Madaxweyne Ku xigeenka dawladda Puntland mudane Ahmed E. Osman Karaash ayaa maanta Isbitaalka Qaran ku booqday Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo maalmahan ku xanuunsanaa Garoowe.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee garaadka iyo adeegyada uu u baahan yahay ka dhegaystay dhakhaatiirta gacanta ku haysa, isaga oo uga mahadceliyey kulana dar-daarmay inay dedaal dheeri ah sameeyaan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ASW uga baryey garaadka inuu caafimaad Sareeca siiyo.
Waa sidee xaaladda abaarta ka taagan deegaanada Puntland? Weriye Maxamed Xassan Dhalo ayaa u safray gobolo kala duwan oo Puntland ka tirsan waxaa uu ka sheekeynayaa waxa uu halkaasi ku soo arkay.
Bahd Allsanaag waxay tacsi tiiraanyo uga dirayaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyskeediib geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariisto Fannnaanadii Caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige, oo caawa Hargeysa ku geeriyooday.
Weli waxaa dhegahayga ka guuxaya afgobaadsiga la isku badhxayo qof u soo halgamay gobonimada Somaaliland iyo mid ka soo horjeeday oo lagu ogaa in uu u adeegayay saancadka. Mar kastoo la xusayo 26ka June, xagga iyo xaggaaba, waxaa lagu caweeyaa dhalanteed iyo afgobaadsi lagu awdayo xaqqa, laguna daboolayo “RUNTA´´.
Xaasha! halka ku ma soo xiganayo gabayyadii Sayidka ee ka marag kacayay “Runta´´ annigoo u tudhaya kuwii ka qaday halganka. Balse, si asluubaysan aan ugu saxo taariikhda dhabta ah.
Somaalida Waqooyi ama Maxmiyaddii Hingiriis ee Biritish Somaliland xor ma ahaateen haddii aanay ahayn Halgankii dheeraa ee Daraawiish oo ka soo curtay Gobolka iyo Qoomiyadda Sool.
Sidoo kale, Suldaan Maxamuud Cali Shire isagoo ku soo kacaamay Xarunta Daraawiish, waxaa uu sii horriyay dogobyadii xornimo u dirirka, weliba, xilli uu aad u dhaliilayay Taliska Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Haseyeeshee, labade halgame, Sayidka iyo Suldaanku, waxaa ay ka mideysnaayeen Dirirta dalka lagaga kicinayo Saancadka.
Sidaa ayaa Suldaanku ku mutaystay masaafuris iyo in loo taxaabo dal shisheeye {Seychelles}. Si loo wiiqo halganka waxaa Suldaanka lagu xukumay 2 sannadood oo xadhig adag ah. Hase ahaatee, waxaa uu xabsiga ku sii negaaday 8 sannadood, ka dib markii la bakhtiin kari waayay dabkii halganka ee uu ka oogay Sanaag.
Sooyaalka Gumaysiga iyo qormooyinka Hingiriis waxaa ku xardhan ciddii u adeegtay saancadka iyo ciddii la dirirtay oo ummadda ka tuurtay heeryadiisii. Haddaba, wax cusub ma aha, amaanta nin la raran jiray iyo duudsiga halgamaa xornimada naftiisa u soo hurey. Waxaa hubaal ah, marka uu damiirku soo baraarugo, shacabkana, intiisa badan, indhuhu u dillaacaan, ummaddu waxaa ay qiimayn doonto raggii uu Libtooda qarin kari waayay Hingiriisku.
Baabacaduna ma qarin karto iftiinka Qorraxda ee boqolaalka sananadood ka nuuraysa SOOL iyo SANAAG.Xassan Ina Cumar Hoorri
Madaxweynaha Jubbaland Oo La Kulmay Wakiilada Hay’adaha Ka Howlgala
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaam, ayaa la kulmay wakiilada hay’adaha kala duwan ee ka howlagala deegaanada
Ujeedka kulanka daarnaa
“Kulankan waxaa diiradda lagu saarayey sidii hay’adaha ka howlagala guud ahaan Jubbaland ay gacan oga geysan lahaayeen taakuleeynta dadka ay abaaruhu saameeyeen, ee kunool deegaanada Jubbaland, iyadoo oo la faray hay’adaha in Degmooyinka cusub ee Jubbaland, kusoo kordhay sida Buurdhuubo iyo Dhoobley ay gaarsiiyaan mashariicyada hormarineeyd iyo adeegyada aas aasiga ah”. Ayuu yiri Madxweynaha.
” muhiimada ugu weyn ee kulanka maanta uu yahay sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa dhallinyarada wax ku baratay gudaha Jubbaland, marka ay timaado shaqaalaysiinta”. Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Wakiilada hay’adaha ayaa soo gudbiyey qorshayaal lagu caawin karo dadka ku barakay gudaha deegaanada Jubbaland, iyagoo sheegay in ay door weyn ay ka qaadan doonaan siddii fursadaha shaqo ee jiro looga fa’iideeyn lahaa dhallinyarada wax ku baratay deegaanada Jubbaland.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gen. Yuusuf Xasan Cusmaan Dhuumaal, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyaynta Ingineer Ismaciil Axmed Garas, iyo Gudoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xasan
Ilaa 124 neef oo geel dool ahaa ayaa ku dhintay duleedka magaalada Jigjiga kadib markii uu daaqay sida la sheegay geedo sun ah oo uu ku kusumoobay. Koox caafimaad oo loo diray goobta ayaa sheegay in uu geelu cunay geedo sun ah oo uu daaqay oo keenay in geelu uu dhinto. Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan in aysan tani soo laaban, oo ay dowladda dhexe la kaashan doonaan in arrintan wax laga qabto.
Ilhaan ayaa u muuqatay inay soo jeedineysa in dhinaca qalalaasaha hubka ay Minneapolis ku liidato marka lala barbardhigo xeryada Dhadhaab.
“Muddo lix sano ah waxaan nasiib u yeeshay in aanan arkin wax qalalaase ah ilaa inta aan usoo guurayay Minnesota,” ayay tiri Ilhaan.
Hase yeeshee markii ay tagtay Mareykanka ayay, sida ay sheegtay, la kulantay dhacdooyin argagax leh.
‘Waxaan daawanahay nin Soomaali ah oo lagu dhuftay 38 rasaas ah’
Iyadoo ku cusub Mareykanka ayay goob joog u noqotay dhowr dhacdo oo dhiig ku daatay.
Waxay dib usoo gocatay mid ka mid ah falalkaas oo ay booliska ku toogteen nin Soomaali ah.
“Sanadkaygii ugu horreeyay ee aan Mareykanka joogay waxaan arkay qof lagu toogtay Peavey Park, oo isla goobta ku geeriyooday, xilligaas oo ahayd saddex isbuuc kaddib markii aan aniga iyo aabbeheey imaannay Minneapolis.
“Lix bilood kaddib waxaan goob joog u ahaa oo aan daawaday booliska Minneapolis oo 38 xabadood ku dhufanaya jirka nin Soomaali soo galooti ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, kaasoo aan ku hadli karin luuqadda Ingiriiska,” ayay tiri.
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ka sheekeysay in markii ay Soomaaliya kasoo qaxayeen qoyskeeda ka hor ay arki jirtay carruur iskuulka la dhiganaysay oo goobta waxbarashada la aadi jiray hubka.
Xilligaas waxay ahayd markii uu billowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.
“Waan garanayaa sida uu u eg yahay qalalaasaha noocaas ah ee hubka, balse waxaan nasiib igu filan u lahaa inaan soo qaxo oo aan magangalyo ka helo xero qaxooti, halkaas oo aan ku noolaa afar sano anigoo aan ku arkin wax qalalaase ah.”
Dhowr sano oo ay xeryaha qaxootiga ee Kenya ku qaadatay kaddib, Ilhaan waxa ay sanadkii 1995-kii tagtay Mareykanka, waxaana laga qaabilay gobolka New York. Da’deedu markaas waxay ahayd 12 sano.
Siduu u dhacay dilka ninka Soomaaliga ah?
Toogashada labaad ee ay Ilhaan ka sheekeysay waa dhacdadii uu ku dhintay Abuu Qaasim Jeylaani oo ahaa 28 jir, kaasoo ay booliska dileen sanadkii 2002-dii.
Waxaa la toogtay isagoo wata baangad.
Dda goob joogeyaal ah ayaa sheegay in marka Jeylaani rasaasta lagu furayay uu ku qaylinayay “Allahu Akbar, Allahu Akbar”, sida uu qoray wargayska Daily Mail oo kasoo baxa UK.
Waxa uu dhagaha ka furaystay hadalladii ay booliska uga dalbanayeen in uu baagadda iska dhigo.
Muddooyinkii dmabe waxaa dalka Mareykanka si xoog leh uga taagnayd dood ku saabsan in la xakameeyo isticmaalka hubka kaddib markii ay dhaceen toogashooyin isdaba joog ahaa oo lagu dilay dad ay ku jiraan carruur iskuul lagu weeraray.
Xildhibaannada Aqalka Senate-ka ee gobolka New York ayaa hadda ansixiyay sharci cusub oo mamnuucaya in hubka aan loo jeedin ee darka hoostooda kagu qarsado lala galo goobaha xasaasiga ah.
Meelahaas waxaa ka mid ah dhismeyaasha dowladda, xarumaha laga raaco gaadiidka dadweynaha, goobaha waxbarashada iyo sidoo kale fagaaraha Times Square.
Ilhaan Cumar, oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa ka qayb gashay shir ay bulshada ka yeesheen arrimaha qalalaasaha hubka, waxa ayna isbarbardhig ku samaysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo magaalada Minneasopolis.

Maamulka ISAAQLAND, ayaa ka carooday Hay’adda caafimaadka aduunka oo maamulkaas u sheegay ” waxba laydiin soo marin maayo gobolada Sanaag iyo Sool oo ay horay uga cunaqabatayn jireen kaalmada ay magacooda ku soo helaan.
Ha’adda Caafimaadka aduunka ()WHO) waa uga mahad celinaynaa caddaladda ay ugu adeegayso umadda Soomaaliyeed, waana soo dhoweynaynaa inay Gobolada Sanaag iyo Sool ay saamigooda maamulka Puntland u soo mariyaan
Wuxuu u sheegay laanta BBcda ee afka Yoroba inuu hadda kaligiis uu caruurta ku korsado degaanka Ado-odo ee gobolka Ogun oo xaaskiisu ka tagtay sanado ka hor ka dib markii waalidkeed ay ka yaabeen mataanahan tirada badan ee ay dhalayso.
” Weligay waxaan ku ducaysanayo aabonimo ilaa caruurnimadaydii, Allah ayaan u mahad celiyey . Xaaskayga ayaan xabad xabadka isa saarnay oo aan u hanbalyeeyey
Beesha Yoruba , ee degta galbeedka Nigeriya, waa mid ka mid ah kuwa caalamka ay ugu tirada badan yihiin dhalashada mataanaha
Sababta aan aan u dhalay mataano badan waa mucjiso ii gaar ah , isaga oo raaciyey inaanu cunin cunto aan caadi ahayn iyo wax ka duwan wax ay dadku sameeyaan
Inkastoo ay dhib ka haysato dhaqaalaha uuna ku daalay caruurta badan uu korinayo, wuxuu jecel yahy in caruur kale helo meeshana kama saarin inuu mar danbe guursanayo
“Caruurtu waa nimco Allah kuugu deeqo” ayuu sii raaciyey