27th July 2024  admin  Category :

Haddii uu madaxweyne Culusoow ku fashilmay Dhuusamareeb, New york Guul ma ka keeni karaa?

Madaxweynaha Xasan Culusoow, oo sanad dhowaad ku sugnaa magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, oo aan la kulmin cid aan ka soo jeedin beesha Hawiye intii uu halkaas joogay, isaga oo Soomaalida inteeda kale ku lahaa waxaan halkaas u jooga xoraynta alshabaabka ku sugan inta u dhaxaysa Baraxleey iyo Kaantaroolka Afgooye.

Madaxweynuhu intuu Dhuusa mareeb joogay oo xafiiskii madaxweynaha halkaas u soo rararay ayeey waxay ku soo dhamaatay in wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu dhawaan bilaaban doona, kii hore aan guul laga garin .

Mar labaad ayaa siyaasiyiintii Hawiye ee la socdy madaxweynaha Muqdisho Diyarado u wada qaateen ilaa ma jiro degaan xor oo ay Gawaaei ku mari karaan

Madaxweynaha Xasan Culusoow oo ay la socdaan intii Dhuusamareeb la joogtay ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Hadaba Waxa is waydiin mudan Madaxweye Xasan Culusoow oo ku fashilmay inuu beeshiisa Hawiye ka dhaadhciyo siddii ay amniga uga wada shaqaybn lahaayeen ama sidii Soomaaliya loogu dhisi lahaa ciidan Qaran oo ay Soomaali ka wada muuqato inuu Shirkan ay Soomaaliya soo qaban qaabisay oo ay ka qayb galeen 26 dal,Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika inuu guul ka keenayo,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*