Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka, isagoo ku adkeeyey in ay sida ugu wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo Jaaliyadaheenna ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cali Nuur.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya: Muxuu danjire Tarsan uga baxay shirkii uu Uhuru u yeeray?

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya: Muxuu danjire Tarsan uga baxay shirkii uu Uhuru u yeeray?

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la sheegay inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya.

Kenyatta ayaa maanta la yeelanayay diblomaasiyiinta kulankiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada dalka Kenya ka dhaceysa bisha Agoosto ee sanadkan.

Danjire Tarsan ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.

Somaliland ayaa wakiil ku leh Nairobi, mana cadda mansabka uu wakiilkooda ku joogay shirkaasi.XAYEYSIIN

Kenya ayaa rasmi ahaan u aqoonsan Somaliland inay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya. balse sanadihii dambe ayay Nairobi sare u qaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland. Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Farmaajo ayaa marar badan ku eedeysay Kenya inay farogelin toos ah ku heysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya ayaa beenisay eedeyntaasi.

Dowladda Kenya iyo Somaliland midkoodna kama hadlin arrintan u dambeysay. Laakiin wakiilada Somaliland u fadhiya Nayroobi ayaa xaqiijiyay inay casumaad ka heleen madaxtooyada Kenya.

Kenyatta ayaa ku jira gabagabada muddo xileedkiisii u dambeeyay, waxaana Kenya ka socdo olole doorasho oo xoog leh.

Waxaa doorashada soo socoto ku loolami doono, William Ruto oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka Kenya iyo Raila Odinga oo hogaamiya xisbiga mucaaradka.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la sheegay inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya.

Kenyatta ayaa maanta la yeelanayay diblomaasiyiinta kulankiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada dalka Kenya ka dhaceysa bisha Agoosto ee sanadkan.

Danjire Tarsan ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.

Somaliland ayaa wakiil ku leh Nairobi, mana cadda mansabka uu wakiilkooda ku joogay shirkaasi.

Kenya ayaa rasmi ahaan u aqoonsan Somaliland inay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya. balse sanadihii dambe ayay Nairobi sare u qaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland. Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Farmaajo ayaa marar badan ku eedeysay Kenya inay farogelin toos ah ku heysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya ayaa beenisay eedeyntaasi.

Dowladda Kenya iyo Somaliland midkoodna kama hadlin arrintan u dambeysay. Laakiin wakiilada Somaliland u fadhiya Nayroobi ayaa xaqiijiyay inay casumaad ka heleen madaxtooyada Kenya.

Kenyatta ayaa ku jira gabagabada muddo xileedkiisii u dambeeyay, waxaana Kenya ka socdo olole doorasho oo xoog leh.

Waxaa doorashada soo socoto ku loolami doono, William Ruto oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka Kenya iyo Raila Odinga oo hogaamiya xisbiga mucaaradka.

Maraykanka oo Somalia ka caawinaya arrimo ay ka mid yihiin gurmadka abaaraha, ammaanka iyo dib-u-heshiisiinta

Maraykanka oo Somalia ka caawinaya arrimo ay ka mid yihiin gurmadka abaaraha, ammaanka iyo dib-u-heshiisiinta

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixisay safarkii ay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan dhinaca siyaasadda Victoria Nuland ay ku tagtay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kulan kula qaadatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca siyaasaddu inay la wadaagtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay dawladda Maraykanku diyaarka ugu tahay inay Soomaaliya ka caawiso dhinaca ammaanka, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha dib u habaynta.

“Kaaliyaha Xoghayaha Guud waxay sidoo kale u muujisay [madaxweynaha Somalia] sii wadidda taageerada Maraykanka ee dedaalada ladagaalanka argagixiasada ee ay hormuudka u yihiin Soomaaliya iyo Midawga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca siyaasadda ayaa intii ay joogtay Muqdisho waxay kulan la qaadatay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan dhinaca gurmadka abaaraha iyo weliba hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda cuntada adduunka ee WFP, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO iyo hay’adda UNICEF, waxaana si weyn loo lafa-guray xaaladda abaaraha ee haatan ka jirta Soomaaliya iyo weliba taageerada ay dawladda Maraykanku ka geysan karto arrintaas.

“Victoria Nuland, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda u qaabilsan dhinaca siyaasaddu, waxay xustay in dawladda Maraykanku ay qorshaysay in si degdeg ah loo siiyo Soomaaliya cuntada loo baahan yahay, [taageerista] dedaalada lagaga hortegayo macaluusha, iyo gargaar kale oo bini’aadanimo kaas oo qayb ka ah gargaar bini’aadanimo oo cusub oo gaadhaya illaa $105 million oo dollar, kaas oo loogu talo galay gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka.

QORAALKA MADAXTOOYADA SOOMAALIYA

Qoraal maanta ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Victoria Nuland ay ka wadahadleen ‘danaha labada dal’.

“Mareykanku wuxuu ahaanayaa saaxiib la isku halayn karo, xilli Soomaaliya ay xoojinayso hay’adaha dowliga ah, si ay u gaarto xasillooni siyaasadeed, amni iyo dhaqaale” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Kulankan ayaa imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay dib u soo noqoshada ciidamada Mareykanka, iyadoo howlkii ugu horreeyay ee soo noqoshadooda ay Mareykanku kuu dileen ugu yaraan shan ka mid ah maleeshiyada Al-shahaab weerar cirka ah oo ay ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab meel u dhow Beer Xaani, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Doonimayno dabadhilif

“Doonimayno dabadhilif in la soo kaxeysto, donimayno in dhulkayaga lagu gorgortamo, doonimayno in Soomaaliya la kala gooyo, yeelinaymo In Nuux Taani dhaho laamigaan tegaynaa…… Puntland waxay ku eedeysantahay in arinkan ka hadli weydo far baana ku godan” Waa Sareeye guuto, Maxamed Jaamac (Indha-yare) taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Puntland oo ka hadlaya Shirkaas

Ku Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka Oo Soo Gaartay Muqdisho ayaaLana Kulantay CCW.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta kulan la yeeshay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo booqasho ku timid Soomaaliya .

Kulanka oo looga hadlayey gurmadka abaaraha iyo badqabka cunto ee dadku abaarta samaaysay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ambassador Lary Andre , madaxa USAID, ku xigeenka ergeyaga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadannimida iyo madaxda hay’adaha WFP, UNICEF, FAO.R

Kulanka ayaa la isku waydaarsaday xog iyo tallooyin ku aaddan sidii degdeg wax looga qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen, loona heli lahaa gurmad iyo taageero caalami ah.

Ugu danbeyn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyey Dawlada Maraykanka taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, Waxa uu sidoo kale Ergeygu ballan qaaday in dawladda Soomaaliya ay daddaal kasta ku bixinayso sidii loo gargaari lahaa dadka abaaruhu ku dhufteen iyo in la fududeynayo hawlaha gurmadka.

ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda maraykanka oo soo gaartay muqdisho, lana kulantay ccw.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo qaabishay Wafdi ka socda Hay’adda WHO “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo qaabishay Wafdi ka socda Hay’adda WHO “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud iyo Qeybaha Wasaaradda ayaa qaabilay Wafdi ballaaran oo ka socday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Bariga iyo Bartamaha oo uu Hoggaaminayay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

U jeedada booqashada Wafdiga ayaa ku aadaneyd sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan xoojinta Hanaanka Adeega Caafimaadka Asaasiga ah ee dalka iyo sida ugu habboon ee looga faa’iidaysan karo horumarka Tiknoolajiyada casriga ah ee la xiriirta Caafimaadka, taas oo kor u sii qaadi karta awooda adeegyada Caafimaaadka ee bulshada. 

Wafdiga ayaa ka kooban 2 qeybood oo kala ah qeybta Iskaashiga hawlaha Tallaalka COVID-19 (COVID-19 Vaccine Delivery Partnership) iyo Xarunta WHO ee hal-abuurka (Innovation Hub).

Khubarada wafdiga la socotay ayaa boooqday Shaybaarka dhexe ee qaranka, Isbitaalka DeMartini iyo Xarunta Caafimaadka ee Dagmada Wabari halkaasi oo ay ugu kuur galayeen qaabka adeegyada Caafimaadka ay usocdaan iyo Caqabadaha jira ee u baahan in lawada wajaho xiligaan. 

Wafidiga ayaa kulamo shaqo oo gaar gaar ah laqaadanaya qeyba kamida Wasaaradda gaar ahaan qeybta Tallaalka Guud iyo Shaybaarka Qaranka, waxeyna diirada saari doonaan arimaha la xiriira sidii looga faa’iidaysan lahaa Isticmaalka hananaka tamarta waarta ee laga dhaliyo soolarka.

Dhalinyaro Warsangeli ah oo la afduubtay

Inta badan Weriyaashii ka soo jeeday beesha Warsangeli ayaa lagu xiray Ceerigaabo.

Heerka uu xaaraan ahaan ka gaaray shirka Ceerigaabo ee u dhaxeeya maamulka SNM iyo Odayaasha Warsangeli ee u guur guura maamulada dalka , oo markan doonaya inay dad iyo degaanba xaraashaan, oo waxooda jumlad ku qaataan ayaa haba yaraatee aan ogolayn in wax war ah uu banaanka uga baxo guriga beesha Isaaq ee shirku ka socdo.

May be an image of 7 people, people standing and indoor

Taasina waxay keentay in xabsiga loo taxaabo dhamaan weriyaashii ka soo jeeday beesha Warsangeli oo ka shaqaynayey warbaahinaha kala duwan oo ay madi yihiin Maxamed Xasan Dhalo, Kilwe Aadan, Cabdicasiis Xidig

Dhuumashada iyo cabsida ay ka qabaan in shirkan aan uj

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Talyaanigu ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Midowga Yurub ay ku kabaan horumarinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeey xilka loo doortay, waxa uuna soo bandhigay sida dowladda Talyaanigu ay ugu garab taagan tahay qorsheyaashiisa hormarineed ee ku qotoma Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Dowladda Talyaaniga ayaa kala shaqeynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, gurmadka abaaraha, deyn cafinta iyo in la xoojiyo maalgashiga caalamiga ah ee khayraadka dalkeenna.