18th April 2024  admin  Category :

Markii kowaad Mataano ayeey dhashay, markii labaad sidoo kale, markii sadexaad waa mataano kale, markii afraad waa mataano iyo markii shanaad oo mtaano ah

Ayopo Ogunleye, shan jeer oo xaaskiisu mataano umushay, ayaa hadda caan ka noqday dalka Nigeriya.

Wuxuu u sheegay laanta BBcda ee afka Yoroba inuu hadda kaligiis uu caruurta ku korsado degaanka Ado-odo ee gobolka Ogun oo xaaskiisu ka tagtay sanado ka hor ka dib markii waalidkeed ay ka yaabeen mataanahan tirada badan ee ay dhalayso.

Hadda oo da’diisu tahay 40, wuxuu korinayaa todoba Caruur ah oo mataanihii ugu horeeyey yaraan ayeey ku dhinteen iyo wiil ka mid ahaa mataanihii ugu danbeeyey oo isaguna dhintay

Ogunleye wuxuu sheegay inaanu filayn mataano markii ugu horaysay oo ay xaaskiisu ka qarisay oo uu yaabay markii Cisbitaalka laga soo wacay

‘Markii lay sheegay inay xaaskaygu umushay , waxaan waydiiyey wiil iyo gabar kuu yahay , waxay igu yiraahdeen mataano.

Taasi waxay ahayd riyadayddii oo run noqotay

” Weligay waxaan ku ducaysanayo aabonimo ilaa caruurnimadaydii, Allah ayaan u mahad celiyey . Xaaskayga ayaan xabad xabadka isa saarnay oo aan u hanbalyeeyey

Beesha Yoruba , ee degta galbeedka Nigeriya, waa mid ka mid ah kuwa caalamka ay ugu tirada badan yihiin dhalashada mataanaha

Mataanaha waxa loogu yeedhaa “Ibeji” dhaqan ahaanse waxay aaminsan yihiin ilmo qura oo dhasha – loona yaqaan ” Idowu”

Laakiin Mr Ogunleye wuxuu yidhi mar kasta oo xaaaskiisu uur qaado, waxay dhalaysay mataano

“Uur kii labaad mataano, kii sadexaad mataano, kii afraad mataano iyo kii shanaad oo mataano noqday’ ayuu sheegay.

Sababta aan aan u dhalay mataano badan waa mucjiso ii gaar ah , isaga oo raaciyey inaanu cunin cunto aan caadi ahayn iyo wax ka duwan wax ay dadku sameeyaan

Inkastoo ay dhib ka haysato dhaqaalaha uuna ku daalay caruurta badan uu korinayo, wuxuu jecel yahy in caruur kale helo meeshana kama saarin inuu mar danbe guursanayo

“Caruurtu waa nimco Allah kuugu deeqo” ayuu sii raaciyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*