26th July 2024  admin  Category :

Shukumaan kaamirooyin qarsoon lagu dhex qariyay oo suuqa lagu iibinayo

Kaamirooyin lagu dhax qariyay dharka sida shukumanka qubeeyska oo kale ayaa lagu iibaya suuqada Amazon,in kasta oo shirkadda arrintan horey lagu dacweeyay.

BBC-da ayaa argtay shukumaan lagu dhajiyay kaamiro, waana arrin ay si weyn walaac uga muujiyeen dadweynaha.

Garsoore Maraykan ah ayaa dhawaan go’aamiyay in shirkadda Amazon ay wajihi doonto kiis ay keentay haweeney ku eedaysay in laga duubay muqaal iyada oo musqusha ku jirta iyada oo la adeegsanayo kaamiro ku xiran dhar laga soo iibsaday Amazon.

Shirkadda Amazon ayaa diidday inay ka hadasho arrinta lagu soo eedeeyay.

Dacwaddaan waxaa shirkadda ku soo oogay haweeney atariisho ah sidoo kalena dhigta mid ka mid ah jaamacadaha dalka Mareykanka.

Waxay ku eedaysay shirkadda in iyada oo ku sugan guri ku yaal galbeedka gobolka Virginia si qarsoodi ah looga duubay muqaal iyada oo la adeegsanayo kaamirada loo soo ekeysiiyay shukumaanka, taas oo ay sheegtay in ay kasoo iibsatay shirkadda Amazon.

Nin lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa falkan ayaa hadda maxkamad Wajahaya.

Haweenayda oo aan magaceeda la shaacin ayaa doonaysa in shirkadda Amazon laga siiyo magdhow ciqaab ah maaddaama ay xadgudub ay ku sameeysay sharfteeda.

Amazon waxay dhawaan isku dayday in kiiska maxkamadda laga joojiyo iyadoo ku doodeysa in aysan mas’uul ka ahayn sida kaamirada loo isticmaalay.

Baaritaanka BBC-da ee kaamirooyinka qarsoon ee Amazon iibiso

Amazon
Qoraalka sawirka,Amazon

BBC-da ayaa baartay in kaamirooyin noocaan oo kale ah oo dharka iyo alaabaha kale lagu qariyay ay shirkaddu iibiso, waxaana ay ogaatay in ay jiraan liiska alaabaha kaamirooyin lagu qariyay.

Waxaa kale oo ay argtay kaamirooyin kale oo Amazon ay sameysay oo loogu talagalay in lagu xiro musqulaha iyo sariirta qolka jiifka dhiniciisa.

Kaamirooyinka oo dhan ayaa ah kuwo aysan macaamiisha shirkadda ku bararugsan, sidoo kale waxaa jira kuwa kale oo shirkaddu iibiso oo lagu dhax qariyay saacadaha, jaajarrada talefoonnada ama USB-ga.

Waxaa jira kuwa kale oo ku dhax qorsoon talefoonnada kuwaas shirkaddu ku sheegtay in ay dadka isticmaala u sheegayaan in “lammaanaha aan daacadda ahayn” iyo in kale.

Jaya Handa, oo ah khabiir xoggta oo ka tirsan ha’yadda sharciga ee Pinsent Masons, ayaa u sheegtay BBC-da in Amazon ay ku xadgubayso xogta gaarka ah ee dadka taas oo ay ka dhalan karto ciqaab sharci haddii lagu dacweeyo hay’adda garsoorka ee awoodda u leh in tallaabo laga qaado.

Gina Martin oo ah qof u dooda xaquudda haweenka iyo gabdhaha ayaa sheegtay in sharcigaan dadka ugu badan ee dhibbanah u ah ay yihiin dumarka loona baahan yahay in meel fog laga istaago.

Kaamirooyinka qarsoon ayaa ah kuwa sharci in la iibiyo, waxaana laga iibsan dukaamada iyo online-ka intaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*