29th March 2024  admin  Category :

*XUSKA 26ka June, Maxaa ka Dhab ah?*

Weli waxaa dhegahayga ka guuxaya afgobaadsiga la isku badhxayo qof u soo halgamay gobonimada Somaaliland iyo mid ka soo horjeeday oo lagu ogaa in uu u adeegayay saancadka. Mar kastoo la xusayo 26ka June, xagga iyo xaggaaba, waxaa lagu caweeyaa dhalanteed iyo afgobaadsi lagu awdayo xaqqa, laguna daboolayo “RUNTA´´.

Xaasha! halka ku ma soo xiganayo gabayyadii Sayidka ee ka marag kacayay “Runta´´ annigoo u tudhaya kuwii ka qaday halganka. Balse, si asluubaysan aan ugu saxo taariikhda dhabta ah.

Somaalida Waqooyi ama Maxmiyaddii Hingiriis ee Biritish Somaliland xor ma ahaateen haddii aanay ahayn Halgankii dheeraa ee Daraawiish oo ka soo curtay Gobolka iyo Qoomiyadda Sool.

Sidoo kale, Suldaan Maxamuud Cali Shire isagoo ku soo kacaamay Xarunta Daraawiish, waxaa uu sii horriyay dogobyadii xornimo u dirirka, weliba, xilli uu aad u dhaliilayay Taliska Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Haseyeeshee, labade halgame, Sayidka iyo Suldaanku, waxaa ay ka mideysnaayeen Dirirta dalka lagaga kicinayo Saancadka.

Sidaa ayaa Suldaanku ku mutaystay masaafuris iyo in loo taxaabo dal shisheeye {Seychelles}. Si loo wiiqo halganka waxaa Suldaanka lagu xukumay 2 sannadood oo xadhig adag ah. Hase ahaatee, waxaa uu xabsiga ku sii negaaday 8 sannadood, ka dib markii la bakhtiin kari waayay dabkii halganka ee uu ka oogay Sanaag.

Sooyaalka Gumaysiga iyo qormooyinka Hingiriis waxaa ku xardhan ciddii u adeegtay saancadka iyo ciddii la dirirtay oo ummadda ka tuurtay heeryadiisii. Haddaba, wax cusub ma aha, amaanta nin la raran jiray iyo duudsiga halgamaa xornimada naftiisa u soo hurey. Waxaa hubaal ah, marka uu damiirku soo baraarugo, shacabkana, intiisa badan, indhuhu u dillaacaan, ummaddu waxaa ay qiimayn doonto raggii uu Libtooda qarin kari waayay Hingiriisku.

Baabacaduna ma qarin karto iftiinka Qorraxda ee boqolaalka sananadood ka nuuraysa SOOL iyo SANAAG.Xassan Ina Cumar Hoorri

May be an image of 11 people and text

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*