Maraykanka oo Taliban ku wareejiyey maxbuus ku xidhnaa Guantanamo Bay

Maraykanka oo Taliban ku wareejiyey maxbuus ku xidhnaa Guantanamo Bay

Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Ururka Taliban ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay ka dhalatay “xidhiidh toos ah” oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Taliban. Maxbuuskan la sii daayey oo haatan ay da’diisu tahay 29 jir ayaa lagu wareejiyey saraakiisha Taliban ee ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, halkaas oo ururka Taliban ay ku leeyihiin xafiis diblomaasiyadeed.

Suhail Shaheen oo ah madaxa xafiiska ururka Taliban ee Doha ayaa VOA u sheegay inay tallaabadan soo dhoweynayaan, isagoo ugu baaqay dawladda Maraykanku inay sii dayso maxbuuska kale ee ku hadhay xabsigaas.

Muhammad Rahim oo ah maxbuuska u dhashay Afghanistan ee xabsigaas ku hadhay ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh aad u dhow la lahaa hoggaamiyihii ururka al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyey kiiska Haaroon inay ka soo baxday inuu u qalmo in laga wareejiyo xabsigaas.

Madaxda Puntland ee Soo socota

Labaddii Ra’isul wasaare ee hore ee Soomaaliya soo maray, ee ku guul daraystay in mid ka mid ah uu madaxweyne Xasan Sheekh u magcaabo mar kale Rai’sulwasaare, dhowaana Xarunta Kenya ee Nairobi kula kulmay hogaamiyaha Xisbiga beesha Garxejis ee cayda Badan Faysal Waraabe ayaa Bulshada Gobolada Sanaag IYO Sool waxay ka sugayeen hadayna horay u aqoon qofka uu yahay Faysal Cali Waraabe inay markay ogaadeen inay raali gelin ka bixiyaan

Intaan la gaarin raali gelintii ay ka bixin lahaayeen Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, fadhigii ay la fariisteen Cunsuriga nacaybka ka dhex wada Soomaali dhexdeeda, ayaa saacado ka dib Faysal Cali Dhurwaa isaga oo aan ka bixin magaalada Nairo, wuxuu bilaabay inuu aflagaadeeyo beeshii Majeerteen ee uu siyaasiyiintooda Kursiga ugu fariistay iyaguna dhinacyada ka fadhiyeen.

May be an image of 11 people, people standing, people sitting, table and indoor

Faysal Shakhsi ahaan iyo beeel ahaanba wuxuu yahay waa yaqaaniin beelaha Sool iyo Sanaag, hase ahaatee waxa nasiib daro ah in siyaasiyiintii magaca Daarood xilalka ku soo qabtay ay maanta iyaga oo ku sugan huteel ku yaal Nairobi ay hoos fariistaan ninkii doonayey inuu Soomaliya iyo Puntland kala qaybiyo, isaga oo doonaya qayb ka mid ah Beelaha Harti inuu hoos geeyo Beesha Isaaq. Horay hadaynu u siganay maanta waa inaynu indhaha kala haynaa oo Siyaasiyiintan Majeerteen ee aan dad iyo degaan dan ka lahayn ee la arko qura Xilliyada doorashada waa aan loo ogolaan in fursad la siiyo

Ugu danbayntii Cabdi weli gaas iyo Cumar Cabdirashiid, waxay u hanqal taagayaan hogaanka Puntland. Ma kula tahay nimanka maanta SNM huteelada kula shiraya inay wax ka bedel doonaan maamulka Puntland. Waxaan xasuusinaynaa ama kula talinaynaa inaan marna la ilaawin sawirkan

Madaxweynaha JFS oo maanta laga helay COVID-19

Madaxweynaha JFS oo maanta laga helay COVID-19

Madaxwaynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta laga helay COVID-19.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.

Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.

Gabar maalin keliya Dahab ka iibsatay miraha yicibta

Gabar maalin keliya Dahab ka iibsatay miraha yicibta

Dalka Soomaaliya waxaa ku yaal dhir dabiici ah oo badan, kuwaas oo laga gurto miro kala duwan oo siyaabo badan loo intifaacsado.

Haddaba BBC-da ayaa deegaanka Qodqod oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan kula kulantay Xaliimo Xaashi Maxamed oo ah hooyo dhowr carruur ah leh oo ku nool daagaankaas.

Xaliimo waxay maalin walba aaddaa bannaanka magaalada oo uu ka baxo geedka Gudda, si ay uga soo gurato miraha geedkaas oo loo yaqaan Yicib ama Jicib.

“Subax Ilaahay keeno yicib ayaan doonan jiray. Anigu hadda waxaan guraayay mirahaas taqriiban saddex sano, waxaana ku guranaayay bahalkaas la yiraahdo koleyga. Marka aan soo gurto waan safarsanaayay,” ayay tiri Xaliimo

Xaliimo waxay gelinka hore ee maalinta ku maqnaataa tuulada bannaankeeda. Duhurka oo qorraxda ay kulushahay ayayna dib ugu soo noqotaa tuulada Qodqod oo ay ku iibiso mirihii Yicibta ee ay soo gurtay.

Xaliimo oo Yicib ka iibineysa qof macmiil u ah
Qoraalka sawirka,Xaliimo oo Yicib ka iibineysa qof macmiil u ah

Waxay saartaa miiska meheraddeeda oo ay ku koonbo-miisto. Laakiin, waxaa jira maalmo ka wax-soo-saar badan maalinta aan waraysiga ka qaadeyno Xaliimo sida ay noo sheegtay.

“Marka ay barwaaqo-sooran carradu tahay waxaan keenaa maalintii ilaa soddon koonbo oo middiiba ay tahay hal doollar, laakiin marka ay miruhu yar yihiin waxaan keena 15,” ayay tiri Xaliimo.

Saddexdii sano ee ay duurka ka soo guraysay miraha geedka Gudda, waxay u ahayd il-dhaqaale, hase ahaatee, waxaa jira maalmo xusuus kule u leh Xaliimo.

“Markaan soo guro miraha waxaan u safrin jiray Guriceel. Markii iigu farxadda badnaydna waxaan guray boqol koonbo oo boqol doollar la iga siiyay, kadibna waxaan siistay Dahab.”

Maalinta aan deegaankeeda ku booqannay waxaan la kulannay dad iibsanaya Yicibta. Waxay nooga warrameen xiisaha ay u qabaan cunisteeda.

“Koobada yarta ah waxaa laga yaabaa in aan daqiiqado ku dhameeyo. Waa nicmo Ilaahay. Marka la cunayo qolofta ayaa laga jebiyaa mar yar oo labo qeybood ah ayaa ka soo baxaysa, taas waaye midda la cuno ee la isticmaalo,” ayuu yiri Cismaan Macallin Maxamuud oo ka mid ah dadka deegaanka Qodqod. Waxaan la kulmay isagoo cunaya yicib uu ka iibsaday Xaliimo.

Muxuu yahay Geedka Gudda?

Geedka Gudda ee laga guro miraha Yicibta ama Jicibta
Qoraalka sawirka,Geedka Gudda ee laga guro miraha Yicibta ama Jicibta

Geedka Guddu sida aad sawirkan uga jeeddo waa geed-mirood aan mitir ka dheereyn oo dhulka ku balawaara, laamihiisuna ay dhulka fadhiyaan oo jiriddiisa ay qariyeen.

Guddu wuxu ka mid yahay dhirta sida dabiiciga ah dhulka uga baxda. Wuxuu ku badan yahay Gobollada dhexe (Mudug, Galguduud iyo Hiiraan). Dadka deegaannadaas waxay sheegeen in uu leeyahay faa’iidooyin kale marka miraha laga tago.

“Geedka Gudda waxa uu faa’iido badan yahay xilliga jiilaalka oo xooluhu ay cunaan. Sababtoo ah isagu waxa uu u adkaystaa abaarta,” ayuu yiri Cismaan Macallin Maxamuud.

Waa macquul in aad mar uun magaalooyinka ku aragtay hilib bisil oo marka lagu soo hordhigo uu laftiisu gaduud ka muuqdo. Waa ariga cuna geedka Gudda ee dhala miraha jicibta.

BBC

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Isu-tagga Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Isu-tagga Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo la wadaagay dadaalka ay Dowladda Soomaaliya galineyso xoojinta xiriirka Imaaraadka, taas oo ka dulqaadaysa caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bangiyada, maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.

“Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada, dal ku galka iyo guud ahaan isu-socdka muwaadiniinta, isla markiiba Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha. Sidoo kale, dhammaan caqabadaha kale ee jira waxaan isku raacnay in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, bangiyada, maalgashiga iyo sharciyada” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyeen xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo sheegay xiriirka labada dal ee xumaaday sanadihii la soo dhaafay in uu saameyn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, waxa ayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha  mudnaanta uu siinayo hagaajinta xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha Jaalliyadda kula dardaarmay xoojinta midnimadooda iyo in ay is-caawiyaan, isla markaana ay si wanaagsan kula noolaadaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka.

Previous Post