Horgale Mahad Canbashe “Waa nin aan aqoon maadi lahayn, oo mid diineed lahayn” W/Q. Faarah jibaar.

Horgale Mahad Canbashe “Waa nin aan aqoon maadi lahayn, oo mid diineed lahayn”

Mahad Cambaashe wuxuu u hadal eg yahay janaraalkii uu Hitler kaga tegey Baarliin markii hareeraha laga soo fadhiistay ee lagu magacaabi jiray Helmuth Otto Ludwig Weidling, kaas oo reer Baarliin ku yidhi “Hitler wuu nool yahay saakana waanu wada qurraacanay!

”Waan wada dhegeystey hadalkiisa, waxaan ku qiimeeyey sidii hore ee aan moodayey si ka duwan. Waa nin aan aqoon maadi lahayn, oo mid diineed lahayn, oo aan akadeemik ahayn, oo aan aftahan ahayn, oo aan fariid ahayd, oo aanu xiskiisu joogin, aan xitaa lahayn caqli uu ugu tacsiyadeeyo dadkii dhintay.

Waxaa jirta maahmaah ah -from Butcher to colonel is a very high jump, I was shepherd owner.Waxaan soo xusuustay mar uu Muuse Yalaxow hub uu tijaabinayey ay Kaaraan dad badan laysay, oo markii ay BBC weydiisay wixii dhacay uu ugu jawaabay: Arey BBC xaad beenta ku fashaan dad maa ku dhintay 10 qof aa ku dhintaye.

”Wixii xasuuq magaalada ka dhacay wuxuu sheegay inaanay waxba ka jirin, wixii dad magaaladu madaxa loo soo duubtayna inuu Dhulbahante dhexdiisa iska laayey. Dunida shaqsiyaadka noocan kale ah waa la iska qabtaa laakiin waxaa u daran dad gobonimo doon oo haddana aan ku dhici karin kuwa mar walba qaxabada ku ah halgankooda. Maaha in talaabo laga qaado horgalahan uun ee waa in talaabo laga qaado dhammantood.

Waxaan idin ku boorinayaa inaan laga biqin hadalka horgalan waayo wuxuu ogyahay dhagarta ui goboladiisa ka galay inaan lagu cafinayn. Gobolada SSC dhammaantood waa gobolo ay degan yihiin dad walaalo ahi, gobolka uma suntana dad gooniya.

W/Q. Faarah jibaar.

ALLSANAAG.COM

Nin xaaskiisa oo furriin ka dalbatay darteed u laayey qoyskiisa oo dhan

Nin xaaskiisa oo furriin ka dalbatay darteed u laayey qoyskiisa oo dhan

Booliska dalka Mareykanka ayaa sheegay nin 42 jir ah oo ku noolaa gobolka Utah ee dalka Mareykanka xaaskiisa oo furriin ka dalbatay darteed inuu u dilay 7 qof oo qoyskiisa ka wada tirsan ka hor inta uu isagu isdilin.

Meydka 8-dda qof ayaa Arbacadi laga helay guri ku yaalla miyiga magaalada Enoch xilli la sameeynayey baaritaan ku aaddan  badqabka guriyaha.

Boolisku waxay sheegeen dadka uu ninkaasi dilay iney isugu jiraan xaaskiisa furriinka ka dalbatay, 5 carruur ah uu isagu dhalay iyo hooyadii dhashay xaaskiisa.

Maamulaha magaaladaasi Rob Dotson wuxuu sheegay 8,000 oo qof oo magaaladaasi ku nool iney falkaasi la argagaxeen.

Shir jaraa’id oo maalinti shalay ahayd ay si wadajir ah u qabteen maamulka magaladaasi waxay ku sheegeen ninka wax dilay oo lagu magacaabo Michel Height da’diisuna tahay 42 jir oo ka shaqeeya shirkad ceymis wuxuu marka hore rasaas ku furay xaaskiisa Tausha oo 40 jir ah, hooyadi dhashay xaaskiisa oo lagu magacaabo Gail Earl oo 78 jir ah iyo 5 carrruur ah uu isagu dhalay ka hor inta uu gacantiisaka isku dilin.

Dad murugeysan

Shanta carruurta uu ninkaasi dilay oo aan magacdooda la shaacin ayaa isugu jira 3 gabdhood oo ay da’doodu tahay 17, 12 iyo 7 jir iyo laba wiil oo ay da’doodu tahay 7 jir iyo 4 jir.

Maamulaha magaalada Enoch Rob Dotson wuxuu sheegay meydka dadkaasi la laayey iney boolisku heleen maalinti arbacada oo ay saacaddu ahayd 5-ta galabnimo xilliga Mareykanka, kaddib marki uu qof ku soo wargeliyey booliska ballan ay haweeneyda lahayd maadaamaa ay ka habsaantay in gurigeeda la hubiyo si loo ogado waxa ku dhacay.

Dotson wuxuu intaa ku daray qof kasta oo ka mid ah dadkaasi la laayey iney jirkooda ka muuqatay nabarrada ay u geytseen rasaasta lala dhacay.

Mas’uuliyiinta magaaladaasina waxay sheegeen xaaska ninkaasi iney 21-ka December ay dacwad furriin soo gudbisay.

“Tausha waxay ahayd qof naxariis badan oo dabci wanaagna u dhalatay oo ay jirin weligeed cid ka soo sheegatay,” ayey tiri Tina Brown oo u warrantay KSTU-TV.

Guriga uu dilka ka dhacay

Mas’uuliyiinta magaaladaasi oo uu ku jiro duqa magaalada Jeffrey waxay sheegeen warkaasi naxdinta leh marki ay warbaahinta ka maqleen iney aad uga naxeen maadaamaa ay Tausha ahayd haweeney howlaha samafalka ka qayb qaadan jirtay.

Hase yeeshee, booliska iyo maamulka magaaladaasi faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin sababta dil wadareedka uu ninkan geystay sababtay iyo haweeneyda lafteeda waxa ku kallifay iney furriin dalbato midna.

Ma qabyaalad bay tahay mise waa Warmooge

Maxay ka wada hadlayaan shacabka Laascaanood iyo maamulka Falaagada ah ee doona inay Soomaali inteeda kale ka go’aan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, oo u dhaartay midnimada iyo wada jirka Soomaaliya, ayaa maanta mar uu ka hadlayey xaaladda Gobolka Sool, wuxuu sheegay ” inay wada hadlaan shacabka Laascaanood iyo Somaliland.

Hadaba su’ashaa mudnaanta mudan ayaa waxay tahay waa maxay wada hadalka ay wada gelayaan Jabhad doonaysa inay dalka ka gooyaan iyo shacab lagu khasbayo ama lagu muquuninayo inay qayb ka noqdaan kala go’ynta Soomaaliya.

Cadowga doonaya in Laascaanood xoog lagu muquuniyo iyo kan Aadn Yabaal iyo Cadale xooga ku haystay waa isku mid oo labaduba Qaranimada Soomaaliya ayeey khatar ku yihiin. Hase ahaatee Madaxweyne Culusoow sidaas um arka oo wax walba wuxuu ka fiiriyaa dhanka qabyaaladda

Ismarin waa maalintii saddexaad ka tagaan Golaha wakiillada Maraykanka oo aan weli guddoomiye dooran

Ismarin waa maalintii saddexaad ka tagaan Golaha wakiillada Maraykanka oo aan weli guddoomiye dooran

Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa maalintii saddexaad waxaa ka tagaan ismarin waa la xiriira dadaallada ay xildhibaanada ku doonayaan in ay ku doortaan guddoomiye cusub.

Waa dib u dhacii ugu dheeraa tan iyo dagaalkii sokeeye ee Mareykanka. Kevin McCarthy oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa marar badan ku guuldareystay inuu ka guuleysto xubnaha mayalka adag ee xisbigiisa.

Koox ka mid ah garabka midig ee xisbigiisa ayaa hakiyay isku daygii 11-aad ee la doonayay in lagu doorto isaga maalinta saddexaad ee codbixinta.

Jamhuurigu waxay la wareegeen Aqalka doorashadii dhexe ee bishii November, hase yeeshee ismari waaga ayaa ka dhigay aqalka inay awoodi waayeen inay dhaariyaan xubnaha ama ay soo gudbiyaan hindise sharciyeedyo.

Laga soo bilaabo 1860-kii, markii ururka midowga Maraykanku uu ku muransanaa arrinta addoonsiga, aqalka hoose ee Congress-ka ayaa marar badan u codeeyay in ay doortaan afhayeenka.

Markaas waxay qaadatay 44 wareeg oo codbixin ah. Koox ka kooban 20 sharci-dajiyayaal isla markaana ka tirsan xisbiga mayalka adag ee Jamhuuriga ayaa diiday inay Mr McCarthy siiyaan 218ka cod ee lagama maarmaanka ah.

kooxda ayaa ka shakisan xubinta Congress-ka California ee muxaafidka ah, inkastoo uu taageeray madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Mid ka mid ah mucaaradka, oo lagu magacaabo Ralph Norman, ayaa BBC u sheegay inuusan si fudud u aamini karin Mr McCarthy. Xildhibaanka ayaa sheegay in kooxda Mr McCarthy ay ugu hanjabeen aargoosi siyaasadeed oo ka dhan ah haddii aysan safka ku jirin, toddobaadyo ka hor ismari waaga.

Ruto oo shaaca ka qaaday arrin uu horay u qariyay oo ku saabsan taliyihii uu ku beddelay ninka Soomaaliga ah

Ruto oo shaaca ka qaaday arrin uu horay u qariyay oo ku saabsan taliyihii uu ku beddelay ninka Soomaaliga ah

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qirtay in uu shaqada ka eryay Agaasimihii Hore ee Hay’adda Dambi baarista Kenya, arrintaas oo aan horay loo sii ogeyn.

Markii uu Ruto magacaabayay agaasimaha cusub waxa uu sheegay in madixii hore ee Waaxda Dambi baarista uu si iskiis ah xilka isaga casilay.

Hase ahaatee madaxweynaha Kenya ayaa hadda sheegay in uu George Kinoti xafiiska uga eryay sababo la xiriira dad la waayay oo si Khasab ah lagu kaxeystay iyo dilal sharciga ka baxsan.

Madaxweyne Ruto ayaa shir jaraa’id oo uu xalay qabtay warfidiyeenka ugu sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu u xaqiijin lahaa in uusan dhicin dil sharci darro ah oo ay boolisku geystaan.

Waxa uu shaaca ka qaaday in boolisku ay sameysteen meel ay ugu talogaleen in ay dadka ku laayaan.

“Waxaa jiray konteenar yaalla meel ka tirsan Nairobi oo gudihiisa dadka lagu gowrici jiray – waa konteenar yaalla meel saldhig boolis dhexdiisa ah – sideen ku gaarnay ilaa heerkaas? Maxay tahay hay’adda sidaas u noqotay mid fulisa waxyaabo aan la amrin oo ay iskeed u sameyneysay? Sababtaas ayaan shaqada uga eryay ninkaas la dhaho Kinoti,” ayuu yiri Ruto.

George Kinoti
Qoraalka sawirka,George Kinoti

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu hay’adda dabagalka ku sameysa falalka booliska ku amray in ay soo baarto kiisaskaas.

Waxa u uku adkeystay in booliska ay ku khasban yihiin in ay sharciga u hoggaansamaan, isagoo sheegay in u hoiggaansamidda sharciga ay ku jirto in ay iyaga qudhooda iska difaacaan dambiileyaasha.

Ruto ayaa markii uu xafiiska ka eryay Kinoti waxa uu xilka Agaasimaha Hay’adda Dambi baarista ee Kenya u magacaabay nin ka tirsan Soomaalida Kenya oo la yiraahdo Amiin Ibraahim Maxamed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay laamaha amniga.

Hay’adda Dambi Baarista oo magaceeda loo soo gaabiyo (DCI) ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

Amiin Ibraahim Maxamed
Qoraalka sawirka,Amiin Ibraahim Maxamed

Dadka kale ee caanka ah ee loo heysto dilal dhacay waxaa ka mid ah askari ka tirsan booliiska Kenya oo caan noqday ka dib markii muuqaallo lagu duubay mobilada ay muujiyeen isaga oo dilaya laba wiil sannadkii 2017.

Hay’adda Madaxa-banaan ee Kormeerka Booliska (IPOA) ayaa sheegtay inay heshay dacwado ka dhan ah Dable Axmed Rashiid oo maalin cad labada  wiil ku dilay xaafadda Islii ee magalaada Nairobi, bishii Marso 2017-kii.

Axmed Rashiid oo dabayaaqadii bishii November ee sanadkii tagay kasoo hor muuqday maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa garsoorka ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah oo uusan xilligaas faahfaahin.

Axmed Rashiid
Qoraalka sawirka,Axmed Rashiid

Madaxweynaha Kenya oo xilka loo caleema saaray bishii September ayaa intii uu ololaha doorashada ku jiray ballan qaaday in haddii la doorto uu wax ka qaban doono dilalka aan sharciga loo marin.

Dhanka kale, Madaxweyne Ruto ayaa shacabka Kenya ka qanciyay arrin muran badan dhalisay oo la hadal hayay muddooyinkan, taasoo ku saabsanayd hadal ay gabadhiisa ku shegetay in ay leedahay xafiis iyada u gaar ah oo la yiraahdo “Xafiiska Gabadha Koowaad”. Dadka qaar ayaa su’aalo iska weydiinayay sharciga uu xafiiskaas waafaqsan yahay iyo in lagu lunsanayo dhaqaalaha dowladda.

Ruto oo ka jawaabaya mowduucaas ayaa beeniyay jiritaanka xafiiska doodad dhaliyay.

“Ii dhaafa gabadheyda, waad og tihiin kuwani waa carruur, waxay sameynayaan waxyaabo carruurnimo ah, aad baad u ogtihiin in uusan jirin xafiis noocaas ah… tani waa gabadha madaxweynaha William Ruto oo keliya mararka qaarna ma garaneyso farqiga u dhaxeeya madaxweyne iyo aabbe,” ayuu yiri Mr Ruto oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi.

Eedaha loo jeediyey Qatar oo galaafatay mudanayaal badan oo ka tirsan baarlamaanka Yurub

Eedaha loo jeediyey Qatar oo galaafatay mudanayaal badan oo ka tirsan baarlamaanka Yurub

Fadeexaddii ruxday baarlamaanka Midawga Yurub ayaa haatan noqotay mid qoto dheer, ka dib markii toddobaadkii hore la soo jeediyey in xasaanadda laga xayuubiyo laba mudane oo kale, kuwaas oo lagu eedeeyey inay laaluush ka qaateen dalka Qatar.

Dalka Qatar ayaa ka digan, in baadhista uu wado Midawga Yurub inuu saamayn ku yeelan karo xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya Qatar iyo Midawga Yurub. Dalkan ku yaalla gacanka Carabta ayaa ah, mid ka mida dalalka muhiimka ah ee shidaalka u dhoofiya Midawga Yurub, xilli uu hoos u dhacay shidaalkii ay ka heli jireen Ruushka.

Andrea Cozzolino iyo Marc Tarabella ayaa ah labadii mudane ee ugu dambeeyey ee ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub ee lagu soo oogo eedo la xidhiidha fadeexadda musuqmaasuq ee ruxday Brussels. labadan mudane ayaa diiday inay wax laaluush ah ka qaateen dalka Qatar.

Baadhitaan socday muddo sannad ah, oo ay wadeen booliska dalka Belgium ayay bishii hore waxay u dhaceen guryo ay leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub oo qaarkood ay haatan xil hayaan iyo qaar hore xilal u hayn jiray. Booliska ayaa guryahan ka helay illaa $1.6 milyan oo dollar oo cash ah.

Booliska ayaa sheegay inay illaa $158,000 ay ka helaan guriga ay deganayd mudanaha ka soo jeedda dalka Giriiga ee Eva Kaili, oo ka mid ahayd 14 madaxweyne ku xigeen ee uu leeyahay baarlamaanka Midawga Yurub. Waxaa lagu eedeeyey inay laaluush ka qaadatay dalka Qatar.

Ujeedada ay Qatar u bixisay laaluushkan ayaa lagu sheegay inay ahayd, inay dhaafsato, in loo fududeeyo masaalix dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo kaga xidhnaa Midawga Yurub.

Qatar ayaa iyadu si weyn u diiday eedahan loosoo jeediyey.