26th July 2024  admin  Category :

Xunbaha Beesha Caalamka ayaa goor dhaweyd si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saartay xaaladda doorashada guddoonka Golaha Shacabka, iyada oo ku baqday ‘in si nabdoon’ loo dhameystiro doorashada.

Bayaankan ayaa u qornaa sidan;

-Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*