26th April 2024  admin  Category :

Mareeykanka ayaa ku guuld dareeystay inuu ka hello taageero wadamada ku bahoobay Qaramada Midoobay si Qudus looga dhigo caasimada Israa’iil. Donald Trump oo u heesta adduunka in uu yahay iayga oo kalliya ayaa waxaa taas beeniyey wadamada ku bahoobay Qaramada Midoobay oo cod aqlabiyad ah ku diiday in caasimad looga dhigo Qudus Israa’iil. Mareeykanka ayaa ay la soo daristay siyaasad xummo baahsan  iyo hoos u dhac marka laga eego masraxa caalamka tan iyo markii uu madaxweeynaha Mareeykanka ka noqday Donald Trump.

Hadaba waxaa ka soo horjeestay in Qudus caasimad looga dhigo Israa’iil 128 dal oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaa ka aamusay sodon iyo shan dal 35, meesha Mareeykanka uu taageero ka hellay isaga iyo siddeed wadan oo isku dar noqonaya 9. Sagaalkaa dal ayaa kalla ah: Mareeykanka, Israa’iil, Guatamala, Honduras, Jasiirada Marshal, Micronesia, Nauru, Palau iyo dalka Togo.

Trump ayaa ku hanjabay in lacagta ay ka jaran doonaan wadankii ka horyimaada taas oo madax xannuun iyo ciil ku noqotay wadamo badan oo laga yaabi lahaa ineey taageeri lahaayeen, balse haddeer ka hor yimid.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*