“Waxaan leeyahay Shacabka Puntland iyo dadka Soomaaliyeed waa in la taageeraa aaya ka talinta Reer Laascaanood” Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin.

“Waxaan leeyahay Shacabka Puntland iyo dadka Soomaaliyeed waa in la taageeraa aaya ka talinta Reer Laascaanood” Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin.
Safaaradda Mareykanka oo war ka soo saartay rabshadaha ka socda Laascaanood
Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa war kooban ka soo saartay bannaanbaxyada rabshadaha wata ee maalmihii ugu dambeysay ka socday Magaalada Laascaanood.
“Wararka ku saabsan rabshadaha Laascaanood, waxaan codkeena ku biirinaynaa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo.” Ayaa lagu sheegay warka Safaaradda Mareykanka.
Warka ayaa lagu yiri “Nabadda iyo kala dambaynta waa in la ilaaliyo, lagana dhowrsado dagaal lagu waxyeeleynayo shacabka iyo burburinta hantida.
”Bannaanbaxyada 4-tii maalmood ee ugu dambeysay ka socday Magaalada Laascaanood ayaa yimid, ka dib dilkii habeenkii Isniinta magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka
Ingiriiska oo walaac ka muujiyay xiisadda ka taagan Laascaanood
Safiirka Dowladda Ingiriiska ee dalka, Kate Foster ayaa walaac ka muujisay xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyadoona dhinacyada ugu baaqday inaanay xaaladda kaga sii darin.
“Waxaan ka walaacsanahay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Laascaanood, oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.” Ayay tiri Kate Foster.
Kate Foster ayaa Twitter-keeda ku sheegtay “Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan dhinacyada in ay is dejiyaan, lagana fogaado khasaare kale, si nabad ahna lagu xaliyo arrinta.
“Dhanka kale Xarunta Xuquuqul Insaanka Madaxabannaan ee Somaliland ayaa cambaareysay in hub loo adeegsado dadka rayidka ee bannaanbaxyada ka wada Magaalada Laascaanood.
Xarunta ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku dalbatay in baaritaan lagu sameeyo gacanta adag, ee ay ciidamadu ku wajahayaan dadka shacabka ee ka gadoodsan dilalka ku soo noqnoqday magaaladaasi.Xarunta ayaa ku baaqday in la xushmeeyo xaqa bannaanbaxayaasha iyo codkooda, sida uu dastuurka siinayo.
Bannaanbaxyada shantii maalmood ee ugu dambeysay ka socday Magaalada Laascaanood ayaa ka dambeeyay, ka dib dilkii habeenkii Isniinta magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka.
Beelaha Daarood ee Jubbaland oo si adag uga hadlay xaaladda Laascaanood
Wiil yar oo aan qaan gaarin, kana soo jeeda beesha Warsangeli ayaa beesha Isaaq si qorshaysan u afduubteen iyaga oo ay ka tahay daandaansi iyo inay khal khal siyaasadeed ka bilaabaan guud ahaan Waqooyiga Soomaaliya, si alshabaabka Koonfurta ka soo cararaya ay fursad ay buuraha Calmadow ku galaan u helaan,
Wiilkan oo sida aad hoos ku arki doontaan aabihiis ay horay u dileen maleeshiyadka ka amar qaata maamulka Hargaysa, ayaa waxa magaalada Bosaaso ka kaxeeyey markii aabihiis la dilay abtigiis oo ka soo jeeda Beesha Dhulbahante, wuxuuna kula noolaa magaalada Ceerigaabo, Waqti yar oo kooban ayuu Laascaanood aaday.
Maamulka SNM, iyaga oo umadda marin habaabinaya, oo ka dhigaya in Laascaanood ay Beesha Daarod isku dilayaan ayeey dilalkii Laascaanood ka dhacayey waxay u afduubteen Wiilkan yar, iyaga o leh isagaa dadaka laynayey 0ct, 2007 ilaa shalaysto.
Cunugan yar ee aan gaarin, si uu u qirto denbiyaddii Laascaanod ka dhacay waxa lagu sameeyey ciqaab xun, jir dil, ehel cay iyo Koronto lagu dhejiyey si ay ehelkiisu sheegeen
Allah ha u wada naxariistee , Waa dadkii ay laayeen Alshabaabka ay SNM tababarto oo wiilkan yari aabihiis ka mid yahay
Taliye ku xigenkii ciidanka Booliiska Puntland Gaashaanle sare Jaamac Saxardiid.
Taliyihii Saldhiga booliiska Biyo kulule ee magaalada Boosaso Axmed Xasan Xaaji Dhoonge Waxa lala dilay walaalihiis Axmed caalim iyo Cali Nirig, intuba waxay la dhasheen Cabdi Jamaal,. Waxa la dilay Cabdi Jamaal wiilkiisii., oo horay adeeradiis loo dilay.
Cabdi jamaal dhowr mar ayuu bad baaday, waxa kale oo la dilay Saalaxo Sool, Adan Jaamac Soolo, Waxa lala dilayCali diib Gurxan, Minjir Xuseen Gurxan, Faysal Cakaal, Ciga dheere, Bucurde Jaamac Gaab, naba doon Xasan Gurxan, fuaad Qoryood, Halab Axmed Jaamac.Intaas qof oo dhiigooda lagu daadiyey gobolka Bari, waxa dilay Alshabaab ka amar qaata maamulka Hargaysa
Maan Duuli Waayin. Mana Diriri Waayin
Waxgaradka iyo Dhaqanka Waqooyiga Galgaduud oo ka hadlay Xaalada Laascaanood ayaa baaq Udirey Xukuumada somaliland kana Tacsiyeeyey Dadkii ku dhintay laascaanood.
Isimada beelaha Harti oo si adag uga hadlay xasuuqa ka soda gobolka Sool
Guutooyinka ka tirsan ciidanka difaaca Dawladda Puntland oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa u ambabaxay deegaano ka tirsan gobolkaas oo ay kamid tahay magaalada Laascaanood