Inta badan madaxda Soomaaliyeed ee maanta , gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beesha Hawiye waxay ahaayeen kooxddii la magax baxday badbaado qaran ee sida cad ee aan gabashada lahayn ku lahaa ” FARMAAJOOW NAGA SOO BAX”, iyaga oo madaxweynihii hore ee Qaranka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ka sheeganaya caasimadda Somaaliya
Iyada oo taasi horay u dhacday oo aanu Taliyaha ciidanka Soomaaliyeed Gen.Odowaa Yusuf Raage uuna waqtigaas wax qoraal ama diidmo ah uuna ka keenin in Isbaaro qaab qabiil ah loo dhigto madaxweynihii Qaranka , ayuu hadda waxa uu sheegay in askarigii ka dagaalama Laascaanood oo ilaaliya midnimada Soomaaliya uuna mushahaar ku lahayn dawladda federaalka shaqadana laga eryayo.
Taliyaha ayaa amarkan soo saaray ka dib dhimashaddii Maxamed Aadan Suleymaan oo ahaa nin dhallinyaro ah oo soo hoggaamiyey ciidamado gaarka a oo ka tirsanaa millatariga Soomaaliya, kadib markii uu ku dhintay dagaalkii dhowaan dhex maray kooxda Soomaaliya diidka ah ee denbiyada dagaal ka gashay gobolka Sool iyo shacabkii degaankka. oo u soo gurmaday Maxamed oo mar soo noqday taliyaha ururka afaraad ee guutada kumaandooska ah ee Danab, kuwaas oo saldhigoodu yahay xerada ciidamada Ballidoogle ee Maraykanku gacanta ku hayo.
Sidoo kaleTaliyaha ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya Korneel Axmed Cabdullaahi Nuur “Beeryare” ayaa bayaan uu ku daabacay bartiisa Twitterka,iska fogeeyey inay u dagaalamayaan midnimada Soomaaliya.
Hadaba waxa is waydiin mudan sababta keentat\y Mooryaanka IN Muqdisho ee isbaarada u dhigtay madaxweynaha Qaranka ee ku dhawaaqayey FARMAJOOW NAGA SOO BAX ay xilalka uga sareeyaKA heleen dawladda Federaalka Soomaaliya . Halka xaq u dirirka u dhimanaya midnimada Soomaaliya ee leh MUUSE BIIXIYOOW naga soo bax haddaad dalka kala go’aynayso ay iyagu u noqdeen Denbiilayaal loogu hanjabo in mushahaarka laga goosanayo. Waxa la gaaray xilligii caasimadda Soomaaliya la gayn lahaa meel ku haboon, oo ayna Soomalida inteeda kale u afduubnaan lahayn kuwa la mid ah Odowaa iyo Mahad Salaad
Isimada Koonfurta Soomaliya ka yimid yeey la hadlayaan?
Labaatankii sano ee ina soo dhaaftay dawladda Federaalka Soomaaliya ee ka shaqaysa Muqdisho, waxay ku wareersanaayeen xaaladda waqooyiga Soomaaliya oo waxay qeexi kari waayeen “eryaga Somalilandtii ay kula hadli jireen dalalka Turkiga, Imaaraadka iyo Itoobiya.
Jaah wareerkan siyaasadeed ee ka jiray Muqdisho, ayaa xoojisay in qaybo ka mid ah Waqooyiga Soomaaliya ay u dhaqmaan inay yihiin qayb ka madax anaan Soomaali inteeda kale. Halkaa kuma ayna joogsane waxay isku dayeen in beelaha kale ee Soomaaliyeed ee degan waqooyiga Soomaliya ay ku khasbayeen inay qaataan fikirkan guracan ee gooshada.
Aamusnaanta dawladda federaalku ay raalida uga ahayd in deeqaha Caalamka bixiyaan ee soo mara Hargaysa o laga cuna qabateeyo Sanaag iyo Sool oo magacooda lagu soo qaatay iyo wada hadaladdii ay dawladda Federaalku gaarkala kula hadli jireen beesha Isaaq , si ay ma’suul ka yihiin beelaha kale ee dega waqooyiga Soomaaliya ayaa ugu danbayntii sababay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee hadda Socda gobolka Sool.
Dawladdii Federaalka Soomaaliya ee siyaasiyiinta ugu badan ee maanta xilalka ugu sareeyaa ka hayaa ay u bdan yihiin kuwa ka soo jeeda beelaha Raxanweyn iyo Hawiye ayeey ahayd in xal siyaasadeed ka keenaan xaaladda gobolka Sool mar haddii ay maanta hayaan xilkii madaxweynaha, gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wasiirka arimaha gudaha.
Ma keenin xal siyaasadeed waxay gobolka Sool u soo direen sadexdii Isima ee beelahooda Habar Gidir, Raxanweyn iyo Abgaal.
Waa arin wanaagsan in dhaqanku kulmaan oo ay Isimada Koonfurtu la kulmaan Isimada Dhulbahante, Harti iyo Isaaq. Taasi ma dhacayso oo dawladdii federaalka ee wareersanayd oo qeexi kari wayday Somaliland ayaa soo dirtay Isimada Koonfureed , oo sida ay sheegeen waxay la kulmayaan SSC iyo Somaliland . Labadan magacba waxa samaystay ururo siyaasadeed, mana aha mid dhaqan oo odayaasha Koonfureed waa ku hafanayaan. Sababtoo ah sida magacyada ku muuqata arinta waqooyiga laysku haystaa waa siyaasad iyo mid aan gorgortan geli karin oo ah midnimada Soomaliya
Ugu danbayntii Magaca Sanaag iyo Sool , waxay isugu lamaansanaayeen , oo hadal looga keeni waayey, uuna u shaqaynayey in mudo ah waxay ahayd in wax kasta oo Sool looga saarayo jabhadd SNMla soo dhoweeyo. Welina waa taagan tahay, Hase ahaatee maanta waxa muuqata in Isimada qaarkood ay la noqotay in beesha Fiqi shini ee degta xaafad ka mid ah Adhi cadeeye a iyo gobolka Sanaag ay isku miisaan wada saaraan. Taasna cid ka yeelaysaa ma jirto
Mareykanka iyo Canada oo gaaray heshiis ka dhan ah dadka soo galootiga ah
Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa gaaray heshiis ay kaga hortagayaan dadka magangelyo doonka ah ee ka taallabayo xuduudaha aan rasmig aheyn ee dalalkaas kuwaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay ku qulqulayay xuduudda Mareykanka iyo Canada, sida ay sheegeen saraakiisha.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqi doona heshiiska Jimcaha xilli Biden uu booqasho ku tagay Canada.
Heshiiska ayaa la filayaa inuu u ogolaado saraakiisha labada dhinac ee ku sugan xuduudka inay dib u celiyaan dadka magangalyo-doonka ah ee u socda Mareykanka iyo Canada.
Dhinaca kale, Maraykanka waxaa sare u kacday tirada dadka soo galootiga ah ee kasoo tallaabaya dhinaca Canada.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaddidayo qulqulka muhaajiriinta ee kasoo gudbeysa Waddada Roxham, oo ah waddo aan sharci aheyn oo ay dadka maraan taasoo isku xirta gobolka New York iyo gobolka Quebec ee Canada.
Heshiiska waxaa qeyb ka ah, in Canada inay hirgelin doonto barnaamij cusub oo ay ku qaabileyso 15,000 oo muhaajiriin ah kuwaasoo kasoo cararaya dhibaatooyinka iyo qalalasaaha ka taagan bartamaha America, sida laga soo xigtay sarkaal Amerikaan ah oo aan magaciisa sheegin oo u warramay warbaahinta CBS News oo bahwadaag la ah BBC-da.
Mr Biden ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Ottawa ee dalka Canada si uu ugala hadlo Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau arrimo dhowr ah oo ku saabsan dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha socdaalka. Heshiiska khuseeyo arrimaha socdaalka ayaa la qorsheeyay in lagu dhawaaqo ka hor inta uusan ku laaban Mareykanka Jimcaha.
Heshiiska waxa uu wax ka beddel ku yahay heshiiskii la ansixiyay sanadkii 2004, kaas oo dhigayay in dadka soo soogalootiga ah in magangelyo ay ka codsadaan waddanka ugu horreeya ay soo gaaraan ee “ammaan” ah , haddii ay tahay Maraykanka ama Canada.
Heshiiskan cusub wuxuu ka hortaggayaa qodobo ku jiray heshiiskii hore sida mid ka hor istaagay Canada inay dib u celiso kuwa ka soo tallaabaya xuduudka goobaha laga gudbo ee aan sharciga ahayn.
Arrintaas ayaa keentay in muhaajiriinta ay soo galaan Canada iyagoo soo maraya meelo ay kamid tahay waddada Roxham Road.
Maamulka magaalada New York ayaa bishii hore sheegay in muhaajiriinta ay siinayaan tikidho lagu raaco basaska oo bilaash ah si ay ugu safraan xadka Mareykanka uu la wadaago Canada.
Wadahadallada ku aadan heshiiskan cusub ee xuduudda Mareykanka iyo Canada ayaa hakad galay muddo bila ah, sida ay wararku sheegayaan. Saraakiisha Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in aysan dooneyn in ay dib uga shaqeeyaan heshiiska, maadaama dalkaasi uu la daalaa dhacay dhibaatada dadka soogalootiga ah ee isaga u gaarka ah ee ku qululaya xadka Mareykanka iyo Mexico.
Maamulka Biden ayaa sidoo kale soo jeediyay in laga hortago dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan xudduudda koonfureed ee Mareykanka uu la wadaago Mexico iyadoo lagu adkeynayo muhaajiriinta inay codsadaan magangelyo mar haddii bsiha May la qaado xayiraadda ka dhanka ah cudurka Covid-19, waxaa hinddisahan kasoo horjeestay kooxaha u doodo xuquuqda aadanaha.
Heeshiiskan cusub ee lagu xakameynayo dadka soo galootiga ah ee isaga tallaabayo Mareykanka iyo Canada si deg deg ah ayuu ku dhaqan geli karaa maadama uusan u baahneyn inay ansixiyaan xildhibaanada aqalka Congress-ka Maraykanka.
QM oo sheegtay in la helay macdantii Uranium-ta ee laga waayey Liibiya
Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan kormeerka hubka nukliyeerka, ayaa Jimcihii u sheegtay dalalka xubnaha ka ah, inay heshay inta badan, macdantii Uranium-ta dabiiciga ahayd ee dhowaan laga waayey dalka Liibiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reutes.
Macdantan oo xaddigeedu gaadhayey illaa 2.5 Ton, ayay hore u sheegtay Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ee IAEA inay ka wayday goobtaas, iyada oo ka digtay inay ka dhalan karto khatar la xidhiidha amniga hubka nukliyeerka iyo mid kale oo la xidhiidha dhinaca shucaaca ka dhalan kara.
Inkasta oo xaddiga macdantan Uranium-ta dabiiciga ahi aanu gaadhayn inta looga baahan yahay in laga sameeyo bam nukliyeer ah, iyo inay u baahan tahayba in dib loo farsameeyo, lana tayeeyo si loo isticmaali karo, haddana hay’adda IAEA ayaa ka walaacsan in halisaha ka dhalan karayey haddii la waayo.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa saraakiisha ciidamada ee Dalka Liibiya ee ka taliya dhinaca bari ee dalkaasi, waxay sii daayeen bayaan ay ku sheegayaan inay heleen foostooyin lagu kaydiyey macdanta Uranium-ta ee dabiiciga ah, iyaga oo ka helay bakhaar u dhow isla goobta.
Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii waxay kormeer ku samaysay goobta ay yaaliin foostooyinkaasi, iyaga oo sheegay inay weli maqan yihiin tiro aad u yar oo ka mid ah macdantaas Uraniumta dabiiciga ah.
Midowga Afrika oo dalbaday dhaqaale lagu maalgelinayo howlgalka Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa dhawaan dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo dollar oo lagu maalgelinayo howlgalka ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Soomaaliya.
Bankole Adeoye, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda iyo nabadda ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay taageero muhiim ah siiyaan ciidamada milateriga Soomaaliya oo dagaal kula jira kooxda argagixisada ah ee khawaarijta Al-Shabaab.
“Haddii aan la helin taageero dhaqaale ciidamada ka socda Midowga Afrika ee gaaraya 19,600-askari ma awoodi doonaan inay si hufan u shaqeeyaan oo ay gutaan waajibaadkooda, si ay u yareeyaan khatarta argagixisada iyo inay taageeraan dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta ee lagu doonayo in Soomaaliya ay noqoto mid sugan oo xasilloon” ayuu yiri Bankole Adeoye .
Midowga Afrika,waxa ay iftiimiyeen guulaha faraha badan ee ay gaareen AMISOM iyo baahida adag ee loo qabo maalgelinta ciidanka ATMIS ,si loogu wareejiso mas’uuliyadda amniga ee SSF (Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya) marka la gaaro 31ka Diseembar 2024.
Qaramada Midoobay oo ka jawaabeysa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo maalgalinta dhaqaale ee loo baahan yahay ayaa sheegtay in qorshaha UN-ka uu yahay mid toos ah: degdeg ah si loo xaqiijiyo maalgelinta ciidanka ATMIS ee loogu talagalay xilligga kala-guurka .
Qaramada Midoobay ayaa muujisay in ay lagama maarmaan tahay teegeero loo fidiyo ciidamada howlgalka u jooga Soomaaliya,iyadoo dhinaca kale, DiCarlo oo u hadashay Qaramada Midoobay ay tiri,”ujeedadayada guud waa in mas’uuliyadda amniga si buuxda loogu wareejiyo Soomaaliya dhammaadka 2024-ka
UK oo xabsiga dhigtay koox ay ku eedaysay inay qorshaynayeen falal argagixiso
Booliiska la dagaalanka argagixisada ee dalka Britain ayaa sheegay in ay shan nin u xidheen tuhuno argagixiso. Nimanka ayaa booliisku ka qabteen magaalooyinka Worcester, Birmingham, Leicester iyo Bradford.
Magaalooyinkan ayaa ka mid ah deeggaanada ay jaaliyadaha Muslimiinta ahi ku badan yihiin inkasta oo aan la shaacin jinsiyadaha iyo meelaha ay raggani kasoo jeedaan.
Raggan oo da’doodu u dhaxayso 26 ilaa 67 sano jir ayaa la soo qabtay iyaga oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen dambiyo la xidhiidha argagixiso iyada oo lagu oogay qodobka 15 ee sharciga argagixisada ee la ansixiyey sannadkii 2000 iyo si ay u bixiyaan lacag/hanti loo isticmaalo falalka argagixisada.
Booliiska ayaa sheegay inaysan jirin khatar degdeg ah oo ku wajahan ammaanka shacabka. Dhamaan raggan ayaa la geeyey Gobolka Galbeedka Midlands oo baadhitaan wareysi ah laga qaadey markii danbena lagu sii daayey damiin sidda Booliiska gobolkaasi xaqiijiyey