26th July 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta Hawiye oo ku heshiiyey inay maalinta Berito ah Badar ka wada cunaan Hotelka Decale

Ergada waanta waanta ka dhex waday Midowga Musharaxiinta beelaha Hawiye iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn caawa ku guuleystay dadaaladii ay wadaan inuu is afgarad ka dhasho, iyadoo la isku dhowaaday.

Xubin ka tirsan Ergada ayaa xaqiijisay in maalinta berri kulan qado ah Hotelka Decale ku yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.

Ergada waan waanta ka dhex waday labada dhinac ayaa hordhigay Ra’iisul Wasaaraha saddex qodob oo ay u soo dhiibeen oo kala ahaa:-

1- in la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo
2- in bannaan baxa la ogolaado
3- in shirarka wadatashiga Qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta

Wararka ayaa sheegaya in saddexda qodob labo ka mid ah uu aqbalay Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo aan qodobka kale la isku afgaran oo la sheegay inuu yahay mid ku xiran Madaxweynaha, waxaana qodobka uu yahay kan saddexaad ee ah dalabka Musharaxiinta inay qeyb ka noqdaan Shirka Wadatashiga Qaran.

Si kastaba ha ahaatee tallaabadan iyo dadaaladan ayaa waxay dejin kartaa xiisada maalmaha ka jirtay magaalada, iyadoo cabsi badan jirtay oo ahaa in gacan ka hadal uu dhaco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*