Booliiska Toronto oo Gacanta ku soo Dhigay Shakhsi Soomaali ah

Booliiska Toronto ayaa gacanta ku soo dhigay gacan ku dhiigle lagu magacaabo Abdilaziz Mohamed kaas oo kamid ahaa dadka aadka loo raadinayey. Sida ay booliiska sheegeen Abdilaziz ayaa dil u geeystay shaqsi lagu magacaabo Craig MacDonald oo jira 43 sanno.

Hadaba Cabdiaziz ayaa ka mid ah shakhsiyaad gaaraya 25 qof oo aad loo raadinayo. Booliiska ayaa dul dhigay $250,000 oo dollar ciddii soo sheegta meesha uu ku sugan yahay Cabdulaziz, balse waqti yar kadib waxaa booliiska la soo xiriiray qof sheegay inuu hayo macluumadd ku saabsan meesha uu ku sugan yahay Cabduaziiz, waxaana booliiska ay soo xireeyn shalay. Sidoo kale waxaa liiska ku jira shakhsiyaad kale oo Soomaali ah oo iyana loo heeysto dilal.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka golaha shacabka

Waxaa weli hubanti la’aan ay ka taagan tahay qabsoomidda doorashada guddoonka golaha shacabka Soomaaliya oo qorshuhu yahay inay maanta dhacdo, ayada oo xiisad ay ka jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Hoolka doorashada oo ah Teendhada Afisyoone ayaa waxaa gaaray qaar ka mid ah xildhibaanada, oo uu ku jiro guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, hase yeeshee xildhibaano badan ayaanay taas u suurta-gelin.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo qoraallo soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in ciidan boolis ah ay celiyeen, oo ay u gudbi waayeen xarunta, sidaas darteedna ay dib u laabteen.

Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Teendhada Afisyoone ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay yimaadaan, xarunta wuxuuna booliska ka codsaday inay soo fasaxaan.

“Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaano badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Cabdisalaan Dhabacad.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga doorashada golaha shacabka xildhibaan Cabdirsiaaq Cumar Maxamed oo dhinac taagnaa ayaa sheegay inay ka go’an tahay in doorashada ay qabtaan maanta xitaa haddii ay caawa ku gaarto.

Cabdirsiaaq ayaa intaas ku daray inay afur ugu diyaarinayaan xildhibaanada Teendhada Afisyoone, si haddii waqtigu dheeraado ee ay halkaas ugu afuraaan.

Xildhibaanada ayaa si tartiib ah u gaaraya Teendhada Afisyoone, balse ma cadda illaa hadda tirada ku sugan halkaas iyo xilliga uu buuxsami doono kooramka, si kulanka u qabsoomo.

Booliska ayaan weli wax war ah kasoo saarin xaaladda, iyo eedaha loo jeediyey ee ah inay xildhibaano hor-istaageen.

Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa saaka sheegay inuu shaqada ka joojiyey taliye booliska Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, isaga oo ku eedeeyey inuu ku milmay siyaasadda iyo carqaladeynta qabsoomidda doorashada.

Jeneraal Xijaar ayaan weli ka jawaabin tallaabada uu qaaday wasiirka. Xijaar ayaa goor dambe oo xalay soo jeediyey in doorashada maanta dib loo dhigo, isaga oo sheegay in booliska aanay damaanad qaadi karin amniga halka ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay amray ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS inay la wareegaan amniga goobta doorashada ay ka dhaceyso, balse waxaa taas ka horyimid madaxweyne Farmaajo, oo sheegay in amniga doorashada ay mas’uul ka yihiin booliska Soomaaliyeed.

Beesha Caalamka: Waa in si nabdoon loo dhammeystiro doorashada guddoonka Baarlamaanka

Xunbaha Beesha Caalamka ayaa goor dhaweyd si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saartay xaaladda doorashada guddoonka Golaha Shacabka, iyada oo ku baqday ‘in si nabdoon’ loo dhameystiro doorashada.

Bayaankan ayaa u qornaa sidan;

-Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Yaan loo Oggolaan Fadhiga

Guddoomiyaha kumeel gaarka ee baarlamaanka ayaa dhaariyey xubno lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq. Guddoomiyaha oo da’ahaan lagu qiyaasay shakhsi ku socda 90ka ayaa u dhaqmay si aan habbooneen kadib markii uu qol ku dhex dhaariyey xubno aan la soo marin sifo sharci ah.

Heshiiskii la gaaray September 17keedii waxa uu dhigayey in magaalada Garbahareey ay tahay meesha labbaad ee lagu qabanayo doorshada Jubaland, waxaana saxiixay heshiiskaas madaxweeynaha Jubaland Ahmed Madoobe oo qeeyb ka ahaa shirkii heshiiska lagu saxiixayey.

Hadaba labbadda doorasho ee iska soo horjeeda ee lagu kala qabtay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey ayaa ah kuwo dhinac marsan wixii lagu soo heshiiyey. Hase ahaatee, waxaa la filayey in guddoomiyaha kumeel gaarka ee baarlamaanka in uu ka hor imanayo doorashooyinkaas aan sharciga aheeyn, balse wuxuuba qeeyb ka noqday mushkiladda isaga oo taageeray dhinaca qolyahihii doorashada ku soo qabsaday Ceelwaaq.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ayaa sida la sheegay qaatay lacago laaluush, waana midda keentay inuu xeerin waayo waxba, waxa uuna ku tallagalay labbadda cisho ee uu joogo in uu sii sarifto.

Si kastaba ha ahaatee 16ka kursi ee lagu soo doortay Ceelwaaq iyo 16ka kale ee Iyana lagu soo doortay Garbahaareey, ayeey tahay in aan loo oggolaan fadhiga lagu soo dooranayo guddoomiyaha cusub maadaama aysan heeysan wax sharciyad ah.

Ma damaanad qaadi karin amniga doorashada

Taliyaha ciidamada booliiska Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in uusan damaanad qaadi karin amniga doorashada, waxa uuna codsaday in dib loo dhigo doorashada guddoonka golaha shacabka. Translate Tweet

Xildhibaan Cabdirisaaq ” Anaga shaqadaydu waa doorasho, wixii diiwaan-gelin ah gudoomiyaha KMG ayay u taalaa”

Xildhibaan Cabdirisaaq ” Anaga shaqadaydu waa doorasho, wixii diiwaan-gelin ah gudoomiyaha KMG ayay u taalaa”

Hawlgalka ATMIS

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal rasmi ah oo uu soo saaray ku adkeeyey in Hawlgalka ATMIS uu ku shaqeeyo habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran iyo dardar gelinta dhamaystirka doorashooyinka si waafaqsan heshiishkii 17 Sebteembar.

UK steps up support as famine looms in Somalia

UK steps up support as famine looms in Somalia

Minister for Africa Vicky Ford has announced a new £25 million aid package to provide vital services to almost a million people across the country, including food and Water, Sanitation, and Hygiene (WASH) support, as the country teeters on the brink of widespread famine.

https://www.gov.uk/government/news/uk-steps-up-support-as-famine-looms-in-somalia

Fariinta RW Rooble

ATMIS waa in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone

Ra’iisul Wasaare Rooble”Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.

Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.”.