Heshiis hordhac ah oo laga gaaray khilaafkii koofur galbeed iyo dawladda federaalka

Heshiis hordhac ah oo laga gaaray khilaafkii koofur galbeed iyo dawladda federaalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in heshiis hordhac ah laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay maamulka koofur galbeed iyo dawladda federaalka.

Arrintan ayaa sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen BBC waxaa ka shaqeeyey xubno uu ugu cadcaddaa taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan oo khilaafka dartiis u tegey Baydhabo.

Ilahaas ayaa intaa ku daray in jeneraalka iyo madaxweynaha koofur galbeed ay laba maalmood oo xiriir ah ku wada hadlayeen magaalada Baydhabo, ayagoo ugu dambayntiina isku afgartay dhowr qodob oo hordhac, waxaana ka mid ah:

– In madaxweynaha koofur galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu tago magaalada Muqdisho, uuna ka qayb galo shirka madasha ee la filayo inuu Muqdisho ka dhaco 25ka Bishan.

xiisadda iyo hadallada xanafta leh la dejiyo, wixii dhimanna Muqdisho lagu dhameeyo.

– In duullimaadyada iyo isu socodka koofur galbeed gudaheeda iyo koofur galbeed iyo Muqdisho sidoodii caadiga ahaa ay ahaadaan oo aan la carqaladayn.

Jeneraal Mahad oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Lafta gareen ayaa intii uusan Baydhabo tegin magaalada Muqdisho wadahadal kula soo yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxay isku hayaan dowladda federaalka iyo Koonfur galbeed?

.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku dayaya in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen lagu qanciyo in uu Muqdisho yimaado si wadahadallo dheeraad ah looga yeesho arimaha taagan, taas oo uu ka caga jideyayey Cabdicasii Lafta Gareen.

Arimaha la isku hayo waxa ka mid ah doorashada maamullada, tan Federaalka iyo shirka soo socdo ee wadatshiga Qaran. Wararku wax ay sheegayaan in ilaa iyo hadda aysan wax natiijo ahi kasoo bixin kullamada Taliyaha Ciidamda Asluubta iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dhanka kale maalinnimadii shalay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisha waxa uu kulan ku dhexmaray siyaasayiiin reer koonfur Galbeed ah oo mucaaradsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed CabdicasiisLaftagareen iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta la kulantay safiirka Maraykanka waxa ka mid ahaa Guddoomiyaashii horre ee Baarlmaanka Federaalka ah, Shariif Xasan Shelh Aden iyo Maxamed Mursal, Wasiirki hore ee maaliyada ee Soomaaliya Maxamed Aden Fargeeti iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, waxayna ka wada hadleen arimaha doorashada iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

War kooban oo lagu soo qoray barta ay saffaaradda Maraykanka ku leedahay barta X, ayaa lagu sheegay in ay caafimad u tahay dimuquraadiyadda in la dhageysto hogaamiyaasha mucaardka iyo in la xushmeeyo arigtitooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’isulwsaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare uu booqsho ku tagay magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha koonfur Galbeed.

Maxayanu ka naqaannaa dhexdhexaadiyaha labada dhinac?

Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa la sheegay inuu dhexdhexaadintaas horkacayo, sida ay BBC-du xog ku heshay.

Taliye Mahad ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, isaga oo noqday Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliya, kaas oo mar kalena loo magacaabay sannadkii 2023, welina uu xilka hayo.

Taliye Mahad ayaa sida oo kale ka mid ahaa xildhibaannadii Federaalka ee Baaralamaanka 11aad ee Soomaaliya, taas oo xilkaa banneeyey markii loo magacaabay xilkan uu hadda hayo ee Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Sidoo kale Taliye Mahad ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xidhiidha waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo uu hore u soo noqday, Taliyaha Dugsiga Labaatan-Jirrow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Waxaana muddoo dheer uu ka tirsanaa ciidanka booliska ee Koonfur Galbeed.

Taliyah Mahad ayaa loo garan og yahay ‘Taliye Shubka’.

Madaxweynahaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftageen ayaa uu sida oo kale kala dhexeeyaa xidhiidh qoysnimo isaga oo ah soddoggii, maadaama Cabdicasiis Laftgareen uu qabo inanta uu dhalay Taliye Mahad, ee Samsam Mahad Cabdiraxmaan.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa caan ku ahaan ka hadalka meelaha fagaaraha ah, waana sarkaal aan la gamban fikradihiisa, kuna firfircoon shaqada ciidanka, sida ay sheegeen dadkii la soo shaqeeyey.

Dib u milicsi: Sidee ayay u dhacday doorashadii Koonfur Galbeed?

Doorashada Koonfur Galbeeda waxaa aad ugu kala qeybsamay siyaasiyiinta iyo bulshada maamulkaasi.

Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin wax garadka ayaa in muddo ahba ku celcelinayay in Cabdicasiis Lafta Gareen uu yahay siyaasi ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka, iyagoo arrintaasna ku qeexay farogalin lagu sameeyay hannaankii doorashada.

Dad kale waxay ku doodayaan in dowladda dhexe ay waddada u xaadhaysay siyaasigan si uu xilka ugu hanto qaab sahlan.

Waxyaabaha ay ku doodayaan waxaa ka mid ah in labadii siyaasi ee loollanka adag galin lahaa ay meesha ka baxeen.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa is casilay doorashadana isaga hadhay ka dib markii uu ka cawday cadaadis siyaasadeed oo la saaray.

Sidoo kale, maalmo yar ka hor xilliga doorashada loo ballansanaa, waxaa xabsiga loo taxaabay Mukhtaar Roobow, oo loo arkayay inuu ka mid ahaa musharraxiinta ugu cad cad doorashada, shakigana galin karay inuu xilkan ku soo baxo Cabdicasiis Laftagareen.

Waxaana doorashadaas oo muran badan hadheeyey ku guulaystay Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen), isaga oo wakhtigaas helay codad gaadhayo 101 cod halka musharraxii kusoo xigay Aadan Maxamed Nuur Saransoor uu helay 22 cod.

Suldaan Siciid oo dalka ku soo laabtay

Caasimadda Puntland ee Garpwe ayaa maanta lagu soo dhowey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire, oo kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa qaarada Europe.

Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda , Madaxtooyada Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

Wafdigii madaxda Puntland iyo Buraan

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo maalihii u dambeeyey ku sugnaa Goboladda Haylaan iyo Sanaag ayaa maanta Degaanka Balli-Busle ee Degmada Buraanka dhagax-dhigay Ceel-biyood degaanku baahi weyn u qabay, kaas oo wax weyn ka tari doona baahida biyo la’aanta degaanka ka jirta.

Guddoomiyaha iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale booqday taliska qaybta ciidanka Gaarhaye ee Daraawiishta Puntland.

Madaxdii Puntland iyo zBuraan

Xingalool, Sep 17,2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Siciid Jamac Qorsheel oo ka mid ah waftiga gudoomiyaha barlamaanka Puntland Hon Abdirisaaq Ahmed Said ku weheliyay safar uu ku marayay gobolada Haylaan iyo Sanaag ayaa galabta kormeer ku tagay Isbitaalka degmada Xinglool ee gobolka Sanaag.

Waxaa isbitaalka ku soo dhaweeyay isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Haylaan Jamac Maxamed Samatar iyo agaasimaha isbitaalka Dr Abdirisaq Abdullahi Yusuf (Japan) iyo shaqaalaha isbitaalka, wasiirka ayaa warbixin ka siiyay gudoomiyaha shaqada ka socota isbitaalka iyo adeega uu bixiyo.

Gudoomiyaha iyo wasiirka ayaa si wadajir ah u booqday qaybaha kala duwan ee uu Isbitaalku ka koobanyahay sida qaybta caruurta, qaybta bukaan socodka, qaybta bukaan jiifka, qaybta caafimaadka degdega ah, qaybta hooyada iyo dhalaanka iyo qaybta nafaqo quudinta iyo nafaqo darada iyo qaybta qaliinka.

Gudoomiyaha ayaa wasiirka iyo maamulka caafimaadka gobolka ku bogaadiyay warbixinta laga siiyay isbitaalka waxaana uu wasaaradda caafimaadka ku amaanay in dadaalbadan galisay gaarsiin adeeg caafimaad oo dhamaystiran dhamaan degmooyinka ka baxsan laamiga waxaana uu kula dardaarmay in shaqada lasii horumariyo bulshadana adeega loo sii dhaweeyo.

Guddoomiyaha waxaa booqashada ku weheliyay xubno iskugu jira laba gole ee dawladda Barlamaanka iyo xukuumada, Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa agaasimaha Qorshaynta wasaaradda Idiris Abdulaahi Mohamed iyo masuuliyiin caafimaadka heer gobol iyo heer degmo.

Gabar iyo hooyadeed oo Soomaali ah oo ku qarqoomay webi Faransiiska ku yaalla

Allah ha u naxariistee Muna Maxamud jamac Dhahar oo ka soo jeeday gobolka Sanaagiyo gabadh yar oo ay dhashay ayaa ku wada geeriyoodeen Biyomareen ku yaal dalka Faransiska

Maalinnimadii isniintii gabadh yar oo afar jirah iyo hooyadeed oo Soomaali ah ayaa la soo weriyey in ay ku naf waayeen webi ku yaalla waqooyiga Faransiiska.

Goobta ay ku qarqoomeen gabadha iyo hooyadeed ayaa lagu magacaabaa Nemours, ee Seine-et-Marne.

Meydadkooda ayaa laga helay Loing, webiga ka gudba magaaladaas, sida uu sheegay wargeyska Faranasiiska ah France Bleu Paris.

Sida ay wax u dhaceen

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inuu markii hore ilmuhu uu ku dhacay wabiga ka dib markii ay ka fogaatay halkii ay hooyadeed ka arki lahay

Taas oo markii danbe ay hooyadeed isku dayday in ay ka wardoonto inantedii, kaddibna ay ku war heshay inanteedii oo biyaha ku dhacday, kaddib markii ay is tidhi soo badbaadina ay iyana halkii ku qarqoontay.

Dhacdadaas oo keentay in aanay hooyadii iyo inantiiba aanay noolaan.

Shilkan naxdinta leh ayaa warbaahinta guduhu werisay in markii uu dhacay aanay cid badbaadisa ama arkaysay aanay goobta ka ag dhawayn.

Qayladii danbe ee hooyada ayaana dadkii u horreeyey ku war heleen , taas oo markii danbena ay booliiska ogaysiiyeen oo maydkii goobtii ka soo saaray.

Hooyadan Soomaaliyeed ayaa la sheegay in bilo ka hor uun ay halkan soo degtay, sida laga soo xigtay warbixinada ay warbaahinta siisay duqa magaalada, Valérie Lacroute.

Dalka Faransiiska ayaa ay ku nool yihiin Soomaali tiro ah, kuwaas oo qaarkood ay ka soo guureen Yurubta gale, halka qaarna si tahriib ah ku galeen dalkaas.

Bulshada guud ee dalka faransiiska waxay gaareysaa ku dhowaad 67 milyan. Muslimiinta dalkaas ku nool ayaana lagu qiyaasay illaa 6 milyan oo u dhiganta 9% boqolkiiba oo ka mid ah shacabka guud ee dalkaas, sida lagu ogaaday cilmi baaris la sameeyay sannadkii 2017-kii.

Diinta islaamka waa midda labaad ee ugu wayn ee ku xigta Masiixiyadda, sida lagu xusay warbixinno horey loo soo saaray.

Bulshada Muslimiinta ee ku nool faransiiska waa kuwa ugu badan galbeedka qaaradda Yurub.

Dadkaas badankoodu, ilaa boqolkiiba 70% waxay asal ahaan ka soo jeedaan Galbeedka Afrika, gaar ahaan dalalkii uu Faransiiska gumeystay ee Aljeeriya, Moroko iyo Tunisiya. Sidoo kale waxaa dhowaanahan ku sii badanayay Muslimiinta ka soo jeeda Bariga Dhexe

Farmaajo waa Mareexaan maxàa ka danbeeyey

Bashiir Moçalin Cali Xasan, oo ka mid ahaa hogaamiyaashii Hawiye ee Muqdisho ka sheegtay una kana shaqayn Kari waayey madaxweynihii hore ee Soomaala Masaxmed Cabdulaahi Farmaajo, ahaana ninkii derbiga taagnaan jiray ee ku can baxay Farmaajo waa mMareexaan oo markii hogaamiyaooda Xasan Culusoow uu ku gulaystay Madaxweynaha Soomaalia lppgu abaal guday Agaasimaha Guud ee wasaarada Gaadiidka iyo dulista, ayaa hadda shacabka Soomaaliyed e xalaasha ah ee Konfur galbeed ku sheegay In Itoobiyaanku dhalay Xilligi Cabdulaahi zyuusuf

Xingalool Iyo caawa

Maakhirta Buulo Xuubeey oo ku fashilantay fawdo ay doonayeen inay Xingalool ka sameeyaan

Mustafe Axmed Caydiid, waa duqa degmada Xingalool ee maamulka Puntlland oo maanta muujiyey hogaamin cajiib ah iyo dabin la doonayey in loo dhigo isaga iyo degmadiisa o uu si sharaf iyo karaamo leh uga baxsaday isaga oo xaragoonaya.
Kooxda Maakhirta khariban ee xaruntoodu tahay Buulo xuubey ,Muqdisho, ayaa rabay in Caruur iyo dumar ay soo abaabuleen in degmada iyo ciidanku mayaha ka ururiyaan, oo markas qaarkood dhulka isu dadiyaan si sawiro Kikwe Media loogu dir. Gudomiyuhua waa fahmay riwaayadda degmadiisa ka socota , isaga oo xaragoonay oo caruurtii farxad iyo dhoola cadyn tusay ayuu dhaafay, halkii ay wax kale ku sugayeen Maxa dhacay intaa ka dib Maryihii Carurta loo soo dhiibay halkii auaa lagu tuuray oo ay ku dhamaatay sheekaddi Dibibdaabyaddii Maakhirta Muqdisho .

sc_embed_player_template1 fileurl=”https://allsanaag.com/images/audio/heeso/4-Ishii-buktay-ku-bikaacso.mp3″]

Dalal Yurub iyo Muslimiin ah oo ka wada hadlay in la helo dowlad ay yeelato Falastiin

Dalal Yurub iyo Muslimiin ah oo ka wada hadlay in la helo dowlad ay yeelato Falastiin

Spain oo martigelisay shir heerkiisu sarreeyo oo ay isugu yimaadeen dalal badan oo Muslimiin iyo Yurub ah, kaas oo looga hadlayay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Gaza, ayaa ku baaqday in la sameeyo jadwal cad oo beesha caalamku ay ku dhaqangelinayso xal laba dawladood ah oo laga gaaro colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

“Waxaan u kulmaynaa in aan sameyno dadaal kale oo lagu joojinayo dagaalka Gaza, si looga baxo rabshadaha aan dhammaadka lahayn ee u dhexeeya Falastiiniyiinta, Israa’iiliyiinta… Habkaasi oo cad. Hirgelinta xalka labada dowladood ayaa ah jidka kaliya,” ayuu wariyeyaasha u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Spain Jose Manuel Albares.

Shirka waxaa ka qaybgalay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Norway iyo Slovenia, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Maxamed Mustafa, xubno ka socday kooxda xiriirka Carabta iyo Islaamka ee Gaza oo ay ku jiraan Masar, Sacuudi Carabiya, Qatar, Jordan, Indonesia, Nigeria iyo Turkiga.

Albares ayaa sheegay in ay jirto “rabitaan cad” oo ay muujiyeen ka qaybgalayaasha, kuwaasi oo aysan ka mid aheyn Israa’iil, waxayna muujiyeen “in erayada ficil loo baddalo iyo in la sameeyo tallaabooyin loo qaadayo jadwal cad oo loogu talagalay hirgelinta wax ku oolka ah” ee xalka laba dal, oo uu ugu horeeyso Falastiin oo ku biirta Qaramada Midoobay.

Israa’iil ayaan la martiqaadin sababtoo ah kama mid ahan kooxda xiriirka, Albares ayaa sidaasi yiri, isagoo raaciyay “waxaan ku farxi doonnaa in aan ku aragno Israel a’iil miis kasta oo nabadda iyo xalka labada dal lagaga wada hadlayo”.

28-kii bishii May ayaa Spain, Norway iyo Ireland waxa ay si rasmi ah u aqqoonsadeen dawladnimada Falastiin oo ka kooban marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, caasimaddeeduna tahay bariga Quddus. 146 dal oo ka mid ah 193-da dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa hadda aqqoonsan dawladnimada Falastiin.

REUTERS