26th March 2024  admin  Category :

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Ergeyga gaarka ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrsme oo ay weheliyaan gudigga gurmadka Abaaraha, kulanka oo diirada lagu saaray sidii wax loogu qabanlahaa Abaaraha soo-noqnoqday.

Gudiga Abaaraha oo ay Guddoomiyaha ka codsadeen in lagu wareejiyo qaybtii Baarlamaanka BJFS abaaraha uga qoondeeyey lacagihii musharaxiinta Madaxwaynaha JFS laga qaaday si wax loogu qabto dadka tabaaleysan, kuwaas oo ku kala nool qeybo ka mid gobolada dalka

Sidoo kale guddiga ayaa Gudoomiyaha ka codsadey in Baarlamaanku ku daba galo sababta weli Xukuumadda u sheegi la’dahay qoondada ay ugu talo gashey lacagtii Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqdey abaaraha dalka kajira iyo weliba lacagtii Halka milyan (1 M) ahayd ee Xukuumadda sheegtey inay abaaraha ugu yaboohdey oo aan ilaa hadda jirin wax horumar ah oo laga sameeyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Gudigga Abaaraha ayaa u ballan qaadey sii xoojinta garab istaagga dar-dar gelinta shaqada baaxada leh ee u taala Ergeyga iyo gudigga, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ballan qaadey in beri lagu wareejin doono lacagihii Baarlamaanka horey u ballanqaadey ee qaybta ka ahaa lacagihii ka soo xaroodey Murashaxiinta Madaxwaynaha JFS.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*