Isimaddii Warsangeli ee dhowaan soo xulay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ee ka midka ahaa Xildhibaanaddii doortay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa hadana doonaya inay magaalada Ceerigaao kula kulmaan Hogaamiye beeleeka SNM ee gacanta dhiiga ku leh ee doonaya inay dalka Soomaaliya kala gooyaan.
Suldaan Siciid iyo Suldaan Maxamed, oo dhowaan soo xulay Xildhibaanada beesha Warsangeli, oo ayna beesha dhexdeeda u soo wada tartamin, cidna ayna kala tashan dadka ay keenaaan sida Kaligood taliyaasha aduunka, hase ahaatee ay heshiis kula ahaayeen oo qura madaxweynha Puntland Siciid Deni, heshiiskaas oo ahaa inay u keenayan Qof uu isagu raali ka yahay jid kasta ha u soo mareene.
Jidkii uu madaxweynaha Puntland faray Suldaan Siciid iyo Suldaan Mxamed ma ahayn mid la jeclystay, wuxuu ahaa mid Beesha Warsangeli khilaaf soo kala dhex galay, mid dhiig ku daatay Boosaao dhexdeeda , bahdil ay Soomaali oo dhami markhaanti ka ahaayeen, ka dib markii Wiilkooda looga reebay Xildhibaanada, hal sabab oo qura, taas oo ahayd in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Majeerteen ayna jeclayn in Xildhibaankii hore ee beesha Dubeys, Warsangeli uu di u soo noqdo
Markii ay soo dhamaatay arintii ay Suldaan Siciid iyo Suldaan Maxamed ka soo wad shaqeeyeen ee ahayd in Xildhibaano uu raali ka yahay madaxweyne Deni ay soo saaraan, ayaa waxa la soo xiriiray Gacan u dhiiglaha caanka ah ee hogaamiya falaagada SNM ee doonaysa inay Soomaali inteeda kale ka go’aan, wuxuuna ka codsaday isla labaddii Isim ee soo xulay Xildhibaanada Federaalka inay kula kulmaan magaalada Ceerigaabo,
Si kulanka loo qurxiyo oo loo qariyo in labada Isim ay Ceerigaabo ku sugayaan Gacan ku dhiigle Biixi, ayaa waxa laga dhigay in Beesha Warsangeli ay magaaladaas ku qabsanayaan Shir lagu magcaabo Mideeye.
Shirka mideeye Beesha Waxa uga qayb gelaya labadan Isim ee guurguura, wasiirada Haween iyo Miyiga ee Maamulka SNM, gudoomiyaha Gobolka ninka ugu magcaaban maamulka SNM, Taliyaha Maleeshiyaadka SNM ee gobolka iyo intii Mushaar ka qaadan jirtay maamulkaas iyo Dhowr Isim oo soo naq raacay. Yaa Maal gelinaya Shirkan marin habaabinta ? Bilow ilaa dhamaad beesha Haba awal ee Muuse Biixi ayaa maal gelinaysa si ay u helaan maleeshiyaad loo istcmaalo Xisbiga Garxejis Faysal iyo Ciro oo ay isku hayaan doorashada.
Ugu danbaynti Isimadan Warsangeli waxa loo doortay waa Bulshada ay magacooda wataan, maanta Beelaha Daarood waxay tar tan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen Raisulwasaaraha Soomaaliya , halka ay iyagu Ceerigaabo ku sugayaan Muuse Biixi
Khilaafkii doorashada Puntland ka dhashay weli waa taagan yahay , halka maantana mid hor leh uu bilowday iyo inay beelahu kal shakiyaan. Hadaba si umaddan loo bad baadiyo waa In Isimada tirada badan ee wada lugooyada ah mid laga soo reebaa, kaasina uu noqdaa Meerto.
Xoghaye Blinken oo ku dhawaaqay Ergayga Mareykanka ee Geeska Africa
“Waxaan ku dhawaaqayaa in Danjire Mike Hammer uu bedeli doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika. Waxaan uga mahadcelinayaa Danjire Satterfield waayo-aragnimada iyo go’aan qaadashada uu u keenay xilka, waxaanan rajaynayaa dadaalka iyo aragtida uu danjire Hammer hadda ku bixin doono dadaallada Geeska Afrika” ayuu yiri Blinken.
Waxa uu Blinken sheegay in magacaabista danjire Hammer ay hoosta ka xariiqday sida ay Mareykanka uga go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna sheegay in Mareykanku sida ugu dhakhsaha badan u taageerayo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda, amniga guud, iyo barwaaqada dhammaan dadka Itoobiya.
“Maamulkani waxa uu si adag diiradda u saarayaa joojinta colaadaha, gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladayn, baaritaanno hufan oo ku saabsan xadgudubyada iyo ku xad-gudbida xuquuqul insaanka ee dhammaan dhinacyada Itoobiya, iyo in wadaxaajood lagu xalliyo colaadda” ayuu Blinken ku yiri Bayaan uu soo saaray.
Ergeyga hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagay, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar uu lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Africa Mike Hammer, kaas oo bedeli doonaan Ergaygii hore David Satterfield oo is-casilay bishii April.
“Waxaan ku dhawaaqayaa in Danjire Mike Hammer uu bedeli doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika. Waxaan uga mahadcelinayaa Danjire Satterfield waayo-aragnimada iyo go’aan qaadashada uu u keenay xilka, waxaanan rajaynayaa dadaalka iyo aragtida uu danjire Hammer hadda ku bixin doono dadaallada Geeska Afrika” ayuu yiri Blinken.
Waxa uu Blinken sheegay in magacaabista danjire Hammer ay hoosta ka xariiqday sida ay Mareykanka uga go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna sheegay in Mareykanku sida ugu dhakhsaha badan u taageerayo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda, amniga guud, iyo barwaaqada dhammaan dadka Itoobiya.
“Maamulkani waxa uu si adag diiradda u saarayaa joojinta colaadaha, gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladayn, baaritaanno hufan oo ku saabsan xadgudubyada iyo ku xad-gudbida xuquuqul insaanka ee dhammaan dhinacyada Itoobiya, iyo in wadaxaajood lagu xalliyo colaadda” ayuu Blinken ku yiri Bayaan uu soo saaray.
Ergeyga hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagay, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar uu lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.
Yuusuf Cali Cabdi: Ninka Soomaaliga ah ee cunuggiisa ku dilay Irelandhaddana magdhowga raba?
Nin Soomaali ah oo muddo xabsi daa’in ugu xukunnaa dil uu u gaystay cunug uu dhalay ayaa hadal-hayn dhaliyay kaddib markii la ogaaday in caddaalad-darro lagu xiray, isagoo haddana loo fasaxay inuu magdhow raadsado.
Sanadkii 2019 ayaa xukunkiisa la laalay kaddib markii uu xabsi ku jiray 16 sano, isagoo haddana la filayo in xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo.
Waa kuma Yuusuf Cali?
Xog badan lagama hayo Yuusuf Cali Cabdi, balse waxa uu ka mid ahaa dadkii Soomaalida ahaa ee qaxootinnimada uga baxay Soomaaliya xilligii ay socdeen dagaalladii sokeeye.
Daa’uud Cabdullaahi Gilingil oo ka mid ah Soomaalida deggan Ireland ayay BBC Somali la xiriirtay si ay wax bada uga ogaato arrinta Yuusuf. Wuxuu noo sheegay in Yuusuf ay sanadkii 1998-kii isbarteen haweeney u dhalatay Ireland oo ay haasaawe wadaageen, isla sanadkii xigayna ay isguursadeen. Daa’uud wuxuu si dhow ula socday xogta ku saabsan kiiskan.
Siduu u dhacay dilka cunugga?
Muddo hal sano ah markii ay wada joogeen Yuusuf Cali iyo xaaskiisa Irish-ka ah waxaa u dhashay cunug.
“Bishii April ee sanadkii 2001-dii ayay haweeneyda oo cunuggii yaraa wadata gurigiisa ku booqatay Yuusuf, sida ay sheegtay iyadu. Cunuggii yaraa ayuu qaatay 4:30 habeennimo xilli ay hurdaysay, iyadana qol ayuu kusoo xiray,” ayuu yiri Daa’uud Cabdullaahi oo ka sheekeynayay sida uu dilka u dhacay.
Isagoo sii faahfaahinaya ayuu intaas ku sii daray: “Waxay haweeneydii maqashay shanqar ay hurdadii uga kacday waxayna aragtay Yuusuf oo ilmihii yaraa darbiga la dhacaya. Way qaylisay, durba waxaa timid askartii. Abbaaro 5:30-kii markii ilmihii la qaadayna waxaa la ogaaday in uu meyd yahay.
“Waa la xiray ninkii, maxkamad ayaa la hor geeyay, 2003-diina waxaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah maaddaama la xaqiijiyay inuu cunugga isagu dilay.”
“Xanuun u sheegaya inuu wax dilo”
Markii la xiray kaddib ayuu Yuusuf dhowr jeer sheegay inuu qabo xanuun xagga dhimirka ah, uuna ka soo cararay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in aabbihiis lagu dilay dagaalkii sokeeye.
“Waxa uu marar badan sheegay inuu qabo xanuun kusoo kaca oo u sheega inuu wax dilo, maaddaama uu soo arkay xaaladihii dagaallada sokeeye,” ayuu yiri Daa’uud.
Dowladda ayaa ugu dambayn go’aansatay in loo diro isbitaalka waallida, si loogu baaro caafimaadkiisa dhinaca dhimirka.
Markii uu xirnaa qiyaastii 10 sano ayaa 2013-kii la dhisay guddi baaritaan ku sameeya kiiska ninkan si loogu kuurgalo sheegashadiisa ku saabsan inuu xanuunsan yahay.
Guddigii gaarka ahaa ee loo xilsaaray inay caafimaadkiisa ka warramaan ayaa natiijadooda ku soo saaray in ay dhab tahay inuu Yuusuf Cali Cabdi qabo xanuun dhimirka ah, sababtaasna ay keentay inuu falka dilka ah ku dhaqaaqo.
Sharciga waddankaas ayaa dhigaya in qof maskaxda ka xanuunsan aan lagu xukumi karin fal uu sameeyay, taasoo keentay in 2019-kii meesha laga saaro xukunkii xabsi-daa’inka ahaa ee uu qaadanayay.
Isbuuca soo socda ayaa la filayaa in ninkan la sii daayo, sida uu BBC-da u sheegay Daa’uud, kaddibna uu billaabo cabashada uu ku dalbanayo in magdhow laga siiyo muddadii uu caddaalad-darrada u xirnaa.
Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa sida ay ku dambayso arrinta muwaadinkan Soomaaliga ah kaddib marka dib-u-eegis kale lagu sameeyo kiiskiisa.
Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Oo Macluumaad Ku Wareejiyay Xeer Ilaaliyaha Guud
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu wareejiyay macluumaad ku saabsan baaris la xiriirta markab dhuxul sida oo lagu xannibay Saldanada Cumaan.
Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu dhowaan shaqada ka joojiyey Wasiirka arrimaha dibeda Cabdisaciid Muuse Cali oo uu ku eedeeyey inuu fasaxay markab dhuxul sharci daro ah ka qaaday Somalia oo gaaray dalka Cumaan.
Madaxweynaha JFS oo Booqday Kaamam ku yaalla Baydhabo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha ka jira dalka, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka ay argaggaxisadu ku hayaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka ugu baaqay in loo gurmado dadka tabaalaysan ee ay waxyeelladu ka soo gaartay masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqday iyo duruufaha amni ee ka jira qeybo ka mid ah dalka, isaga oo faray hay’adaha dowladda in la dardargeliyo hawlaha gurmadka abaaraha.
“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aynu haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.”
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso wax-ka-qabashada xaaladaha beni’aadannimo ee ka jira dalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo xusay in dowladdu dhowaan magacowday ergay gaar ah oo ka shaqaynaya isku-xirka arrimaha gurmadka abaaraha.
Wareegtada lagu magacaabay ee ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri, “Waxaa la farayaa xubnaha guddiga ee la magacaabay inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si hufan oo adkeeyaan amniga xafladda caleema saarka Madaxweynaha JFS.”
Madaxweyne Xasan Culusoow oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baydhaba
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd safarkiisii ugu horreeyey ee gudaha dalka ku tagay magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah maamulka Koofur Galbeed.
Safarkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay socdaal uu madaxweynuhu ku tegi doono maamul goboeedyada oo loogu magacdaray “Tareenka Nabadda”.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku marayo booqashadiisa sidoo kale diiradda saari doono arrimo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta, abaaraha, iyo xasillooni siyaasadeed.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada ee xilka kasii degaya iyo xildhibaanno.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladda caleemo-saarkiisa ay ka dhici doontaa magaalada Muqdishu 9-ka bisha Juun, xafladdaasi oo la filayo inay kasoo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.
Maanta waxaa la burburiyey guryo ay degganaayeen dad shacab ah oo ku nool xaafadda Kaxda si loo boobo dhulkooda. Hadaba arrintan ma waxeey billoow u tahay dhul boobka lagu yiqiin Dam Jadiid?
Madaxweeynaha cusub Xasan Shiikh ayaa la eegi doonnaa sida uu dadkaa shacabka ah arrintooda ka yeelo, hadii uu ka aamuso, dabcan waxeey noqoneeysaa mid muujineeysa in uu raali ka yahay boobka hantida dadka, shacabka Muqdishana waa in ay u diyaar garoobaan dhul boob badan inuu soo socdo. Arrintan iyada ah waxeey na tusineeysaa in aan cidina lagu taageerin qabiil, balse lagu taageero sida uu dadkiisa jilicsan uu u garab taagan yahay.