21st May 2024  admin  Category :

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa caawa kulan fogaan arag ah la yeeshay dhammaan wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Raysal wasaaraha iyo Wasaarada Gargaarka ee XFS.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay mudnaan-siinta Gurmadka Abaaraha iyo sidii si wadajir ah la iskaga kaashaan lahaa caawinta ummadda Soomaaliyeed ay abaaruhu waxyeeleeyeen

Wasiirradu waxay boggaadiyeen Madaxweynaha dawlada federaalka mudnaanta uu siiyey Gurmadka Abaaraha iyo in uu magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha.

Waxa ay sidoo kale wasiirradu ballan qaadeen in ay wadashaqayn buuxda la yeelanayaan ergeyga, iyagoo soo dhoweeyey sida dardarta leh ee uu Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha uu u dhaqaajiyay howlaha Gurmadka.

Ugu danbayn, Ergeyga iyo Wasiirrada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxa ay isla qaateen in kor loo qaado wacyiga bulshada iyo in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*