28th March 2024  admin  Category :

Ruto oo shaaca ka qaaday arrin uu horay u qariyay oo ku saabsan taliyihii uu ku beddelay ninka Soomaaliga ah

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qirtay in uu shaqada ka eryay Agaasimihii Hore ee Hay’adda Dambi baarista Kenya, arrintaas oo aan horay loo sii ogeyn.

Markii uu Ruto magacaabayay agaasimaha cusub waxa uu sheegay in madixii hore ee Waaxda Dambi baarista uu si iskiis ah xilka isaga casilay.

Hase ahaatee madaxweynaha Kenya ayaa hadda sheegay in uu George Kinoti xafiiska uga eryay sababo la xiriira dad la waayay oo si Khasab ah lagu kaxeystay iyo dilal sharciga ka baxsan.

Madaxweyne Ruto ayaa shir jaraa’id oo uu xalay qabtay warfidiyeenka ugu sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu u xaqiijin lahaa in uusan dhicin dil sharci darro ah oo ay boolisku geystaan.

Waxa uu shaaca ka qaaday in boolisku ay sameysteen meel ay ugu talogaleen in ay dadka ku laayaan.

“Waxaa jiray konteenar yaalla meel ka tirsan Nairobi oo gudihiisa dadka lagu gowrici jiray – waa konteenar yaalla meel saldhig boolis dhexdiisa ah – sideen ku gaarnay ilaa heerkaas? Maxay tahay hay’adda sidaas u noqotay mid fulisa waxyaabo aan la amrin oo ay iskeed u sameyneysay? Sababtaas ayaan shaqada uga eryay ninkaas la dhaho Kinoti,” ayuu yiri Ruto.

George Kinoti
Qoraalka sawirka,George Kinoti

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu hay’adda dabagalka ku sameysa falalka booliska ku amray in ay soo baarto kiisaskaas.

Waxa u uku adkeystay in booliska ay ku khasban yihiin in ay sharciga u hoggaansamaan, isagoo sheegay in u hoiggaansamidda sharciga ay ku jirto in ay iyaga qudhooda iska difaacaan dambiileyaasha.

Ruto ayaa markii uu xafiiska ka eryay Kinoti waxa uu xilka Agaasimaha Hay’adda Dambi baarista ee Kenya u magacaabay nin ka tirsan Soomaalida Kenya oo la yiraahdo Amiin Ibraahim Maxamed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay laamaha amniga.

Hay’adda Dambi Baarista oo magaceeda loo soo gaabiyo (DCI) ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

Amiin Ibraahim Maxamed
Qoraalka sawirka,Amiin Ibraahim Maxamed

Dadka kale ee caanka ah ee loo heysto dilal dhacay waxaa ka mid ah askari ka tirsan booliiska Kenya oo caan noqday ka dib markii muuqaallo lagu duubay mobilada ay muujiyeen isaga oo dilaya laba wiil sannadkii 2017.

Hay’adda Madaxa-banaan ee Kormeerka Booliska (IPOA) ayaa sheegtay inay heshay dacwado ka dhan ah Dable Axmed Rashiid oo maalin cad labada  wiil ku dilay xaafadda Islii ee magalaada Nairobi, bishii Marso 2017-kii.

Axmed Rashiid oo dabayaaqadii bishii November ee sanadkii tagay kasoo hor muuqday maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa garsoorka ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah oo uusan xilligaas faahfaahin.

Axmed Rashiid
Qoraalka sawirka,Axmed Rashiid

Madaxweynaha Kenya oo xilka loo caleema saaray bishii September ayaa intii uu ololaha doorashada ku jiray ballan qaaday in haddii la doorto uu wax ka qaban doono dilalka aan sharciga loo marin.

Dhanka kale, Madaxweyne Ruto ayaa shacabka Kenya ka qanciyay arrin muran badan dhalisay oo la hadal hayay muddooyinkan, taasoo ku saabsanayd hadal ay gabadhiisa ku shegetay in ay leedahay xafiis iyada u gaar ah oo la yiraahdo “Xafiiska Gabadha Koowaad”. Dadka qaar ayaa su’aalo iska weydiinayay sharciga uu xafiiskaas waafaqsan yahay iyo in lagu lunsanayo dhaqaalaha dowladda.

Ruto oo ka jawaabaya mowduucaas ayaa beeniyay jiritaanka xafiiska doodad dhaliyay.

“Ii dhaafa gabadheyda, waad og tihiin kuwani waa carruur, waxay sameynayaan waxyaabo carruurnimo ah, aad baad u ogtihiin in uusan jirin xafiis noocaas ah… tani waa gabadha madaxweynaha William Ruto oo keliya mararka qaarna ma garaneyso farqiga u dhaxeeya madaxweyne iyo aabbe,” ayuu yiri Mr Ruto oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*