18th April 2024  admin  Category :

Taliyihii Booliska Dhuusamareeb oo isku casilay rag Shabaabnimo lagu tuhunsanaa oo xabsiga la sii daayay

Taliyihii Ciidanka Booliska magaalada Dhuusamareeb Burhaan Axmed ayaa xalay iska casilay xilkiisa, isagoo ku sababeeyay is casilaadiisa faragelin Saraakiisha ka sareysa ku hayeen shaqadiisa.

Taliye Burhaan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in sababaha shaqadiisa isku casilay ka mid aheyd Maxaabiis loo heystay Shabaabnimo oo baaritaano ku socdeen oo laga sii daayay Xabsiga.

”Waxaa xabsiga Dhuusamareeb laga daayay laba qofood oo yimid magaalada lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, balse iyada oo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay iyada oo la ii gacan dhaafayo, waxaa ka mid ahaa raga laga sii daayey xabsiga nin loo xiray tuhun ah in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab baaritaanadiisu ay meel fiican marayeen, waxaana ninkaas markii la sii daayey loo fakiyey dhanka Cadaado” ayuu yiri Taliye Burhaan.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ragga laga sii daayay ay aheyd in la daba galo maadaama ay ahaayeen shabakad isku xiran oo dal iyo dibad, markii ay baaritaan ku sameeyeen taleefanadooda ay ka heleen waxyaabo shaki muujinaya.

Dhamme Burhaan Axmed oo horay uga tirsanaa saraakiishii Ahlusuna ee dowladda Federaalka ku biiray ayaa xilkaas loo magacaabay 22-kii bishii Febraayo ee sanadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*