Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa goordhow ku dhowaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.


Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa goordhow ku dhowaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.
Munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2022
Madaxda Hey’adaha Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya shir muhiim ah yeeshay
Wasiirka Gaadiidka iyo Dulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta shir gusdoomiyay Shir ay Muqdisho ku yeesheen Maareeyayaasha Hay’adaha Duulista Rayidka ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
Shirkaan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste iyo saraakiil kale oo ka socday labada dawladood
Shirkaan ayaa intii uu socday lagu lafa guray Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi dhexmara labada Hey’adood, iyadoo lagu balamay in la yeesho shirar kale oo arrimahaan lagu xoojinayo.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin xariirka Hay’adda Duulista Rayidka ah ay la yeelanayso dalalka Gobolka.
Dhankiisa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shirkaan, waxanaa uu intaas raaciyay in Iskaashiga labada Hey’adood uu wax badan ka bedalayo khibradahooda shaqo iyo adeegyada ay siiyaan labada shacab.
Ugu Dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa soo dhaweeyay Iskaashiga Hey’adaha Duulista Rayidka ah, waxaana uu sheegay in heshiisyo sidii loo gaari lahaa uu shirkaan gogol xaar u yahay.
Xildhibaannada dhawaan la doortay ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa ku qul-qulaya teendhada Afisyooni, halkaas oo saacadaha soo socda lagu dhaarin doono, waxaana la adkeeyay ammaanka xarunta Afisyooni, iyadoo la xiray waddooyinka ka agdhow agagaarka Garoonka Aadan Cadde.
Waxaa la filayaa in maanta la dhaariyo inka badan 200 oo mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo maalimihii lasoo dhaafay qaatay shahadada xildhibaannimada.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale filayaa inuu goob-joog ka noqdo xafladda dhaarta.
Gudiga Doorashooyinka(FIET) ayaa Fasaxay Kuraasta kala ah # HOP 103 iyo HOP 204 ee Deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur galbeed. Waxaa sido kale guddiga ay sheegeen in lagu celinayo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP # 154
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta sagootiyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta ka sagootiyey Airporka Gen. Maxamed Abshir Muuse Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee ku matela Puntland kuna suganaa Garoowe.
Guddoomiyaha ayaa waxaa ku weheliyay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, iyo Saraakiil ka tirsan Baarlamaanka Puntland.
Xildhibaan Faysal Xasan oo ka tirsan Baarlamanka gobolka Ontario ee dalka Canada, ayaa baarlamanka gobolkaasi kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa maciishadda oo noqotay mid qaali ah iyo kororka qiimaha ceymiska gawaarida.
Sidoo kale xildhibaan Faysal wuxuu baarlamanka gobolka Ontario iyo dowladda Canada u jeediyay sidii taageero bani’aadannimo loogu fidin lahaa dadkii ku hanti beelay suuqa Waaheen ee dhawaan ku gubtay magaalada Hargeysa.
Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa hadal-jeedinta kadib xildhibaan Faysal ka wareystay arrimahan, ugu horreyna waxa uu waydiiyay arrinta ku saabsan suuqa Waaheen ee Hargeysa.
Waxaa saaka magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed gaaray wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga FEIT Muuse Geelle Yuusuf, iyadoo 14 bishan ay ku beegan tahay maalinta la sheegay in la dhaarinayo xildhibaannada cusub ee labada Aqal.
Xildhibaanada ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa dhawaanahaanba ku sugnaa magaalada Baydhabo, kuwaas oo aan qaadan shahaadada xildhibaanimada, iyagoo ka soo horjeeda Saddex ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto K/galbeed oo guddiga uu doorashadooda waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Daawo muuqaal laga soo duubay magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag