27th July 2024  admin  Category :

Maxaa dhex maray wasiir Turki ah iyo weriye su’aal ka weydiiyay wiilka madaxweynaha Soomaaliya?

Wasiirka Caddaaladda Turkiga Yılmaz Tunç ayaa ayaa ka gaabsaday su’aal laga weydiiyay wiilka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku lug lahaa shil u uku dhintay bajaajle dalkaas u dhashay oo lagu magacaabo Yunus Emre Göçer.

Wasiir Tunç ayaa yiri, “waxaan doonayaa inaan idiin xusuusiyo mar kale inaan raaci doonno baaritaanka muhiimka ah ee ka dhanka ah kuwa ku lugta leh si aan u ilaalinno xuquuqda iyo shuruucda walaalkeen bajaajlaha ahaa ee dhintay.”

Tunç kama uusan jawaabin su’aasha uu weydiiyay weriyaha Fox TV ee ku saabsaneyd wiilka madaxweynaha Soomnaaliya, isagoo yiri, “Ajanduhu waa Falastiin, saaxiib.”

Isagoo weriyaha ka dhex galaya hadalkiisa oo u uku bilaabay, “Wiilka madaxweynaha Soomaaliya…” Tunç wuxuu yiri, “Ajanduhu waa Falastiin… Eeg, ajanduhu waa Falastiin… Okay?” Ayuu yiri, weriyaha ayaana sii watay su’aashiisa, wuxuuse wasiirku ku jawaabay “Ajanduhu waa Falastiin, saaxiib… Saaxiib Falastiin, eeg…”XAYEYSIINhttps://68947bde519ba13d45cd2b710432f7fa.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Turkiga
Qoraalka sawirka,Labo bilood kaddib markii uu madaxweyne noqday, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu Turkiga u tegay wada-hadallo bishii July 2022

Dowladda Turkiga ayaa Sabtidii soo saartay amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii la sheegay in shil gaari uu ku dilay nin mooto bajaajle ahaa oo dalkaasi u dhashay, kaasi oo markii dambe u geeriyooday dhaawac shilkaasi kasoo gaaray.

War kasoo baxay booliiska Turkiga ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu shilka ka gaystay magaalada Istanbul.

Booliiska ayaa sheegay in wiilka shilka gaystay uu watay gaari la sheegay in ay lahayd qunsuliyadda Soomaaliya ee halkaasi ku taalla.

Turkiga ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay Maxamed Xasan Sheekh, balse saraakiishu waxay rumeysan yihiin inuu dalka ka baxsaday.

Qoraal uu soo dhigay X, oo hore loo oran jiray Twitter, duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa ku wadaagay muuqaal uu ku sheegay in uu muujinayo sida shilku u dhacay, kaas oo ahaa 30kii Nofembar.

Muqaaalka waxaa laga arki karaa baabuur gadaal uga dhacay mooto maraysa waddo mashquul badan oo ku taal magaladda Istanbul.

Ninka shilkaan ku geeriyooday oo ahaa aabbe leh labo carruur ah oo lagu magacaabo Yunus Emre Göçer, oo 38 jir ah, ayaa loo qaaday isbitaal balse wuxuu u dhintay dhaawacii kasoo gaaray shilka, lix maalmood kadib.

Warbixintii ugu horreysay ee booliska ay soo saareen ayaa lagu sheegay in ninka shilka ku dhintay uu khaldka lahaa sidaasna lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sida warbaahinta Turkiga uu u sheegay qareenka qoyska ninka geeriyooday.

Laakiin dib u eegis lagu sameeyay muuqaallada ay duubtay kaamirooyinka qorsoon ayaa loo baahan doonaa sharraxaad kale .

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud wali kama hadlin arrintaan .

Sidoo kale xariirro ay BBC-da la sameeysay Madaxtooyada Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga si aan wax uga weydiinno arrintan ayaan suurtogelin.

Booliiska ayaa booqaday guriga ninka shilka ku geeriyooday.

Turkiga

Zakariye Xasan Ibrahim oo dagan dalka Turkiga sidoo kalana ku bartay cilmiga qaanuunka ayaa BBC-da uga warmay waxa uu xeerka turkigu ka qabo qofkii gaysta shil uu qof ku dhinto.

“Hadii uu shilku sababo dhimasho waxaa lagu xukumi karaa qofka gaysta ilaa 7 sano oo xariga ah ugu badanaa ayada oo la baarayo sida shilka uu u dhacay „ ayuu hadlkiisa sii raaciyay.

“Hadii uu sababo dhaawac fudud waxaa uu qaba xeerka ciqaabta ee dalka in qofka gaystay lagu xukumi karo ilaa sadex bilood, Lakiin hadii uu qofku shilka ku waayo lug ama xubin ka mid ah jirkiisa, wuxuu musataysan kara ilaa lix bil oo xariga ama hal sano ugu badanaa” ayuu yir yir Zakariye Xassan.

Booliska ayuu sheegay in ay xaq u leeyihiin in baraan oo ay sii dayaan qofka hadii uusan geeri shilku sababin, balse hadii ay elahada dhibanaha ay dalbadaan ay sameyn karaan in qofka lasoo xiro.

“Qofka la iskama xiri karo, hadii uu fal danbiyeed dhaco waa in ay dadka ehalka ay dalbadaan in loo xiro”

Waxaa kale oo uu sheegay in qofka shil gaystay hadii uu waxyeelo soo gaarsiiyo dad badan lagu xukumi karo ilaa sadex sano oo xabsi ah.

Kiiska loo haysto wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in uu yeelan karo labo waji, maadama uu markii hore uu dhaawac sababay, markii dambana dhimasho.

“Muddo kadib ayaa ninkii dhintay, taas oo khsabtay in dib loo furo kiiska oo dib loo baaro, laakin sii dayntii hore waxaa ay ahyed mid sax ah oo sharciga ayaa sidaas qaba”, ayuu BBC da u sheegay sharci yaqaan Sakariye.

Falalka noocaan oo kale ah ayuu sheegay in inta badan ay ka dhacan dalka Turkiga oo aysan ahyen mid cusub.

“Sharciga waa loo siman yahay oo qof walba waa xukumi karaa, laakin waxaad muuda in kiiskaan uu hadal hayn abuurtay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sharci yaqaan Sakariye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*