27th July 2024  admin  Category :

Garowe, 03/03/2023: Dowladda Puntland waxay markale cadaynaysaa mowqifkeedi ahaa in aanay qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo Deegaanada ku xeeran.

Dowldda Puntland marwalba waxay qadarinaysaa in Soomaalida dhexdeeda iyo Gobolkuba kuwada noolaadaan nabadgelyo, xasilooni iyo daris wanaag, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo miiska wada hadalka.

Dagaalkaani wuxuu u dhaxeeyaa oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah.

Cidkasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso waa marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah.

Dagaalkaan oo sii socda waxaa kaliya oo ka dhalan kara masiibo bini’aadantinimo iyo mid amni oo saamaysa Gobolka oo dhan iyo Soomaalida dhexdeeda.

Colaadda Gobolka Sool ee keentay Dhimashada, Dhaawaca iyo burburka xad-dhaafka ah masuuliyaddeeda waxaa iska leh Somaliland, nabadduna waxay ku imaan kartaa iyadoo ciidamadeeda Gobolka kala baxda, dadka deegaankana u ogolaata in ay iyagoo xor ah oo nabad ah ayaahooda ka tashadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*