26th July 2024  admin  Category :

Madaxda Hey’adaha Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya shir muhiim ah yeeshay

Wasiirka Gaadiidka iyo Dulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta shir gusdoomiyay Shir ay Muqdisho ku yeesheen  Maareeyayaasha Hay’adaha Duulista Rayidka ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste iyo saraakiil kale oo ka socday labada dawladood

Shirkaan ayaa intii uu socday lagu lafa guray Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi dhexmara labada Hey’adood, iyadoo lagu balamay in la yeesho shirar kale oo arrimahaan lagu xoojinayo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin xariirka Hay’adda Duulista Rayidka ah ay la yeelanayso dalalka Gobolka.

Dhankiisa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shirkaan, waxanaa uu intaas raaciyay in Iskaashiga labada Hey’adood uu wax badan ka bedalayo khibradahooda shaqo iyo adeegyada ay siiyaan labada shacab.

Ugu Dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa soo dhaweeyay Iskaashiga Hey’adaha Duulista Rayidka ah, waxaana uu sheegay in heshiisyo sidii loo gaari lahaa uu shirkaan gogol xaar u yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*