Guddiga doorashada oo soo saaray 14 qodob oo habraaca amniga doorashada ah

Tariikh 10/05/2022 Guddoonka Baarlamaanku waxuu soo saarey bayaankan Amni ee Tafaasiishu hoos ku qoran:

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan cidda loo xil-saaray mas’uuliyadda ammaanka goobta doorashada iyo doorka ay ku yeela karaan ciidamada qaranka.

  1. A) Taliyaha Ciidanka Boolisku waa hogaaminaya Amniga guud ee Doorashadda.
  2. B) Amniga iyo galitaanka fadhiga Xarunta waxaa gaar u leh Ciidanka ATMIS Sector 1.
  3. C) Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka waxay u xilsaaran yihiin amaanka guud ee Magaalada gudaheeda iyo banaankeedaba in ay ka hortagaan wax kasta oo amaanka khalkhal galinkara sida shabaab iyo wixii la mid ah.
  4. D) Ciidanka Nabadsugidda waa in ay si gaara ula socdaan xubnaha ka tirsan Alshabaab ee gudaha magaalada ku dhuumaalaysanaya oo ay fashiliyaan intaanay wax sameyn.
  5. E) Ciidanka Booliska iyo kan Nabadsugida waxay ka masu’ul yihiin fududeynta socodka Murshaxiinta, Xildhibaanada iyo martida madaxda ah ee la martiqaaday ay ku soo gaarayaan Teendhada ilaa inta lagu guddo juro Doorashada.
  6. F) Afar iyo labaatan (24) Booliis ah oo aan hubaysnayn waxay kala shaqeynayaan ATMIS warunta doorashadda ee Teendhada Afasiyooni.
  7. G) ATMIS oo raaceysa awaamiirta Gudoonka ma ogolaanayso in wax hub ah lala soo galo Xalane maalinta Doorashada.
  8. H) Ciidanka Xoogga Dalka qaybta degan Teendhada Afasiyooni waxay si ku meelgaar ah u banaynayaan Xaruunta teendhada inta Doorashada lagu guda jiro, waxayna xoojinayaaan Amaanka banaanka.
  9. I) Ayadoo la raacayo sida ku cad habraacyada Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxwaynaha ay soo saareen, Murashaxiinta u tartamaya Xafiska Madaxweynaha waxay ka soo galayaan albaabada tilmaaman, halkaas oo ay ATMIS ka qaadi doonto ayna sii galbinayaan ilaa Teendhada.
  10. J) Dhamaan Xildhibaanada Sharafta leh waxaa laga rajeynayaa in ay gacan siiyaan ciidanka amniga sugaya ee baraha baaritaanka joogo si loo hubiyo amniga ka soo qaybgalayaasha oo dhan.
  11. K) Maalinta Doorashada Madaxweynaha lama ogola in lala soo galo Teendhada Telephone ama Tablet. Ka soo qaybgalayaasha waxaan kula talinaynaa in ay Telephoonadooda uga soo tagaan banaanka oo ay darwaladoodu u dhiibtaan.
  12. L) Murashaxiinta u taagan Xafiiska Madaxweynaha maalinta Doorashada waxaa loo ogolyahay min hal caawiye. Madaxwynaha hada jooga waxaa loo ogol yahay Saddex caawiye. Madaxweynayaashii hore waxaa loo ogolyahay laba caawiye kiiba.
  13. M) Dhamaan Murashaxiinta, Xildhibaanada iyo martida la martiqaaday baaburtooda waxay uga soo tagayaan Dugsiga Tababarka Ganaraal kaahiye ama Barxada Airportka. Intaa ka dib waxaa la marayaa baaritaanka amniga ee albaabka Airportka, dabadeedna waxaa la raacayaa Basaska Booliiska iyo UN oo geynaya Teendhada.
  14. N) Murashaxa ku guuleysta/guulaysata Xafiiska Madaxweynaha waxaa isla markiiba amnigiisa/ amnigeeda la wareegaya ATMIS, waxaana loo qaadayaa meel amnigeedu suganyahay.

Horumarka gobolka sanaag

Guddoomiyaha Guddida araimaha Bulshada ee golaha wakiilada Puntland C/casiis Dhahar oo hadal ka jeediyey Xarunta HADAF ee magaalada Badhan ayaa bulshada gobolka Sanaag ku booriyey inay horumarka degaanka ka qayb qaataan isla markaana ka hortagaan wax kasta oo hagar-daaminaaya mashaariicda socota iyo nidaamka dowladnimada

Jeebadaha Yaan Lagu Shuban Baarlamaanka

Go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo ku xigeenadiisa ay ku fasaxeen garabkii lagu soo doortay Ceelwaaq ayaa muujineeysa in hoggaanka baarlamaanku uu yahay mid aan ehel u aheyn shaqada loo soo doortay. Shaqadoodii ugu horeeysay waxeey ku billaabeen caddalad darro ay weheliso dabcan musuqmaasuq.

Shacabka Soomaaliyeed waxeey is lahaayeen guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxeey la iman doonaan nidaam caddaalad ku dhisan oo lagu xallinayo khillaafka ka dhashay doorashooyinkii iska soo horjeeday ee ka kala dhacday magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

Guddoomiye Aadan Madoobe marna doodiisa uu ku fasaxay xildhibaanadii Ceelwaaq kuma salleeyn heshiiskii 17kii September, balse doodiisa waa uun Ra’iisal Wasaare Rooble, guddomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse Geelle, iyo maamulka Jubaland ayaa isku waafaqay in kuwa Ceelwaaq ay yihiin kuwii saxda ahaa.

Rooble, Muuse Geelle iyo Ahmed Madoobe ayaa ah kuwo isku dhinac ahaa, balse Adan Madoobe waxa uusan tixgelin siin inaba dhinaca xubnihii lagu soo doortay magaalada Garbahaareey oo iyagu ah kuwo ku taagan heshiiskii 17kii September. Haddii xittaa uu guddoomiye Aadan Madoobe uu u kalla qeeybin lahaa mid 8 xubnood, waxeey ahaan laheed xooggaa mid caddaalad u soo dhaw, laakiin hal dhinac ayaan taageerayaa waa mid muujineeysa wajiga dhabta ah ee guddoomiye Aadan Madoobe.

Si kastaba ha ahaato, maadaama baarlamaanka aysan go’aan ka gaarin xubnaha la isku heeysto ee Gobolka Gedo waa in xubnaha baarlamaanka ay ka hor yimaadaan labbada dhinac ee lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaareey si baarlamaanka uu u noqdo mid maslaxadda shacabka Soomaaliyeed ka shaqeenaya, waana in aysan marnaba oggolaan in taladda baarlaamaanka ay jeebadaha ku shubtaan guddoomiyaha iyo ku xiggeenadiisa.

Sayid Axmed oo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka hooyo.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, xubno katirsan labada Gole ee Dowladda iyo Mas’uuliyiin kale.