29th March 2024  admin  Category :

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa xarunta wasaaradda difaaca ee Maraykanka ee Pentagon, wuxuu ku soo dhoweeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha weftigiisa ee la socday.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo lagaga hadlay kulanka dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay, in labada masuul ay yeesheen kulan midho dhal ah.

“Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan uu kala hadlay xoghayaha difaaca ee Maraykanka mudane Lloyd James Austin, arrimo ay ka mid yihiin, xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga, xasiloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Weftiga ka socday Soomaaliya ayaa sheegay in xoghayaha difaaca ee Maraykanku inuu u muujiyey madaxweynaha, sida ay uga go’an tahay in la adkeeyo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dawladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo dawladda Soomaaliya ee arrimaha bini’aadanimada, tababaridda ciidamada iyo la dagaalanka argagixisada.

Facebook Forum

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*