18th April 2024  admin  Category :

Isimaddii Warsangeli ee dhowaan soo xulay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ee ka midka ahaa Xildhibaanaddii doortay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa hadana doonaya inay magaalada Ceerigaao kula kulmaan Hogaamiye beeleeka SNM ee gacanta dhiiga ku leh ee doonaya inay dalka Soomaaliya kala gooyaan.

Suldaan Siciid iyo Suldaan Maxamed, oo dhowaan soo xulay Xildhibaanada beesha Warsangeli, oo ayna beesha dhexdeeda u soo wada tartamin, cidna ayna kala tashan dadka ay keenaaan sida Kaligood taliyaasha aduunka, hase ahaatee ay heshiis kula ahaayeen oo qura madaxweynha Puntland Siciid Deni, heshiiskaas oo ahaa inay u keenayan Qof uu isagu raali ka yahay jid kasta ha u soo mareene.

Jidkii uu madaxweynaha Puntland faray Suldaan Siciid iyo Suldaan Mxamed ma ahayn mid la jeclystay, wuxuu ahaa mid Beesha Warsangeli khilaaf soo kala dhex galay, mid dhiig ku daatay Boosaao dhexdeeda , bahdil ay Soomaali oo dhami markhaanti ka ahaayeen, ka dib markii Wiilkooda looga reebay Xildhibaanada, hal sabab oo qura, taas oo ahayd in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Majeerteen ayna jeclayn in Xildhibaankii hore ee beesha Dubeys, Warsangeli uu di u soo noqdo

Markii ay soo dhamaatay arintii ay Suldaan Siciid iyo Suldaan Maxamed ka soo wad shaqeeyeen ee ahayd in Xildhibaano uu raali ka yahay madaxweyne Deni ay soo saaraan, ayaa waxa la soo xiriiray Gacan u dhiiglaha caanka ah ee hogaamiya falaagada SNM ee doonaysa inay Soomaali inteeda kale ka go’aan, wuxuuna ka codsaday isla labaddii Isim ee soo xulay Xildhibaanada Federaalka inay kula kulmaan magaalada Ceerigaabo,

Si kulanka loo qurxiyo oo loo qariyo in labada Isim ay Ceerigaabo ku sugayaan Gacan ku dhiigle Biixi, ayaa waxa laga dhigay in Beesha Warsangeli ay magaaladaas ku qabsanayaan Shir lagu magcaabo Mideeye.

Shirka mideeye Beesha Waxa uga qayb gelaya labadan Isim ee guurguura, wasiirada Haween iyo Miyiga ee Maamulka SNM, gudoomiyaha Gobolka ninka ugu magcaaban maamulka SNM, Taliyaha Maleeshiyaadka SNM ee gobolka iyo intii Mushaar ka qaadan jirtay maamulkaas iyo Dhowr Isim oo soo naq raacay. Yaa Maal gelinaya Shirkan marin habaabinta ? Bilow ilaa dhamaad beesha Haba awal ee Muuse Biixi ayaa maal gelinaysa si ay u helaan maleeshiyaad loo istcmaalo Xisbiga Garxejis Faysal iyo Ciro oo ay isku hayaan doorashada.

Ugu danbaynti Isimadan Warsangeli waxa loo doortay waa Bulshada ay magacooda wataan, maanta Beelaha Daarood waxay tar tan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen Raisulwasaaraha Soomaaliya , halka ay iyagu Ceerigaabo ku sugayaan Muuse Biixi

Khilaafkii doorashada Puntland ka dhashay weli waa taagan yahay , halka maantana mid hor leh uu bilowday iyo inay beelahu kal shakiyaan. Hadaba si umaddan loo bad baadiyo waa In Isimada tirada badan ee wada lugooyada ah mid laga soo reebaa, kaasina uu noqdaa Meerto.

ALLSANAAG.COM

May be an image of 3 people and people sitting
May be an image of 1 person and standing
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 1 person, standing and indoor
May be an image of 3 people and people sitting
May be an image of 1 person, standing and text that says '砂 Hashi ABU-DHABI to Welcome HOTEL Welcome to ABU-DHABI DHABI'
May be an image of 1 person, sitting, standing and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*