19th May 2024  admin  Category :

Tariikh 10/05/2022 Guddoonka Baarlamaanku waxuu soo saarey bayaankan Amni ee Tafaasiishu hoos ku qoran:

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan cidda loo xil-saaray mas’uuliyadda ammaanka goobta doorashada iyo doorka ay ku yeela karaan ciidamada qaranka.

  1. A) Taliyaha Ciidanka Boolisku waa hogaaminaya Amniga guud ee Doorashadda.
  2. B) Amniga iyo galitaanka fadhiga Xarunta waxaa gaar u leh Ciidanka ATMIS Sector 1.
  3. C) Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka waxay u xilsaaran yihiin amaanka guud ee Magaalada gudaheeda iyo banaankeedaba in ay ka hortagaan wax kasta oo amaanka khalkhal galinkara sida shabaab iyo wixii la mid ah.
  4. D) Ciidanka Nabadsugidda waa in ay si gaara ula socdaan xubnaha ka tirsan Alshabaab ee gudaha magaalada ku dhuumaalaysanaya oo ay fashiliyaan intaanay wax sameyn.
  5. E) Ciidanka Booliska iyo kan Nabadsugida waxay ka masu’ul yihiin fududeynta socodka Murshaxiinta, Xildhibaanada iyo martida madaxda ah ee la martiqaaday ay ku soo gaarayaan Teendhada ilaa inta lagu guddo juro Doorashada.
  6. F) Afar iyo labaatan (24) Booliis ah oo aan hubaysnayn waxay kala shaqeynayaan ATMIS warunta doorashadda ee Teendhada Afasiyooni.
  7. G) ATMIS oo raaceysa awaamiirta Gudoonka ma ogolaanayso in wax hub ah lala soo galo Xalane maalinta Doorashada.
  8. H) Ciidanka Xoogga Dalka qaybta degan Teendhada Afasiyooni waxay si ku meelgaar ah u banaynayaan Xaruunta teendhada inta Doorashada lagu guda jiro, waxayna xoojinayaaan Amaanka banaanka.
  9. I) Ayadoo la raacayo sida ku cad habraacyada Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxwaynaha ay soo saareen, Murashaxiinta u tartamaya Xafiska Madaxweynaha waxay ka soo galayaan albaabada tilmaaman, halkaas oo ay ATMIS ka qaadi doonto ayna sii galbinayaan ilaa Teendhada.
  10. J) Dhamaan Xildhibaanada Sharafta leh waxaa laga rajeynayaa in ay gacan siiyaan ciidanka amniga sugaya ee baraha baaritaanka joogo si loo hubiyo amniga ka soo qaybgalayaasha oo dhan.
  11. K) Maalinta Doorashada Madaxweynaha lama ogola in lala soo galo Teendhada Telephone ama Tablet. Ka soo qaybgalayaasha waxaan kula talinaynaa in ay Telephoonadooda uga soo tagaan banaanka oo ay darwaladoodu u dhiibtaan.
  12. L) Murashaxiinta u taagan Xafiiska Madaxweynaha maalinta Doorashada waxaa loo ogolyahay min hal caawiye. Madaxwynaha hada jooga waxaa loo ogol yahay Saddex caawiye. Madaxweynayaashii hore waxaa loo ogolyahay laba caawiye kiiba.
  13. M) Dhamaan Murashaxiinta, Xildhibaanada iyo martida la martiqaaday baaburtooda waxay uga soo tagayaan Dugsiga Tababarka Ganaraal kaahiye ama Barxada Airportka. Intaa ka dib waxaa la marayaa baaritaanka amniga ee albaabka Airportka, dabadeedna waxaa la raacayaa Basaska Booliiska iyo UN oo geynaya Teendhada.
  14. N) Murashaxa ku guuleysta/guulaysata Xafiiska Madaxweynaha waxaa isla markiiba amnigiisa/ amnigeeda la wareegaya ATMIS, waxaana loo qaadayaa meel amnigeedu suganyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*