Waxay noqotay gabadhi ugu horreysay oo dhakhtar ka noqoto qoys seddex jiil qaxooti soo ahaa

Waxay noqotay gabadhi ugu horreysay oo dhakhtar ka noqoto qoys seddex jiil qaxooti soo ahaa

“Gabdha badan oo bulshadayada ka tirsan waxaa dhiirragelisay guusheyda. Ilmaha yaryar marka ay yimaaddaan goobteyda shaqada waxay yirahdaan waxaan dooneynaa inaa kuugu dayanno dhakhtarna aan noqonno,” ayey tiri Dr Saliima Raxmaan.

Saliima waxay asal ahaan ka soo jeedda dalka Afghanistaan waxayna ku dhalatay xera qoxooti oo ku yaalla dalka Pakistan. Waxayna halgan iyo dadaal dheeraad ahba ay u gashay sidi ay ugu biiri lahayd kulliyadda keli ah ee caafimaadka lagu barto ee xeradaasi ku yaalla si ay u noqoto dhakhtaraddi ugu horreysay oo bulshada ama qowmiyadda Turkmen ka soo jeedo.

Sida oo kale 2012-ki waxay ku guuleysatay abaalmarinta qaaradda Asiya ee ay UNCR bixis

Warbixin ay qaramada midoobay soo saartay oo ay ugu tala gashay maalinta qaxootiga adduunka oo ku beegan 20 June waxaa lagu sheegay dadka la midka ah Saliima oo guriyahooda ka soo barakacay iney 100 malyan kor u dhaafeen. 10% dadkaasina ay yihiin dad ku barakacay dagaalka Ukraine.

Dabayqaadi 2021-kii dad ka badan 27 malyan oo qaxooti ah ayaa dalal kala duwan gaaray.

Dadka Saliima la midka ah, qaxootigaasi intooda badan waxaa marti geliyey waddamada soo koraya. Dalal uu ka mid yahay Pakistan weli ma saxiixin heshiisyada caalamiga ah ee qaxootiga.

Dad seddex jiil qaxooti ah

“Anigu waxaan ka mid ahay dadka seddex jil qaxooti soo ahaa…waxaa soo marnay caqabado aad u badan, ayey tiri dhakhtaradda 29 jirka ah.

Qaxootiga Afghaanistaan ee ku jira xeroyinka qaxootiga Pakistaan
Qoraalka sawirka,Saliima waxay ku dhalatay xera qaxooti oo ku taalla Pakistan oo aan laheen adeegyada ay ka mid yihiin biyaha iyo korontada

Saliima awoowgeed labaad wuxuu ka soo cararay dagaal sokeeye oo ka dhacay Turkmenistan muddo hadda laga joogo hal qarni wuxuuna degay gobolka Jowzjan ee dalka Afghanistaan.

Kaddib marki ay Midowgii Sofiyeeti 1979-kii qabsadeen dalka Afghanistaan wuxuu u qaxay dalka Pakistan, waxayna ku kulmen iskuna guursadeen qoyska Saliima xerada qaxootiga Sawabi oo ku yaalla gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Xeradaasi oo aan eheen mid leh adeegyada aasaasiga sida biyaha, korontada iyo daryeel caafimaad midna.

“Sida ay ii sheegtay haweeney umulisa ah anigu marki aan dhalanayey hooyadey waxaa loo sheegay inaan calooshaeeda ku gudbanaya oo si sax aan u fadhin, dhakhtarki arrintaa wax looga qaban lahaa oo noo jira 70km lacag hooyadey lagu geeyo aabbahey ma heysan oo wey iska joogtay.”

“Qoyskeyga waxay la soo kulmeen dhibaatooyin maskaxeed iyo mid jireed. Waxayna go’aansadeen ilmaha ay dhalan iney dhakhtar ka dhigaan.”

Aniga waan ka duwanahay

Aabbaheed isaga oo ay da’diisu yar tahay ayuu agoon noqday sidaa ayuuna waxbarashada. BAlse wuxuu ku soo fara adeegay sidi uu Saliima waxbarashada uga taageri lahaa.

Sawirka Saliima xilli ay dhiganeysay dugsi hoose
Qoraalka sawirka,Saliima waxay mar soo ahayd gabadha keli ah oo fasalkeeda ku jirtay

Sida la wada ogsoon yahay bulshada Turkmen ee ay Saliima ka soo jeedda waxay caan ku yihiin sameynta roogagga. Gabdhaha intooda badanna waxbarasho looma diro oo shaqooyin ayey qabtaan xataa wiilasha laftooda waxbarashada waa laga joojiyaa.

Saliima da’deedu 3 jir marki ay gaartay ayey waaliddiinteeda xeradi qaxootiga ka baxeen oo ay guri ka kireysteen magaalada Attock oo Islamabad u jirta 80km. Waxbarashadana waxay ka sii wadatay dugsi deegaankaasi ku yaallay.

“Markaa ayaan ogaaday inaan haysto fursad la mid ah kuwa ay haystaan ardayda kale. Maadaamaa noolashi qaxootinimo ee aan soo maray ay ahayd mid aad u adag.”

Haweeney qaxooti reer Afghanistaan ah oo ay iyada iyo gabadheeda roog isla sameynayaan

Fursado dhawr ah

Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Qaxootiga e UNHCR waxay sheegtay 5 qof oo qaxooti ah 2 ka mid ah iney carruur yihiin.

Warbixin 2018-ki ay hay’adaha qaramada midoobay si wada jir ah u soo saareen waxay ku sheegeen kala bar

Inaan Dhakhtar noqdo

Saliima tani iyo yaraanteedi haweenka qaxootiga ayey u raaci jirtay Isbitaallada iyo Xaruumaha kale ee caafimaadka si ay uga tarjumto afka Urdu ee ay ku hadlaan.

Xirfadlayaasha ay la kulantana waxay ugu yeeri jireen Dr Saliimaa maadaamaa ay tahay gabar caafimaadka si weyn ugu xiran.

Magaca looga yeeri jiray carruurnimadeedi ayey ugu dambeynti nasiib u yeelatay in looga yeero maadaamaa ay cagta saartay waddadi ay dhakhtar ku noqon lahayd.

“Marki ay i qaadatay kulliyadda caafimaadka aad ayaan u farxay. Waxaanna garwaqsaday inan cagta saaray waddadi aan riyadeyda iyo riyada waalidkeygaba ku rumeyn lahaa,” ayey tiri

2014-kii ayey dhammeysatay shahaadada digriiga koobaad ee caafimaadka balse sharciga Pakistan ayaa u diiday iney dhakhtarnimo ku shaqeyso.

Mudo dheer marki ay shaqo raadineysay kaddib haddana waxay go’aansatay iney bilaawdo waxbarasho kale oo afar sana ah oo takhasuska cilmiga arrimaha dumarka (Gynacology), waxbarashada marki ay dhameysatayna waxay ka howl gashay Isbitaalka ‘Holy Family’, oo ku yaalla Rawalpindi.

“Waxaan la shaqeeyay koox ka kooban shan dhakhtar, maalmahaa oo mashquul badnaa waxaan kormeeri jirnay dhallaan gaaraya 50 oo ku jira qaybtayada,” ayey tiri Dr Saliima Raxmaan.

SAliima oo haweeney dhiigga ka baareyso

Bukaanki iigu horereyey

Sheekada gabadhan dhalinyarada ah oo Dhakhtaradda ah waxay soo jiidatay hay’adda UNHCR. Waxayna hay’addu laamahadowladda ee ay quseyso ay kala hadleen xuquuqda ay u leedahay iney shaqeysato iney u oggolaadaan.

Ugu dambeyntina 2021-ki ayey dhammeystay waxbarashadeeda takhasuskeeda labaad, kaddibna waxay xaruun iyada u gaar ah ka furatay Attock.

“Qofki ugu horereyey ee aan daweeyey waxay noqotay ayeydeey. Waxayna iigu timid inaan dhiigga ka baaro maadamaa ay dhiig kar leedahay. Runti aad bey iigu faantay.”

“Waxaan doonayaa inaan dadka qaxootiga u adeego. Waxaan dareemayaa xanuunkooda. Waxaanna dareensanahay iney ii bahan yihiin.” ayry tiri Dr Saliima Raxmaan.

Dr SAliim iyo Aabaheed

“How can you justify the killing of Somali Muslims, while you claim to be fighting for Islam?”

Jamal Osman gains exclusive access to Al Shabaab, the terrorist group which rules more than a third of Somalia. He spoke to one of the organisation’s senior leaders.

Shirkii Ceerigaabo oo lagu kala kacay iyo Dhuxulaysatiis ay Isaaqu inoo sheegeen oo waxaan jirin soo saaray.

Dhowaan waxa soo shaac baxay erey qarsoonaa oo ay beesha Isaaq u yaqaaniin kuwa u shaqeeya ee ka soo jeeda beesha Warsangeli , Eraygaas oo ah Dhuxulaysato.

Hoos ka daawo shir ay ka maqan yihiin Suldaan Siciid Cabdisalaam iyo Suldaan Maxamed Cabdulaahi Cartan oo ay Dhuxulaysatadu ka been sheegayaan oo ay ku been abuuranayaan magacooda iyo kan beesha sharafta leh ee Warsangeli

Aragtida Shacabka Jigjiga ee magcaabista ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Aragtida Shacabka Jigjiga ee magcaabista ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka Somaalida Ethiopia ayaa si weyn u soo dhoweeyey magcaabista Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, taas oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay fiidkii u magcaabay in Xamse Cabdi Barre uu noqdo ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

War deg deg ah

Labo wiil oo ka soo jeeda dalka beesha Oramada ee dalka Ethiopia, ayaa ku dhintay degaanada Milxo ee buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag,

Labadan qof ee dhintay iyo qof kale oo dhaawacmay ayaa waxa ku soo dumay God ay ka qodanyeen Dahab ee ku yaala degaanada Milxo, buuraha Calmadow oo ah meelaha Dahabka laga bililiqaysto

DENI ` OO U HAMBALYEEYAY RA’IISAL WASAARAHA CUSUB EE JFS.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Xamze Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya Xildhibaan Xamze Cabdi Barre oo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS”  Ayuu yiri Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa u rajeeyay Ra’iisal Wasaaraha cusub in alle u fududeeyo mas’uuliyadda “Waxaan Ra’iisal Wasaaraha cusub u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday” .

Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee la Magacaabay

Madaxweeyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo ay bishu tahay 15ka Juun u magacaabay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre. Madaxweeynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa waxa horyaal hawlo aad u badan oo ay ugu weeyn tahay soo afjaridda kooxda argaggixisda, dhammeeystirka dastuurka, dhammeeystirka nidaamka cadaaladda iyo maxkamadaha, sidii dalka loogu sammeeyn lahaa lacag guud oo uu dalku yeesho iyo sidii loo soo afjari lahaa hawlgalka AMISOM ama ATMIS.

Dowladda Soomaaliya Oo Warqad Dacwo Ah U Dirtay Dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya Oo Warqad Dacwo Ah U Dirtay Dalka Kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa Kenya ka dalbatay inay sharaxaad ka bixiso sababta maanta falaagada SNM loo siiyay hab-maamuus lamid ah kan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay waxay ugu yeedhay inay Kenya faragalisay madaxbanaanida Soomaliya.

Dawladda Soomaliya warqada ay kenya u qortay ku sheegtay la aqbalin karin in Wasaarada arrimaha dibada Kenya ay Jabhadka SNM matelaya u casuunto si la mid ah Dublamasiyiinta caalamiga ah ee Madaxweyne Uhura Kenyata la kulmay

May be an image of text