26th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jubbaland Oo La Kulmay Wakiilada Hay’adaha Ka Howlgala 

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaam, ayaa la kulmay wakiilada hay’adaha kala duwan ee ka howlagala deegaanada

Ujeedka kulanka daarnaa

“Kulankan waxaa diiradda lagu saarayey sidii hay’adaha ka howlagala guud ahaan Jubbaland ay gacan oga geysan lahaayeen taakuleeynta dadka ay abaaruhu saameeyeen, ee kunool deegaanada Jubbaland, iyadoo oo la faray hay’adaha in Degmooyinka cusub ee Jubbaland, kusoo kordhay sida Buurdhuubo iyo Dhoobley ay gaarsiiyaan mashariicyada hormarineeyd iyo adeegyada aas aasiga ah”. Ayuu yiri Madxweynaha.

” muhiimada ugu weyn ee kulanka maanta uu yahay sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa dhallinyarada wax ku baratay gudaha Jubbaland, marka ay timaado shaqaalaysiinta”. Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Wakiilada hay’adaha ayaa soo gudbiyey qorshayaal lagu caawin karo dadka ku barakay gudaha deegaanada Jubbaland, iyagoo sheegay in ay door weyn ay ka qaadan doonaan siddii fursadaha shaqo ee jiro looga fa’iideeyn lahaa dhallinyarada wax ku baratay deegaanada Jubbaland.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gen. Yuusuf Xasan Cusmaan Dhuumaal, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyaynta Ingineer Ismaciil Axmed Garas, iyo Gudoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xasan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*