuse wasiirku ku jawaabay “Ajanduhu waa Falastiin, saaxiib… Saaxiib Falastiin, eeg…”XAYEYSIINhttps://68947bde519ba13d45cd2b710432f7fa.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Turkiga
Qoraalka sawirka,Labo bilood kaddib markii uu madaxweyne noqday, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu Turkiga u tegay wada-hadallo bishii July 2022

Dowladda Turkiga ayaa Sabtidii soo saartay amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii la sheegay in shil gaari uu ku dilay nin mooto bajaajle ahaa oo dalkaasi u dhashay, kaasi oo markii dambe u geeriyooday dhaawac shilkaasi kasoo gaaray.

War kasoo baxay booliiska Turkiga ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu shilka ka gaystay magaalada Istanbul.

Booliiska ayaa sheegay in wiilka shilka gaystay uu watay gaari la sheegay in ay lahayd qunsuliyadda Soomaaliya ee halkaasi ku taalla.

Turkiga ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay Maxamed Xasan Sheekh, balse saraakiishu waxay rumeysan yihiin inuu dalka ka baxsaday.

Qoraal uu soo dhigay X, oo hore loo oran jiray Twitter, duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa ku wadaagay muuqaal uu ku sheegay in uu muujinayo sida shilku u dhacay, kaas oo ahaa 30kii Nofembar.

Muqaaalka waxaa laga arki karaa baabuur gadaal uga dhacay mooto maraysa waddo mashquul badan oo ku taal magaladda Istanbul.

Ninka shilkaan ku geeriyooday oo ahaa aabbe leh labo carruur ah oo lagu magacaabo Yunus Emre Göçer, oo 38 jir ah, ayaa loo qaaday isbitaal balse wuxuu u dhintay dhaawacii kasoo gaaray shilka, lix maalmood kadib.

Warbixintii ugu horreysay ee booliska ay soo saareen ayaa lagu sheegay in ninka shilka ku dhintay uu khaldka lahaa sidaasna lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sida warbaahinta Turkiga uu u sheegay qareenka qoyska ninka geeriyooday.

Laakiin dib u eegis lagu sameeyay muuqaallada ay duubtay kaamirooyinka qorsoon ayaa loo baahan doonaa sharraxaad kale .

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud wali kama hadlin arrintaan .

Sidoo kale xariirro ay BBC-da la sameeysay Madaxtooyada Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga si aan wax uga weydiinno arrintan ayaan suurtogelin.

Booliiska ayaa booqaday guriga ninka shilka ku geeriyooday.

Turkiga

Zakariye Xasan Ibrahim oo dagan dalka Turkiga sidoo kalana ku bartay cilmiga qaanuunka ayaa BBC-da uga warmay waxa uu xeerka turkigu ka qabo qofkii gaysta shil uu qof ku dhinto.

“Hadii uu shilku sababo dhimasho waxaa lagu xukumi karaa qofka gaysta ilaa 7 sano oo xariga ah ugu badanaa ayada oo la baarayo sida shilka uu u dhacay „ ayuu hadlkiisa sii raaciyay.

“Hadii uu sababo dhaawac fudud waxaa uu qaba xeerka ciqaabta ee dalka in qofka gaystay lagu xukumi karo ilaa sadex bilood, Lakiin hadii uu qofku shilka ku waayo lug ama xubin ka mid ah jirkiisa, wuxuu musataysan kara ilaa lix bil oo xariga ama hal sano ugu badanaa” ayuu yir yir Zakariye Xassan.

Booliska ayuu sheegay in ay xaq u leeyihiin in baraan oo ay sii dayaan qofka hadii uusan geeri shilku sababin, balse hadii ay elahada dhibanaha ay dalbadaan ay sameyn karaan in qofka lasoo xiro.

“Qofka la iskama xiri karo, hadii uu fal danbiyeed dhaco waa in ay dadka ehalka ay dalbadaan in loo xiro”

Waxaa kale oo uu sheegay in qofka shil gaystay hadii uu waxyeelo soo gaarsiiyo dad badan lagu xukumi karo ilaa sadex sano oo xabsi ah.

Kiiska loo haysto wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in uu yeelan karo labo waji, maadama uu markii hore uu dhaawac sababay, markii dambana dhimasho.

“Muddo kadib ayaa ninkii dhintay, taas oo khsabtay in dib loo furo kiiska oo dib loo baaro, laakin sii dayntii hore waxaa ay ahyed mid sax ah oo sharciga ayaa sidaas qaba”, ayuu BBC da u sheegay sharci yaqaan Sakariye.

Falalka noocaan oo kale ah ayuu sheegay in inta badan ay ka dhacan dalka Turkiga oo aysan ahyen mid cusub.

“Sharciga waa loo siman yahay oo qof walba waa xukumi karaa, laakin waxaad muuda in kiiskaan uu hadal hayn abuurtay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sharci yaqaan Sakariye.

Culusoow waa in loo aqoonsadaa Hogaamiye beeleed

Culusoow oo xil kale u magcaabay Ururka HAG ee uu ka tirsan yahay ee HAG.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, oo bilihii ugu danbeeyey olole xoogan ugu jiray sidii uruka uu ka trsan yahay ee Hawiye Action Group ay Gacanta ugu dhigi lahaayeen dhamaan xilalka safaaradeed ama Urur goboleed ee geeska Afrika ayaa hadda ku guulaystay in magaca Soomaaliyeed lagu helo  Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Sida Madaxweyne Culusoow beel ahaan wax ugu qaybiyo beeshiisa Hawiy, oo uu dhowaan beesha Mudulood Siyaasiyiintooda  Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo Abdurahman M. Abdullahi (Baadiyow) u kala magcaabay Safiir iyo la taliye, ayuu u magacaabey Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD oo ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Madaxweyne Culusoow, uma fududaateen qabyaaladan iyo magcaabista aan xishoodka lahayn ee magacii Soomaaliyeed reerkiisa qabyaaladda ugu magcaabayo hadduunu horay wasiirka ku magcawnaa wasaadaddan arimaha dibadda uuna magac yaal uga dhigan. xilkiisiisiina uuna gacanta u gelin Gabadiisa Ijaabo Culusoow iyo Ina adeekiis Cali Balcad

Ugu danbayntii Xilalka cusub ee madaxweyne Culusoow u magcaabi doono ayaa kala ah, mar haddii Soomaaliya Cunaqabatayntii laga qaaday in magaalasa Buula Barde ee Gobolka Hiiraan uu ka sameeyo saldhiga ciidanka Cirka iyo Diyaaradaha aan dareewalka lahayn ee Dalka Turkiga.

Sidoo kale wuxuu magcaabi doonaa wasaarad cusub ee DALALKA KU MIDAYSAN DALLADA BULSHADA BARIGA AFRIKA EE (EAC), Wasiirka ayeey u badan tahay sida madaxweyne Culusoow beeshiisa Hawiye wax wa ugu qaybiyo inuu noqon doono Murursade ama Habar gidir

Axdi iyo kitaabkii ninka oofin waayow

Dacwad lagu soo oogay Soomaali ku eedeysan lunsashada $11 milyan

Dacwad lagu soo oogay Soomaali ku eedeysan lunsashada $11 milyan

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha gobolka Minneasota, Keith Elison ayaa kusoo oogay dacwad 3 rag ah oo Soomaali ah oo loo heysto dacwado la xariira Musuqmaasuq iyo dhunsasho dhaqaalo dhan 11 Million oo Dollar.

Saddex qof ee la eedeeyey ayaa ah mulkilayaasha Shirkado u shaqeeya dadka Waayeel ah ee adeegyada Caafmaadka loo qabto, waxaana lagu eedeeyey in dhaqaalahan 11 Million ah intooda badan aanan la gelin wixii ay dowlada ugu talagashey.

Saddexda qof ee la eedeeyey ee ka mid ah Jaaliyadda Soomalida ee gobolkaasi ayaa eeddoodu waxaa ay imaanaysaa wakhti ay hore u jirtay xukunno iyo eedo la xariira dhunsasho lacag loogu talagaley in ilmaha lagu quudiyo.

Sahra Cabdi Axmed ayaa gobolka Minneasota khadka telefoonka kula xariirtey Sharci-yaqaan Amiin Haaruun, waxeyna ugu horreyntii waydiisey bal inuu sharraxo waxa ay yihiin eedahan?

Turkiga oo soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Turkiga oo soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa soo saartay amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii la sheegay in shil gaari uu ku dilay nin mooto bajaajle ahaa oo dalkaasi u dhashay, kaasi oo markii dambe u geeriyooday dhaawac shilkaasi kasoo gaaray.

War kaoso baxay booliiska Turkiga ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu shilka ka gaystay magaalada Istanbul.

Booliiska ayaa sheegay in wiilka shilka gaystay uu watay gaari la sheegay in ay lahayd qunsuliyadda Soomaaliya ee halkaasi ku taalla.

Qoraal uu soo dhigay X, oo hore loo oran jiray Twitter, duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa ku wadaagay muuqaal uu ku sheegay in uu muujinayo sida shilku u dhacay, kaas oo ahaa 30kii Nofembar.

Muqaaalka waxaa laga arki karaa baabuur gadaal uga dhacay mooto maraysa waddo mashquul badan oo ku taal magaladda Istanbul.

Ninka shilkaan ku geeriyooday oo ahaa aabbe leh labo carruur ah oo lagu magacaabo Yunus Emre Göçer, oo 38 jir ah, ayaa loo qaaday isbitaal balse wuxuu u dhintay dhaawacii kasoo gaaray shilka, lix maalmood kadib.

Warbixintii ugu horreysay ee booliska ay soo saareen ayaa lagu sheegay in ninka shilka ku dhintay uu khaldka lahaa sidaasna lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sida warbaahinta Turkiga uu u sheegay qareenka qoyska ninka geeriyooday.

Laakiin dib u eegis lagu sameeyay muuqaallada ay duubtay kaamirooyinka qorsoon ayaa loo baahan doonaa sharraxaad kale .

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud wali kama hadlin arrintaan .

Sidoo kale xariirro ay BBC-da la sameeysay Madaxtooyada Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga si aan wax uga weydiinno arrintan ayaan suurtogelin.

Booliiska ayaa booqaday guriga ninka shilka ku geeriyooday.

Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale.

Turkiga

Zakariye Xasan Ibrahim oo dagan dalka Turkiga sidoo kalana ku bartay cilmiga qaanuunka ayaa BBC-da uga warmay waxa uu xeerka turkigu ka qabo qofkii gaysta shil uu qof ku dhinto.

“Hadii uu shilku sababo dhimasho waxaa lagu xukumi karaa qofka gaysta ilaa 7 sano oo xariga ah ugu badanaa ayada oo la baarayo sida shilka uu u dhacay „ ayuu hadlkiisa sii raaciyaya.

“Hadii uu sababo dhaawac fudud waxaa uu qaba xeerka ciqaabta ee dalka in qofka gaystay lagu xukumi karo ilaa sadex bilood, Lakiin hadii uu qofku shilka ku waayo lug ama xubin ka mid ah jirkiisa, wuxuu musataysan kara ilaa lix bil oo xariga ama hal sano ugu badanaa” ayuu yir yir Zakariye Xassan.

Booliska ayuu sheegay in ay xaq u leeyihiin in baraan oo ay sii dayaan qofka hadii uusan geeri shilku sababin, balse hadii ay elahada dhibanaha ay dalbadaan ay sameyn karaan in qofka lasoo xiro.

“Qofka la iskama xiri karo, hadii uu fal danbiyeed dhaco waa in ay dadka ehalka ay dalbadaan in loo xiro”

Waxaa kale oo uu sheegay in qofka shil gaystay hadii uu waxyeelo soo gaarsiiyo dad badan lagu xukumi karo ilaa sadex sano oo xabsi ah.

Kiiska loo haysato wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in uu yeelan karo labo waji, maadama uu markii hore uu dhaawac sababay, markii dambana dhimasho.