6th October 2024  admin  Category :

Soomaalida ku ganacsata magaalo ku taalla Koonfur Afrika oo lagu amray inay ka tagaan dukaamadooda

Ajaanibta ay Soomaalidu ku jirto ee ku nool, kuna ganacsada magaalada Polokwane ee gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika ayaa loo qabtay inay 7 maalin uga guuraan halkaas.

Qaar ka tirsan dadka u dhashay waddankaas ee loogu tagay magaaladaas ayaa warqado u qeybiyay Soomaalida iyo ajaanibta kale, iyagoo ka dalbaday in dukaamadooda ay uga tagaan halkaas.

Waxaa warqadda ogeysiiska ah sidoo kale ku xusneyd digniin loo jeediyay dadka aan u hoggaansamin dalabkaas.

Arrintan ayaa keentay walaac aad u xooggan, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Maxamuud Cirra-wayne, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida ah ee ku nool gobolka Limpopo.XAYEYSIINhttps://6d04b257829231e138055f955e4342a6.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

“Maanta waxaa nagu dhacay nooc Xenophobia [ajnabi naceyb] ah oo aanan horay u arag. Ilaa shalay way socotay, laakiin dhinaceenna magaalada Polokwane ee caasimadda gobolka Limpopo, waxaa noo yimid niman basas wata oo nagu soo dul degay.

“Aniga iyo odayaashii kale ee bulshadaba waan joognay, waxaan amarnay inaan lala dagaallamin, oo la xiro dukaamada. Markii dukaamadii la xiray way hadleen nimankii waxayna dhaheen, ‘waa inaad halkan uga guurtaan 7 maalmood gudahood, dukaan walba iyo meherad walbana waa inay saxiixaan warqado muujinaya inay 7 maalmood ku guurayaan,” ayuu yiri Maxamed.

Waxa uu sheegay inay arrintan aad ula yaabeen, ayna lama-filaan ku noqotay, isagoo intaas ku daray in dadka sidaas sameynaya aysan ahayn kuwo ka socda dhanka dowladda Koonfur Afrika.

“Waxay nagu noqotay arrin aanan waligeen horay u arkin. Waa niman shacab ah oo aan dowladda ahayn. Waa ragga tagaasileyda ah oo aad u dhib badan iyo niman kale oo bulshada deegaanka ah oo ay wateen,” ayuu yiri Maxamed.

Dadkan digniinta siiyay ajaanibta ku ganacsata magaalada Polokwane ayaa Soomaalida marka laga soo tago waxay sidoo kale warqadaha u qeybiyeen ganacsatada ka kala socota dalalka Pakistan, Itoobiya, Bangladesh iyo Hindiya.

Maxay sameeyeen Soomaalida?

Maxamed Maxamuud Cirra-wayne ayaa BBC-da u sheegay in Soomaalida ay ku gacan-seyreen amarka lagu siiyay inay uga guuraan magaalada ay hantida badan ku leeyihiin.

“Ma aanan saxiixin warqadaha naloo keenay, waan diidnay. Labo dukaan oo ugu horreeyay ayaa saxiixay maaddaama lagu dul-daatay. Intii dambe waan joojinnay, waana la hadalnay ka bulsho ahaan iyo ka odayaal ahaan. Waxaan u sheegnay in wax warqad ah oo la saxiixayo aysan jirin,” ayuu yiri.

South Africa Xenophobia

Hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ayaa dowladda ku wargeliyay arrinta la soo gudboonaatay, sida uu sharraxayo Maxamed.

“Waan ku wareejinnay waraaqihii, kiiskiina waan furnay. Booliska way noo yimaadeen, arrinta sida ay u dhacday ayaan u sheegnay, mana ahayn arrin kaligeen nagu eg oo waa mid ay nala qabaan ajaanibta magaalada oo dhan.”

Soomaalida ku nool magaalada Polokwane, oo sidoo kale loo yaqaanno magaceedii hore ee “Pietersburg”, waxaa tiradooda lagu qiyaasay 150 ilaa 200 oo qoys.

Waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Koonfur Afrika, waxayna dhinaca waqooyi ka xigtaa gobolka Gauteng. Waxay si weyn u soo shaac-baxday intii ay socdeen ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadkii 2010, markaas oo ay ku jirtay magaalooyinka marti-geliyay kulamada qaar.

Dhaqdhaqaaqyada ajnabi-naceybka ah ayaa sanadihii dambe ku soo badanayay Koonfur Afrika, iyadoo dadka u dhashay waddankaas ay dadka soo-galootiga ah ku eedeynayeen in ay ka qaateen fursadihii shaqo ee ay muwaadiniintu lahaayeen.

Intii ay xiisaddan taagneyd, weerarro lagu beegsanayay dukaamada ajaanibta iyo mudaharaadyo ay sameynayeen dadka maxalliga ah ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur-hantiyeed.

Sanadkii 2019 oo ay dhaceen weerarradii ugu xumaa ee ka dhanka ahaa ajaanibta ku ganacsada dalkaas ayaa la soo tebiyay in uu dhaqaalihiisa hoos u dhacay.

Shaqo-la’aanta xilligaas ka jirtay Koonfur Afrika ayaa lagu qiyaasay 27%. Si guudna, waddankan ku yaalla dhinaca koonfureed ee qaaradda Afrika ayaa ka mid ah dalalka ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee caalamka.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*