18th April 2024  admin  Category :

Ingiriiska oo walaac ka muujiyay xiisadda ka taagan Laascaanood

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee dalka, Kate Foster ayaa walaac ka muujisay xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyadoona dhinacyada ugu baaqday inaanay xaaladda kaga sii darin.

“Waxaan ka walaacsanahay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Laascaanood, oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.” Ayay tiri Kate Foster.

Kate Foster ayaa Twitter-keeda ku sheegtay “Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan dhinacyada in ay is dejiyaan, lagana fogaado khasaare kale, si nabad ahna lagu xaliyo arrinta.

“Dhanka kale Xarunta Xuquuqul Insaanka Madaxabannaan ee Somaliland ayaa cambaareysay in hub loo adeegsado dadka rayidka ee bannaanbaxyada ka wada Magaalada Laascaanood.

Xarunta ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku dalbatay in baaritaan lagu sameeyo gacanta adag, ee ay ciidamadu ku wajahayaan dadka shacabka ee ka gadoodsan dilalka ku soo noqnoqday magaaladaasi.Xarunta ayaa ku baaqday in la xushmeeyo xaqa bannaanbaxayaasha iyo codkooda, sida uu dastuurka siinayo.

Bannaanbaxyada shantii maalmood ee ugu dambeysay ka socday Magaalada Laascaanood ayaa ka dambeeyay, ka dib dilkii habeenkii Isniinta magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*