26th July 2024  admin  Category :

Culusoow oo xil kale u magcaabay Ururka HAG ee uu ka tirsan yahay ee HAG.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, oo bilihii ugu danbeeyey olole xoogan ugu jiray sidii uruka uu ka trsan yahay ee Hawiye Action Group ay Gacanta ugu dhigi lahaayeen dhamaan xilalka safaaradeed ama Urur goboleed ee geeska Afrika ayaa hadda ku guulaystay in magaca Soomaaliyeed lagu helo  Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Sida Madaxweyne Culusoow beel ahaan wax ugu qaybiyo beeshiisa Hawiy, oo uu dhowaan beesha Mudulood Siyaasiyiintooda  Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo Abdurahman M. Abdullahi (Baadiyow) u kala magcaabay Safiir iyo la taliye, ayuu u magacaabey Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD oo ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Madaxweyne Culusoow, uma fududaateen qabyaaladan iyo magcaabista aan xishoodka lahayn ee magacii Soomaaliyeed reerkiisa qabyaaladda ugu magcaabayo hadduunu horay wasiirka ku magcawnaa wasaadaddan arimaha dibadda uuna magac yaal uga dhigan. xilkiisiisiina uuna gacanta u gelin Gabadiisa Ijaabo Culusoow iyo Ina adeekiis Cali Balcad

Ugu danbayntii Xilalka cusub ee madaxweyne Culusoow u magcaabi doono ayaa kala ah, mar haddii Soomaaliya Cunaqabatayntii laga qaaday in magaalasa Buula Barde ee Gobolka Hiiraan uu ka sameeyo saldhiga ciidanka Cirka iyo Diyaaradaha aan dareewalka lahayn ee Dalka Turkiga.

Sidoo kale wuxuu magcaabi doonaa wasaarad cusub ee DALALKA KU MIDAYSAN DALLADA BULSHADA BARIGA AFRIKA EE (EAC), Wasiirka ayeey u badan tahay sida madaxweyne Culusoow beeshiisa Hawiye wax wa ugu qaybiyo inuu noqon doono Murursade ama Habar gidir

Axdi iyo kitaabkii ninka oofin waayow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*