26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo Dayactir Lagu Sameeyey.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 6 August 2018 waxaa uu xadhiga kajaray xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland, xaruntaas oo dayactir lagu sameeyey.

Madxaweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Hay’ada UNDP Soomaaliya Mr.George Conwey Madxa UNDP Puntland Mr. Sayid iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland oo ahayd xarun horey ay wasaarddu ugu shaqeyn jirtay ayaa waxaa dayactir balaadhan ku sameeyay Hay’ada UNDP oo maashaariico horumarineed oo badan ka fulisay deegaanada Puntland, wada shaqayn dhowna la leh Dowladda Puntland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*