6th May 2024  admin  Category :

Raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Turkiga

Allah ha u naxariistee Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geetiyooday dalka Turkiga.

Allah u naxariistee Xasan Abshir Faarax, aya Soomaaliya xilal badan uga soo qabtay, sida Raisulwasaarihii hore ee Soomaaliya November 12, 2001 ilaa December 8, 2003 , Duqa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Gudoomiyihii hore ee gobolada Shabeelaha dhexe iyo Bakool , Safiirklii hore Soomaalida u fadhiyey Japan iyo Germany, wasiirkii hore ee arimaha gudaha Puntland si KMG iyo Xildhibaan Qaran

Bahda  Allsanaag, waxay  tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed, Reer Puntland,   qoyskii,  eheladii,  Caruurtii iyo qaraabadii uu  ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Ra’isul wasaatihii hore ee Soomaaliya   Xasan Abshir Faarax

Marxuum   Xasan Abshir Faarax,, waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*