29th March 2024  admin  Category :

Yeey matalaan musharixiinta ku baaqaya maalin kasta bannaanbaxyada? Miyeey tahay in laga qeeyb gelliyo shirarka dhexmaraya dawladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo loogu yeerayo saamileey ay tahay in ay shirarka ka qeeyb qaataan? 

Marka hore Xasan Shiikh, Shiikh Shariif iyo ragga kalle ee u sharaxan xilka dhammaantood waa shacab caadi ah oo lamid ah aniga, adiga iyo inaga. Waad isa sharixi kartaa adiga, sidoo kalle aniguna waan isa sharixi karaa, waxaana ka mid noqon karnaa musharixiinta u taagan xilka madaxweeynaha.

Isa sharixidda uu qof kasta isa sharixi karo ayaa waxaa fudideeyey doorashada qabiilka ah waayoo dalka weli ma aadin doorasho qof iyo codkiisa, mana ka jirto dalka xisbiyo la isku waafaqay ee uu dalku leeyahay kuwaas oo loo kala codeenayo.

Sidaa darteed, dalka waxaa ka jira maamul goboleedyo iyo dawladda federaalka oo mas’uul ka ah shacabka Soomaaliyeed, iyageeyna tahay in ay xal u hellaan khillaaf kasta oo yimaada, gaar ahaan, doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta.

Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif waa dad mas’uul laga yahay oo ay mas’uul ka yihiin Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor, marka in ay yiraahdaan Xasan iyo Shariif waxaan dooneeynaa inaan wadahadalada ka qeeyb noqono oo miiska aan dhinaceeyna ka fariisano waa mid ay tahay inaan la aqbalin.
Sidoo kalle, waa in aan laga yeelin in ay sammeeyaan bannaanbax sababtoo ah bannaanbaxyada ay rabbaan ineey dhigaan dhammaantood waa kuwo aan laheen sabab. Iyagu waxeey ku andacoonayaan in Farmaajo uu diidanyahay ineey dalka doorasho ka dhacdo.

Hadii sida ay sheegayaan ay tahay oo ah in Farmaajo uu diidan yahay inuu doorasho dalka ka qabto, maamulada dalka ka jira ayeey tahay ineey la xisaabtamaan Farmaajo. 

Gabgabadii, musharax kasta oo dalka doonaya inuu madaxweeyne ka noqdo waa in uu sugaa inta ay soo karkarinayaan doorashada dawladda iyo maamul goboleedyada, wixii tabasha ahna waa in iyaga loo sii maraa. Waxaan meesha ku jirin in musharax ama musharixiin ay soo abaabulaan mudaaharaad aan laheeyn wax sabab ah iyo abuurid xiisad aan meesha jirin. Cidii isku dayda ineey taa sammeeysana, waa in meel looga soo wada jeeystaa oo aan laga yeelin in ay dalka ka abuuraan fawdo.

One thought on “Yeey matalaan musharixiinta ku baaqaya maalin kasta bannaanbaxyada

  1. Jaamac

    Waa su,aal fiican cida ay matalaan musharaxiintu ? Aniga waxay ila tahay musharaxiintu waa cida kaliya oo farmaajo oo waqtigiisii dhamaystay kula loo lamaya magaalda Muqdishu, Runtiina majirto Dowlad soomaaliyeed oo meel aan dhowr xaafadood ahayn oo Muqdisho ah joogta! Dhinaca kale Qooqoor iyo Guud laawe sida muuqata waxaa masuul ka ag Farmaajo ,

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*