Garowe, 03/03/2023: Dowladda Puntland waxay markale cadaynaysaa mowqifkeedi ahaa in aanay qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo Deegaanada ku xeeran.
Dagaalkaani wuxuu u dhaxeeyaa oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah.
Cidkasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso waa marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah.
Beesha Geri Kombe, ee ka m midka ah beel weynta Daarood ee degta geeska Afrika ayaa ka mid noqday ciidanka bad baadinta shacabka gobolka Sool ee laga bad badinayo duulanka Argagixisnimada SNM
Soomaalida Minnesota oo ‘aargoosi’ ku tilmaamay go’aan ay qaadatay Amazon
Soomaali fara badan oo ka shaqeeya xarun ay leedahay shirkadda weyn ee Amazon oo taalla degmada Shakopee ee gobolka Minnesota ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan go’aan ay shirkaddu ku xireyso xaruntaasi.
Waxay Soomaalidu sheegeen in go’aankan uu yahay mid ay shirkaddu uga aargoosanayso shaqaalaha Soomaalida u badan ee Amazon, oo iyagu hore u dalbaday xuquuq badan.
Shirkadda Amazon, ayaa u ballanqaaday in shaqaalaha Somalia ay u wareejiso xarumaha kale.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku eedeeyay Guddoonka baarlamaanka inay ka shaqeynayaan muddo kororsi
Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaliya ayaa ka fal celiyey warqad kasoo baxaday Xafiiska Guddomiyaha Baaralamaanka Soomaliya oo ku sabsan wax ka baddelka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka inay ka shaqeynayaan muddo kororsi. Warqadda kasoo baxday guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in lagu magacaabay guddi ka kooban 10, kuwaas oo kasoo tala bixin doona wax ka baddelka dastuurka.
Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ayuu ku sheegya in loo baahnaa in laga fakaro sidii looga bixi lahaa nidaamka doorashada dadban ee aan laga filayn in ay muddo korarsi ka fekeraan guddoonka baarlamaanku.
“Guddoonka Baarlamaanka waxaa laga sugayey in ay soo gudbiyaan ajandayaal ku aaddan sidii doorashada dadban looga bixi lahaa, oo mid dadwaynaha cod ku leeyihiin lagu heli lahaa, dalkana looga hirgelin lahaa hannaankii xisbiyada.” Ayuu ku yiri xil Cabdiraxmaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Waxaa uu sheegay in aan xilligan looga baahnayn guddoonka baarlamaanku in ka fekeraan muddo kororsi “iyaga oo weliba og mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi lagasoo maray.” Ayuu yiri.
Warqadda kasoo baxday guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in guddi lagu magacaabay kaas oo kasoo tala bxin doona soo jeedinta wax ka baddelka dastuurka oo ay ku “saxiixanyihiin 97 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya,” sida ku xusnayd warqadda.
Ujeedada warqadda oo lku suntay “magacaabid guddi gaar ah” ayaa lagu sheegay in guddigu “war bixin kasoo diyaarin doono wax-ka-baddel iyo Kaabis Dastuurka Ku-meel-gaarka ah,” iyo “in uu war bixintiisa u soo gudbiyo Guddoonka Golaha Shacabka si loogu daro ajendooyinka kulanka Guud ee Golaha Shacabka.” Ayaa lagu yiri warqadda.
Hadii Dir iyo Dirnimo ay wax tareeyso, maxaa beesha Biimaal ee lagu xasuuqayey Shabeelada Hoose loogu gurman waayeen maalintii ay hiilka u baahnaayeen?
Waa maxay sababta ay beesha Habargidir u xasuuqeeysay, dhulka iyo hantida uga xooggeeysay beesha Biimaal hadii ay dhab tahay waxa loogu yeero Urur Samaale?
Maalintaas markii Dirtii la waayey ayaa Saado Ali Warsame, Allaha u naxariistee markii ay aragtay dulmiga lagu hayo beesha Biimaal, waxeey ka qaaday hees ay ku cabbireeyso arrintaas, kuna diideeyso dulmiga lagu hayo Biimaal. Hase ahaatee, waxaa ayaan darro ah in kuwo Dir sheeganayaa ay maanta la soo shir taggaan Laascaanood Isaaqaa iska leh. Malaha waxaa isaga dhex yaacay magaalooyinka Burco iyo Laascaanood.
Markii Biimaal la Xasuuqayey Kuwaan Maanta Hadlaya Xaggeebeey Jireeyn?
Maxay tahay danta isku keentay wadamada Qatar shirka ku leh ee Soomaaliya caawinaya?
War qoraal ah oo lagu daabcay bogga internet ka ee Dawladd Qatar ayay ku sheegtay in ay qaban doonto shir ay isugu imaanayaan wadamada kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Midowga Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya kaas oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya.
Shirkan mid hordhac u ahaa oo ka dhacay Washingon DC ayaa looga hadlay qorshaha looga doodi doono shirkaan oo la filiyo in uu saddex bil kadib ka qabsoomo Dooxa. Qodabada diiradda lagu saari doono kulanka ayaa lagu sheegay in uu kamid yahay sidii Soomaaliya taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.
Hadaba su’aasha dad badan oo Soomaliyeed is waydiinayaan ayaa ah, maxay tahay danta ay wadamadaan kaleeyihiin caawinta Soomaaliya.
Hadii aynu dib u milicsano xiriirada kala dhaxeeya wadamaan Soomaaliya; Dawladda Qatar waxay muddo saaxiib kaalmeeya la eheed dawladda Soomaaliya. Shantii Sano ee la soo dhaafay waxay mashaariic ka fulisay Soomaaliya – waxaa kamid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad. Sidoo kale Qatar waxay Soomaaliya ka shqaale ahaan uga qaadatay boqolaal dhalinyaro ah, oo qaarkood loo qaatay shaqo ciidanimo.XAYEYSIINhttps://cb6aff98d07d07f2dff6c988df57cf50.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html
Dawladda Miwdoga Imaaraadka carabta ayaa Iyana Soomaaliya muddo ka kaamlmeyneysay arrimo uu ammaanku kamid ayahy. Waxay u tababartay Soomalaiya ciidamo ay mushaarkooda bixin jireen, inkasta oo xeradii ay ku lahaayeen Muqdisho ay ka xirtay dawladda Soomaaliya kadib khilaaf diblumaasayeed oo soo kala dhexgalay.
Wadmada Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga ayaa iyana ah kuwii ugu horeeyay ee Soomaaliya muddo ka taageerayay dhinaca ciidamada iyo la dagaalanka al-Shabaab. Sidoo kale waxay ka mid yihiin wadamada ugu badan ee bixiya deeqaha caalamiga ah ee ay hesho Soomaaliya.
Qoraalka sawirka,Wadmada Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga ayaa iyana ah kuwii ugu horeeyay ee Soomaaliya muddo ka taageerayay la dagaalanka al-Shabaab.
Maxay tahay sababta isku dan ka dhigtay wadamadaan?
Wadamada khliijka ayaa ah kuwa lagu yaqaanay khilaaf diblumaasiyadeed oo muddo dhexdoodu ka jiray. Wadamada Qatar iyo Midowga Imaaraadka Carabta ayaa muddo kamid ah kuwa khilaafkoodu soo jiitamayay.
Axmed Ciise cawad oo ah wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya wuxuu qabaa in khilaafkii u dhaxeeyay wadamadaas uu sii yaraanayo, kadib booqashooyinkii ay wadamadoo isku soo booqdeen Amiirada Qatar iyo Imaaraadka.
“In Amiirka Imaaraadka SHeekh Maxamed Bin Zaayid uu booqda Qatar wax la fili kaay maahayn sanad kahor…Amiirka Qatar wuu ka jaawabay taas oo wuxuu booqday Imaaraadka. Sidoo kale Sacuudiga oo qayb ka ahaa [Khiilfka]” ayuu yiri Cawad oo BBC da la hadlayay.
Arimaha sidoo kale diiradda lagu saari doono kulankaan ayaa waxaa kamid ah sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya, Waxay sheegeen dawladahaan in ay Soomaali ka caawin doonaan sidii ay u gaari lahayd hanaanka caalamiga ah ee maamulka hubka.
Sida uu qabo Axmed Ciise Cawad dawladaha Khaliijka ayaa haatan u arka in ay dano isku mid ah ka leeyihiin Soomaaliya, sidoo kalna ay ajiibeen yeermada dawladda maraykanka oo ay tixgalin u hayaan.
Soomaaliya ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ku jirtay guluf colaadeed oo ka dhan ah al-Shababa, kaaso oo loogala waregay kooxda gobolo ku kala bartmaha Koonfurta Soomaaliya.