Garaad Maxamed Garaad Cabdulaahi Cali Ciid: “Shirka Ceerigaabo ee laleeyahay Warsangali ayaa lo qabtay waa mid la doonayo in Beelaha Gobalka Sanaag la isaga hor keeno”

Garaad Maxamed Garaad Cabdulaahi Cali Ciid: “Shirka Ceerigaabo ee laleeyahay Warsangali ayaa lo qabtay waa mid la doonayo in Beelaha Gobalka Sanaag la isaga hor keeno”
Hawada sare waxa ku yaal jid la yiraahdo Daarood oo diyaaraduhu maraan
Xaafadaha ay beesha Warsangeli ka degaan magaalada Ceerigaabo oo looga mudaharaaday Hogaamiyaha SNM., waxayna ku dhawaaqayeen dooni mayno Gacan ku dhiigle, Dooni mayno nin dalka kala goynaya iyo nama metelaan kuwa aad la kulmi doonto
Markii ugu horaysay ee Buuraha Barakaysan la dhagax dhigay Dugsi
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa Buuraleyda Calmadow gaar ahaan Degaanka Caano-badan ka dhagaxdhigay dugsi hoose dhexe si loola dagaalamo wax qorisla,aanta iyo Jahliga
MUQDISHO – Waxaa magaalada Muqdisho ku soo geba-geboobay shirka golaha wadatashiga qaran, kaas oo uu shirguddoomiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud iyada oo ay ka qaybgaleen ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, iyo madaxda dawlad-goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.
Ujeedada kulankan ayaa ahayd in la amba-qaado hal-ku-dheggii madaxweynaha ee ahaa Soomaali Heshiis ah, waxaana kulankan looga hadlay in la xoojiyo hannaanka wada-shaqaynta iyo wada-tashiga, iyada oo loo marayo niyad-wanaag, is aaminaad iyo kalsooni.
Kulankan ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 7 qodob oo ay isku afgarteen dhammaan madaxdii ka qayb gashay kulanka.
Qodobada la isku afgartay ayaa u dhignaa sidan:
I. DHAMAYSTIRKA DHISMAHA DOWLADNIMADA SOOMAALIYA
Iyadoo la tixraacayo lifaaqa heshiiskii 27 Maajo 2021 ee Dhameystirka Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya oo ay Golaha Wadatashiga Qaranka gaareen, Goluhu wuxuu isku raacay inuu diiradda saaro, mudnaan gaar ahna siiyo arrimaha soo socda:
1. Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.
2. Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.
3. Goluhu wuxuu isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.
4. Goluhu wuxuu si wadajir ah isugu raacay in la xaqiijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho oo lagu xaliyo khilaafaadka ragaadiyey dowladnimadeena.
5. Goluhu wuxuu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
6. Goluhu wuxuu ku heshiiyey taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara ilaa heer degmo, loona daadejiyo dowladnimada.
7. Goluhu wuxuu isla qaatay dhamaystirka hannaan garsoor madax-bannaan, hufan, isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.
II. XAALADDA ABAARAHA
Goluhu wuxuu isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa. Wuxuu kaloo Goluhu ku baaqayaa in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan. Sidoo kale, Goluhu wuxu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka inay kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.
EMBED SHARE
by VOA EMBED SHAREThe code has been copied to your clipboard. The URL has been copied to your clipboard
No media source currently available0:008:330:00 Direct link Pop-out player
Halkan ka akhriso war-murtiyeedka oo dhamaystiran:
Kulan guud oo ay maanta yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka oo soo idlaaday
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay weheliyaan ku-xigeenadda labada Aqal ayaa maanta shir guddoomiyey Kulan guud oo Labada Gole ee Baarlamaanka wada la haayeen, kulankaas oo Ajandihiisu ahaa qaybinta miisaaniyada sanadka 2022.
Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa sheegey in berri la shaacin doono guddi ku meel gaar ah oo Labada gole ka kooban kaas oo miisaaniyadda ka soo shaqeeya, Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsadey in berri uu jiri doono kulanka guud ee golaha Shacabka.
Dhanka kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhowaan madaxweynaha JFS u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha ayaa waxbixin ku aaddan xaalada Abaaraha dalka looga dhageystay gaar ahaan isaga oo sheegay gobolada ugu badan ay saameeysay Bay iyo Bokool iyo Gobolka Gedo waxaana uu xildhibaanada ka codsaday in mushaharaadkooda qeyb ugu deeqaan gurmadka Abaaraha, waxaana uu Guddoonka la wadaagay in lacagihii la qaaday Musharaxiintii Guddoonka labada aqal iyo tan Madaxweynaha.
Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo, isna warbixin ku aaddan miisaaniyada sanadkan looga dhageystay ayaa waxaa uu sheegay in diyaarinta miisaaniyada sanadka 2022 ay saameysay dib u dhac ku yimid dhameystirka hannaanka doorashada Federaalka, taas oo qasabtay in la diyaariyo miisaaniyad ku-meelgaar ah taas loo yaqaano Miisaaniyada sedex biloolaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa ugu dambeyn kulanka ka sheegay in waqtiga aad loo ilaaliyo si xildhibaanada waqti fican ugu helaan ka doodida Ajendiuaasha markaa taagan.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MADAXTOOYADA KULA KULMAY GANACSATADA SOOMAALIYEED EE DALKA KENYA
Muqdisho, Juun 11, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha Dalka.
Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuur qaran ee uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhawaaqay, isagoo uga mahadceliyey dadaallada ay ku bixiyeen adkeynta dowladnimada.
Ganacsatadaan oo magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Xilka loo doortay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka
Ikraan Tahliil Hooyadeed, “Fahadoow Ikraan adiga ayay kuugu maqan tahay ,wejigaaga ayay na ku qoran tahay .”
Fahad Yaasin oo Raysal Wasaare Rooble ku eedeeyay in uu wax ka ogaa dilkii Ikraan
Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin oo Waraysi bixiyey ayaa dilkii Ikraan Tahliil dusha u saaray Sadex masuul oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo kala ah Raysal Wasaare Rooble, Mahad Salaad oo ah agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala.
Fahad Yaasin oo arrintaas ka hadlaya ayaa wuxuu yiri “Gabadhaan waxaa marka hore la geeyay xafiiska Raysal Wasaaraha,Waxay ahayd shaqo doon,kadib Mahad Salaad ayaa gaadhi kusoo qaaday, waxaana la geeyay Daarusalaam, kadibna meel Jilib udhow ayaa lasii geeyay,halkaas ayaana lagu dilay,waxaana dilka fuliyay Mahad Karataay oo Xidhiidh dhow ay leeyihiin Mahad Salaad’’“Gacanta fulisay dilka Ikraan Tahliil waxaa lahaa Mahad Salaad cidda dishayna waa Al-Shabaab, Farsamadana waxaa lahaa Al Cadaala. Raysul wasare Rooble wuu kawarqabay,“aakhiro iyo aduun waxaa la weydiin doonaa Insha Allah Raysal Wasaare Rooble”.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Ergeyga gaarka ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrsme oo ay weheliyaan gudigga gurmadka Abaaraha, kulanka oo diirada lagu saaray sidii wax loogu qabanlahaa Abaaraha soo-noqnoqday.
Gudiga Abaaraha oo ay Guddoomiyaha ka codsadeen in lagu wareejiyo qaybtii Baarlamaanka BJFS abaaraha uga qoondeeyey lacagihii musharaxiinta Madaxwaynaha JFS laga qaaday si wax loogu qabto dadka tabaaleysan, kuwaas oo ku kala nool qeybo ka mid gobolada dalka
Sidoo kale guddiga ayaa Gudoomiyaha ka codsadey in Baarlamaanku ku daba galo sababta weli Xukuumadda u sheegi la’dahay qoondada ay ugu talo gashey lacagtii Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqdey abaaraha dalka kajira iyo weliba lacagtii Halka milyan (1 M) ahayd ee Xukuumadda sheegtey inay abaaraha ugu yaboohdey oo aan ilaa hadda jirin wax horumar ah oo laga sameeyey.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Gudigga Abaaraha ayaa u ballan qaadey sii xoojinta garab istaagga dar-dar gelinta shaqada baaxada leh ee u taala Ergeyga iyo gudigga, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ballan qaadey in beri lagu wareejin doono lacagihii Baarlamaanka horey u ballanqaadey ee qaybta ka ahaa lacagihii ka soo xaroodey Murashaxiinta Madaxwaynaha JFS.