27th April 2024  admin  Category :

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo qaabishay Wafdi ka socda Hay’adda WHO “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud iyo Qeybaha Wasaaradda ayaa qaabilay Wafdi ballaaran oo ka socday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Bariga iyo Bartamaha oo uu Hoggaaminayay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

U jeedada booqashada Wafdiga ayaa ku aadaneyd sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan xoojinta Hanaanka Adeega Caafimaadka Asaasiga ah ee dalka iyo sida ugu habboon ee looga faa’iidaysan karo horumarka Tiknoolajiyada casriga ah ee la xiriirta Caafimaadka, taas oo kor u sii qaadi karta awooda adeegyada Caafimaaadka ee bulshada. 

Wafdiga ayaa ka kooban 2 qeybood oo kala ah qeybta Iskaashiga hawlaha Tallaalka COVID-19 (COVID-19 Vaccine Delivery Partnership) iyo Xarunta WHO ee hal-abuurka (Innovation Hub).

Khubarada wafdiga la socotay ayaa boooqday Shaybaarka dhexe ee qaranka, Isbitaalka DeMartini iyo Xarunta Caafimaadka ee Dagmada Wabari halkaasi oo ay ugu kuur galayeen qaabka adeegyada Caafimaadka ay usocdaan iyo Caqabadaha jira ee u baahan in lawada wajaho xiligaan. 

Wafidiga ayaa kulamo shaqo oo gaar gaar ah laqaadanaya qeyba kamida Wasaaradda gaar ahaan qeybta Tallaalka Guud iyo Shaybaarka Qaranka, waxeyna diirada saari doonaan arimaha la xiriira sidii looga faa’iidaysan lahaa Isticmaalka hananaka tamarta waarta ee laga dhaliyo soolarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*