Mahad Salaad oo magacaabay madax sirdoonka NISA ee gobolka Banaadir

Agaasimaha ha’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad ayaa maanta madaxa sirdoonka ee qeybta gobolka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor oo ka tirsanaa saraakiisha hay’adda NISA.

Sarkaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee uu magacaabo maamulka cusub ee NISA ayaa lagu sheegay inuu leeyahay khibrad dhinaca amniga ah, isaga oo qaban doona boos muhiim u ah amniga caasimadda Muqdisho.

Mahad Salaad oo Khamiistii golaha wasiiradda Soomaaliya ay soo jeediyeen magacaabistiisa ayaa Axaddii shalay si buuxda ula wareegay agaasinka ha’adda NISA.

RW Rooble oo kala diray guddiyadii doorashada dadban ee 2020/22

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku kala diray guddiyada doorashada dadban ee heer federaal, heer dawlad goboleed iyo weliba guddida xallinta khilaafaadka. Qoraalka ka soo xafiiska ra’iisal wasaare Rooble ayaa ujeedada kala dirista guddida doorashada dadban ku sheegay, inay dhamaatay shaqadoodii.

“Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo uga mahad-celinaya dhammaan guddiyada kala duwan ee doorashooyinka dadban, waajib gudashadoodii qaran, ayaa waxa uu si rasmi ah u kala diray dhammaan guddiyada doorashooyinka dadban ee 2020/22, iyada oo xil-gudashadoodu ku ekayd doorashada labada aqal ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in kuraasta haatan ka banaan baarlamaanka ama kuraasta sabab kale u banaanaata inay maamuli doonaan guddida doorashada ee madaxa banaan oo ku shaqaynaya isla habraacyadii horey loogu soo doortay baarlamaanka 11aad ee JFS.

Halkan ka akhriso waraaqda ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha

Ergeyga gaarka ee Gurmadka Abaaraha oo fogaan aragga kula kulmay Wasiiro

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa caawa kulan fogaan arag ah la yeeshay dhammaan wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Raysal wasaaraha iyo Wasaarada Gargaarka ee XFS.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay mudnaan-siinta Gurmadka Abaaraha iyo sidii si wadajir ah la iskaga kaashaan lahaa caawinta ummadda Soomaaliyeed ay abaaruhu waxyeeleeyeen

Wasiirradu waxay boggaadiyeen Madaxweynaha dawlada federaalka mudnaanta uu siiyey Gurmadka Abaaraha iyo in uu magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha.

Waxa ay sidoo kale wasiirradu ballan qaadeen in ay wadashaqayn buuxda la yeelanayaan ergeyga, iyagoo soo dhoweeyey sida dardarta leh ee uu Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha uu u dhaqaajiyay howlaha Gurmadka.

Ugu danbayn, Ergeyga iyo Wasiirrada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxa ay isla qaateen in kor loo qaado wacyiga bulshada iyo in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Agaasimayaha guud ee Villa Somalia iyo ku xigeenkiisa oo xilalkii la wareegay

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya xilka kagala wareegay Agaasimihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Ku-xigeennadiisa Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon.Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in Agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen deyn lagu leeyahay Madaxtooyada, Galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Madaxtooyada qaranka, waxa uuna Madaxda cusub Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa,Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Dalka, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.Ugu danbeyn, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmin doonin shaqada, waxa uuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Dalka.

Ilko jiir oo Qado sharaf loogu sameeyey Garowe

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Qado sharaf ugu sameeyay deegaan-dalxiiseedka Arlo Park ee duleedka Garoowe, Safiirka Dawladda Federalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Danjire Gen. Cabdullahi Axmed Ilka-jiir.

Casumaada ayaa waxaa Guddoomiyaha kala qeyb-galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame iyo Hawl-wadeena Golaha

May be an image of 3 people, people sitting and outdoors
May be an image of 1 person, sitting and outdoors
May be an image of 5 people and people standing
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 1 person, sitting and outdoors

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaarah oo kulan la qaatay James Swen

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swen iyo Xariiriyaha gargaarka bani-aadannimada Adam Abdelmoula.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa caawinta malaayiinta Soomaaliyeed ee hadda waajahaya xaaladda abaaraha iyo sidii loogu gurman lahaa.