26th April 2024  admin  Category :

Waxaa waqtiyada danbe soo baxay shaqsiyaad iyagu u taagan ineey burburiyaan dawladda kuwaas oo ah kuwo aan u danqaneen shacabka dhibaateesan. Shaqsiyaadka ayaa isugu jira kuwo iska waayey liiska gollaha wasiirada iyo kuwo calooshood u shaqeestayaal ah oo u shaqeeya dawladdo shisheeye.

Shaqsiyaadkan badankooda ayaa ka soo dab qaata dawladdo shisheeye kuwaas oo ah kuwo aan dooneen in Soomaaliya ay ka soo baxdo godka ay ku jirto. Shaqsiyaadkan la adeegsanayo, waa kuwo la soo siiyey agabkii ay ku hawl gelli lahaayeen  oo ah lacago aad u badan si loogu qeeybiyo xubnaha baarlamaanka oo ah iyagu kuwo ka ganacsada mooshinada lagu ridayo madaxweeynayaasha iyo ra’iisal wasaarayaasha.

Dawladda waqtigan oo ay hoggaaminayaan Madaxweeyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheeyre ayaa shaqadii ay ummada u qaban lahaayeen waxaa isbaaro u dhigtay shaqsiyaad habeen iyo maalin taagan idaacadaha kuwaas oo shaqo ka dhigtay dawladda ineey tashwiish ay ku furaan. Waxeeyna eeganayaan fursado ay ku eedeeyaan dawladda iyagoo iska dhigaya kuwo ka naxaya sida qalbidhagax ayaa la dhiibay, dad shacabaa lagu laayey Bariire, dalka amanigiisa faraha ka baxay iyo waxyaabo kalle oo badan.

Hadaba, waxaa jira habab badan oo arrimaha qaldan lagu xallin karro, laakiin ma aha in wax kasta oo dhaca mooshin loola soo cararo, adduunkana siddaa umma shaqeeyo. Shan boqol oo qof in kabadan ayaa hal meel ku naf waayey, marka maxaa kuwa meelaha ka qeeylinaya ay ugga fakiri waayeen in aysan dhicin dhibkaas oo kalle oo ay u taageeri waayeen dawladda si argagixisada loo cirib tiri, meesha ay isku mashquulinayaan waxaan weeyneen?

Inta badan shaqsiyaadkan ma aha kuwo qabiil iyo dal toona u daneenaya, balse waa kuwo danahooda gaarka ah ay kalla weeyn tahay midda guud. Waxaan ognahay in dawladda ay hoggaamiyaan Farmaajo iyo Kheeyre ay sameeyeen isbedello aad u weeyn inkastoo ay jiraan qaladaad ay mararka qaar ay sameeyaan taas oo ah wax la sixi karo, laakiin waxaan meesha ku jirin in haddii qalad yar uu dhaco in markiiba la yiraahdo halla rido dawaladdii weey fashilantay.

Hadaba, dawladda waxaa la gudboon ineey shaqadeeda ay u gudato sida shacabka Soomaaliyeed ay danta uggu jirto, haddii qalad uu ka dhacana ay isku daydo ineey xalliso oo aysan albaabada iyo daaqadaha xirran, waana in dawladda aysan u joojin shaqsiyaadka laga soo abaabulay dalalka shisheeye ee iyagu lacagta ka door biday dadka dhibaatoonayey 28ka sanno.

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*