8th May 2024  admin  Category :

Madaxweynaha DDSi Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa is casilay

Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u Magcaabay Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo Ahaa Wasiirkii Maaliyada DDSI waana wiil Dhalinyaro ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi Sheikh Maxamed waxa uu ku dhashay gobolka Nobob gaar ahaan Degmada Garbo. Taariikhdu markay ahayd 1986 tariikhda yurubta wuxuuna dugsigii hoose ku dhamays’tirtay isla degmada garbo 1998, wuxuuna ahmed ka mid ahaa ardaydii ay dawladu u dirtay wabarasho dugsiga ee magaciisa la odhan jiray ediget adult boarding school ee ku yaalay xarunta dalka ee Adiis ababa. Halkaasi oo uu ku dhamays tirtay waxbarashadii dugsiga dhexe illaa sare.

Isaga oo ahmed markii uu dugsiga dhiganayay ahaa gudoomiyaha ardayda soomalida. Ee waxa ka baran jirtay collagekasi islamarkaana ahaa xubin aad ugu fir firkoon dhinaca baxbarasha iyo dhinaca xidhiidhka bulshada markastana utaagnaa isku xidhka qoomiyadaha walaalaha ah, ee waxka baran jiray dugsiga ediget. Ka dib markuu uu dhamaystay waxbarashada dugsiga sare waxa uu noqday ardaydii lagu soo qoray jaamacada diredawa. Taasi oo uu galay faculty of business and economic (depart of accounting and finance) jaacamadaasi oo uu ka soo qaatay B.A, Degree intii uu jaamacada dhiganayay ahmed waxa uu ahaan jiray gudoomiyaha ardayda jaamacada waxkabaran jirtay. Isaga oo hadda wada waxbarashad mastar of business management

Markii uu soo dhamaystay waxbarashadiisa ahmed waxa uu xilal ka soo qaybtay xafiisyo kala duwan isaga oo shaqadiisa ugu horaysay ka soo qaybtay maamulka magaalad Goday ahaana gadhwadeenka geedi socodka xad ururinta iyo dabagalka maamulka magaalada goday. Waxaa kale oo uu noqday madaxa wakaalada dakhliga ee maamulka magaalad Goday . sidoo kale waxa uu noqday madaxa wakaalada dakhliga ee maamulka magaalada Jigjiga . sidoo kale waxa loo dalacsiiyay maayorka magaalada qabrihadar. Waxaa kale oo uu noqday wasiir ku xigeenka wakaalada dakhliga ee DDSI mudooyinkii uu soo hayay shaqooyinkaasina waxa uu muujiyay firfircooni iyo dadaal dheeriya isaga oo abaalmarino kala duwan lagu siiyay shaqooyinkaasi uu hore u soo hayn jiray. Wuxuu kasoo mudo 4 Sano ah ahaa wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI , Maantana waxaa loo magacaabay Madaxweynaha DDSI.

https://web.archive.org/web/20111227180049/https://allsanaag.com:80/Details.asp?id=8344

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*