Wasiirka Qorshaynta oo kulan la qaatay Wakiilka Heya’adda UNICEF ee Soomaliya

Wasiirka Qorshaynta oo kulan la qaatay Wakiilka Heya’adda UNICEF ee Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa kulan la qaatay Wakiilka UNICEF u qaabilsan Soomaaliya, Wafaa ElFadil Saeed.

Kulanka ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taagerada joogtada ah ay ee Hay’adda la garab taagantahay Soomaaliya iyo derdergalinta falcelinta xaaladaha Beni’aadanimada ee ku aaddan Abaaraha hada ka jira dalka.

Wareysi gaar ah: Ra’iisal Wasaaraha Somalia

Dhinaca kale, dhaarinta ka dib ayaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre waxa uu siiyay VOAda wareysi gaar ah oo ku sheegay inuu soo xulan doono Gole Wasiiro oo tayo leh oo isugu jira rag iyo dumar, isagoo dhinaca kale rajo ka muujiyay in isaga iyo madaxweynaha ay si dhow u wada shaqeeyn doonaan, isla markaana ay helaan hanaan hufan oo ay ku xaliyaan haddiiba ay dhacdo in kala aragti duwanaansho siyaasadeed ay soo kala dhex gasho.

Ra’isul wasaare Xamza Cabdi Barre oo u waramayay Falastiin Axmed Iimaan ayaa ugu horeyn ka hadlaya dareenkiisa ku aadan inuu helay kalsoonida Golaha Shacabka.

Amiir Charles oo “boorso ay ku jirto lacag 1 milyan oo euro ah ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qadar”

Amiir Charles oo “boorso ay ku jirto lacag 1 milyan oo euro ah ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qadar”

Amiirka Wales, Charles, oo ah qofka ugu sokeeya dhaxalka boqortooyada Ingiriiska, ayaa boorso ay ku jirto lacag dhan hal milyan oo euro oo caddaan ah ka qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Qadar, sida lagu sheegay warbixin uu shaaciyay wargayska Sunday Times.

Maqaalka Wargayska ayaa lagu sheegay in lacagtaas ay ka mid ahayd saddex deeq oo uu bixiyay Sheekh Hamad bin Jassim, kuwaasoo isku darkooda uu ahaa saddex milyan oo euro.

Waaxda qaabilsan sharciyeynta ayaa sheegtay in deeqda ka timid Sheekha Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Qadar si deg deg ah loogu gudbiyay mid ka mid ah hay’adaha samafalka ee amiirka.

Waxa ay sidoo kale mas’uuliyiintu sheegeen in lacagtaas la marsiiyay dhammaan waddooyinka sharciga ah.

Ma jiro wax war ah oo sheegaya in lacagtaas ay ahayd mid sharci darro ah.

Sida uu shaaciyay Sunday Times, Amiir Charles ayaa lacagta caddaanka ah saddexda jeerba si shakhsi ah uga guddoomay ra’iisul asaarihii hore ee Qadar, intii u dhaxaysay 2011-kii ilaa 2015-kii.

Prince Charles

Wargayska ayaa sheegay in mid ka mid ah waqtiyada la bixiyay lacagta lagu guddoomay iyadoo ku jirta boorso nooca gacanta lagu qaato ah kaddib markii ay labada dhinac ku shireen Dhismaha Waaxda Sharciyaynta waxyaabaha waddanka gala.

Mar kalena, wargaysku waxa uu sheegay in lacagta ay ku jirtay boorsooyinka alaabta lagu qaato ee uu leeyahay dukaanka lagu magacaabo “Fortnum and Mason”.

Bayaan kasoo baxay xafiiska sharciyeynta ayaa lagu yiri: “Deeqda samafalka ee laga helay Sheekh Hamad bin Jassim waxaa durbadiiba loo sii gudbiyay mid ka mid ah hay’adaha amiirka, kuwaasoo qaaday tallaabooyinkii loo baahnaa, dowladdana u xaqiijiyay in waddadii saxda ahayd loo maray.”

Lacagtan ayaa ku socotay sanduuqa Amiirka Wales ee ujeeddadiisu tahay in sare loogu qaado ama dib loogu dhiso nolosha bulshada.

Prince Charles

Waxyaabaha loo adeegsado waxaa ka mid ah xannaanada duur joogta, waxbarashada iyo horumarinta bulshada.

Mas’uuliyiinta maamula hay’adda ayaa u sheegay wargayska Sunday Times in wakiilladooda ay dhammastireen tallaabooyinka sharciga ah iyo in xisaabiyeyaashooda ay xaqiijiyeen tiradeeda.

Lacagaha loogu deeqo hay’adaha samafalka ee Amiir Charles ayaa il gaar ah lagu hayay bilihii dambe kaddib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira mid ka mid ah lacagahaas loogu ballan qaaday qof u dhashay Sacuudiga oo bixiyaya in la siiyo dhalasho Ingiriis ah.

Booliska Ingiriiska ayaa horaantii sanadkan sheegay in ay baarayaan sheegashooyinka ku saabsan eedeymahaas.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray dhoobley

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray dhoobley

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), ayaa maanta gaaray magaaladda Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo dhawaan golaha wasiirada maamulkaasi ay degmanimo u Aqoonsadeen.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana uu sheegay in uu la kulmi doono dhammaan,qeynaha kala duwan ee bulshada halkaa ku dhaqan.

Waxaan rabaa inay dadka dagan Dhooblay ay Ka tashtaan, Dadka ku nool Degmada iyo deeganada hoos yimaada sidii ay usoo dooran lahayeen dadka maamulaya gaar ahaan golaha deegaanka. Waxaan u fududeeyn doona dhammaan adeegyada muhiimka u ah Degmada iyo deegaanada hoos yimaada.      

Hambalyo 26 June

Karaash oo mmada soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada 26-June.

Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland mudane Ahmed E. Osman Karaash ayaa ummada soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada 26-June.’‘Hambalyo guud ahaan ummada soomaaliyeed meel kasta joogaanba sannad guurada 62-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya 26-June-1960.

Xornimadii gobollada Waqooyi waxay sababtay midowgii 1-July-1960-kii iyo hanashada qaranimo buuxda, waxaan marnaba la ilaawi karin halgamayaashii naftooda usoo huray qaranimada aynu maanta ku naaloonayno’’.

Al Shabaab oo muxaarado u qabatay rakaab saarnaa bas ku wajahnaa Mandheera.

Al Shabaab oo muxaarado u qabatay rakaab saarnaa bas ku wajahnaa Mandheera.

Koox looga shakisan yahay inay Shabaab ka tirsan yihiin ayaa muxaadaro labo saacadood qaadatay u jeediyay dad rakaab ah oo saarnaa bas ku wajahnaa magaalada Mandheera ee gobolka Waqooy Bari Kenya, sida ay ku warrantay qaar kamid ah warbaahinta Kenya oo soo xiganeyso booliska.

Booliska waxay sheegeen in Shabaab si aad ah u hubeysan ay baska shirkadda Al Mukaram ku joojiyeen inta u dhexeysa deegaanada Dabacity iyo Dimu hill isla markaana ku amray rakaabka inay baska kasoo deggaan.

Waxay ‘muddo labo saacadood ka badan baska ka dhex raadinayeen dadka aan kasoo jeedin gobolkaas’. Sida uu ku warramay wargeyska The Daily Nation.

Wargeyska ayaa sidoo kale ku warramay in kooxdii joojisay baska ay labo qeybood isku kala qeybiyeen qaarkood waxay Af Soomaali ugu muxaadareeyeen rakaabka halka qaarkooda ay duurka galeen si ay isku ilaaliyaan.

Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad ah ku siiyey kalsoonida Ra’iisil Wasaare Xamse

Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad ah ku siiyey kalsoonida Ra’iisil Wasaare Xamse

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goordhow si aqlabiyad leh u ansixiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ka codsaday inay kalsoonida siiyaan, si uu guda-galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

220 oo soo xaadirtay Kulanka ayaa dhammaan ay gacanta ugu coddeeyeen Ra’iisul Wasaare Xamse, ma jirto cid diiday ama ka aamustay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf ayaa goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub oo noqday kii 21-aad uu dalkan yeesho.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa haatan laga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka, si ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub.