26th March 2024  admin  Category :

Maxay tahay danta isku keentay wadamada Qatar shirka ku leh ee Soomaaliya caawinaya?

War qoraal ah oo lagu daabcay bogga internet ka ee Dawladd Qatar ayay ku sheegtay in ay qaban doonto shir ay isugu imaanayaan wadamada kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Midowga Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya kaas oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya.

Shirkan mid hordhac u ahaa oo ka dhacay Washingon DC ayaa looga hadlay qorshaha looga doodi doono shirkaan oo la filiyo in uu saddex bil kadib ka qabsoomo Dooxa. Qodabada diiradda lagu saari doono kulanka ayaa lagu sheegay in uu kamid yahay sidii Soomaaliya taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Hadaba su’aasha dad badan oo Soomaliyeed is waydiinayaan ayaa ah, maxay tahay danta ay wadamadaan kaleeyihiin caawinta Soomaaliya.

Hadii aynu dib u milicsano xiriirada kala dhaxeeya wadamaan Soomaaliya; Dawladda Qatar waxay muddo saaxiib kaalmeeya la eheed dawladda Soomaaliya. Shantii Sano ee la soo dhaafay waxay mashaariic ka fulisay Soomaaliya – waxaa kamid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad. Sidoo kale Qatar waxay Soomaaliya ka shqaale ahaan uga qaadatay boqolaal dhalinyaro ah, oo qaarkood loo qaatay shaqo ciidanimo.XAYEYSIINhttps://cb6aff98d07d07f2dff6c988df57cf50.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Dawladda Miwdoga Imaaraadka carabta ayaa Iyana Soomaaliya muddo ka kaamlmeyneysay arrimo uu ammaanku kamid ayahy. Waxay u tababartay Soomalaiya ciidamo ay mushaarkooda bixin jireen, inkasta oo xeradii ay ku lahaayeen Muqdisho ay ka xirtay dawladda Soomaaliya kadib khilaaf diblumaasayeed oo soo kala dhexgalay.

Wadmada Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga ayaa iyana ah kuwii ugu horeeyay ee Soomaaliya muddo ka taageerayay dhinaca ciidamada iyo la dagaalanka al-Shabaab. Sidoo kale waxay ka mid yihiin wadamada ugu badan ee bixiya deeqaha caalamiga ah ee ay hesho Soomaaliya.

Qori ay isticmaalaan ciidamada Soomaalida ee Turkidu tababaraan.
Qoraalka sawirka,Wadmada Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga ayaa iyana ah kuwii ugu horeeyay ee Soomaaliya muddo ka taageerayay la dagaalanka al-Shabaab.

Maxay tahay sababta isku dan ka dhigtay wadamadaan?

Wadamada khliijka ayaa ah kuwa lagu yaqaanay khilaaf diblumaasiyadeed oo muddo dhexdoodu ka jiray. Wadamada Qatar iyo Midowga Imaaraadka Carabta ayaa muddo kamid ah kuwa khilaafkoodu soo jiitamayay.

Axmed Ciise cawad oo ah wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya wuxuu qabaa in khilaafkii u dhaxeeyay wadamadaas uu sii yaraanayo, kadib booqashooyinkii ay wadamadoo isku soo booqdeen Amiirada Qatar iyo Imaaraadka.

“In Amiirka Imaaraadka SHeekh Maxamed Bin Zaayid uu booqda Qatar wax la fili kaay maahayn sanad kahor…Amiirka Qatar wuu ka jaawabay taas oo wuxuu booqday Imaaraadka. Sidoo kale Sacuudiga oo qayb ka ahaa [Khiilfka]” ayuu yiri Cawad oo BBC da la hadlayay.

Arimaha sidoo kale diiradda lagu saari doono kulankaan ayaa waxaa kamid ah sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya, Waxay sheegeen dawladahaan in ay Soomaali ka caawin doonaan sidii ay u gaari lahayd hanaanka caalamiga ah ee maamulka hubka.

Sida uu qabo Axmed Ciise Cawad dawladaha Khaliijka ayaa haatan u arka in ay dano isku mid ah ka leeyihiin Soomaaliya, sidoo kalna ay ajiibeen yeermada dawladda maraykanka oo ay tixgalin u hayaan.

Soomaaliya ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ku jirtay guluf colaadeed oo ka dhan ah al-Shababa, kaaso oo loogala waregay kooxda gobolo ku kala bartmaha Koonfurta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*