16th April 2024  admin  Category :

Safaaradda Mareykanka oo war ka soo saartay rabshadaha ka socda Laascaanood

Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa war kooban ka soo saartay bannaanbaxyada rabshadaha wata ee maalmihii ugu dambeysay ka socday Magaalada Laascaanood.

“Wararka ku saabsan rabshadaha Laascaanood, waxaan codkeena ku biirinaynaa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo.” Ayaa lagu sheegay warka Safaaradda Mareykanka.

Warka ayaa lagu yiri “Nabadda iyo kala dambaynta waa in la ilaaliyo, lagana dhowrsado dagaal lagu waxyeeleynayo shacabka iyo burburinta hantida.

”Bannaanbaxyada 4-tii maalmood ee ugu dambeysay ka socday Magaalada Laascaanood ayaa yimid, ka dib dilkii habeenkii Isniinta magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*