26th April 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta Hawiye, waxay ku fashilmeen inay maamul u sameeyaan degaanada ay ugu  badan yihiin tiro ahaan  dalka Soomaaliya  sida Galmudug, Hirshabeele iyo Banaadir.

 Sawirka sare ” Hogaa miyaashii maamul goboleedyada Hirshabeele. Galmudug iyo Banaadir oo Mooryaan koolkoolinaya”

Dastuurkii ay  Soomaali ku wada  heshiisay oo sheegayey in labo gobol iyo wax ka badan ay maamul wada samaysan karaan,   ayaa waxa   loo jebiyey si mar qura loo arki lahaa degaanada  Odowaa iyo Fiqi ka soo jeedaan oo  nidaam dawladeed leh,  oo aan la buun buunbuuniyn Mooryaanimo.     Gobol iyo Nus ayaa laga dhigay maamul goboleed aan sharci ahayn oo  lagu magcaabo Galmudug, ilaa maantana ma laha gole wasiiro. Maamulka labaad waa Hirshabeele oo ay u badan yihiin  beesha Hawiye ilaa maantan Isaguna ma laha  gole wasiiro iyo nidaam dawladeed

Gobolka sadexaad waa gobolka Banaadir oo ay ku taalay caasimadda Soomaaliya, isugana wuxuu noqday xarunta Alshabaab iyo kawaanka dadka lagu qasho.

Reer Guri Ceel iyo reer  Cadaado ayaa ku heshiin waayey inay Dhuusamareeb isku  hor fariistaan oo diyaarad u wada  raacay Jabuuti si loo dhexdhexaadiyo. waxayna ku soo wada heshiiyeen in maamulkii gobolka iyo nuska ahaa oo aan golaha wasiirada lahayn in xilalaka loo kala qaato madaxweyne iyo Raisuwasaare. Maamulkii gobolka iyo nuska ahaa ayaa markan Raisulwasaare yeeshay.

Ugu danbayntii intaa waxa ka sii daran,  siyaasiyiinta Hawiye waxa ka wada dhadhacsan oo iyaga qura  iska dhaadhiciyeen in Caruurtii iyo Dumarkii aan hubaysnayn ee 1991 Muqdisho laga soo qaxiyey uu ahaa dagaal ay beesha Daarood kaga guulaysteen. Waana sababta Odowaa, Cabdi Shakuur, Mahad Salaad Fiqi IWM ay u qadan la’yihiin Soomaliya nin daarood ah ayaa madaxweyne ka ah. Sideed sano oo Hawiye madaxweyne Soomaaliya ka ahaa  Raisalwasaarayaal ayaa  Mooshin laga keenay. Maanta ilaa maalintii Farmaajo xilka qabtay siyaasiyiinta Hawiye Mooshin ayeey wadeen. Golihii wasiirada uu soo magcaabay dadkii dilayna suuqa ayeey joogaan oo kooxdan ayaa ku taageertay inuu sharciga ka weyn yahay oo aabayaashii ku guulaysteen dagaalkii 1991

 

Fiqi, Odowaa iyo Mahad Salaad marka ayna mooshinka wadin shaqada kale ay qabtaan

Image result for ahlusuna iyo galmudug

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*